|

Daawo: Aadan Madoobe oo go’aan Lama filaan ah ka qaatay  xeerka JINSIGA ee Xiisada dhaliyey

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa jawaab adag ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u dambeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka, wuxuuna sheegay inay su dhow ula socdaan walaaca Culimada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay xeerkan oo la sheegay inuu ka hor imaanayo Diinta.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hor hadlayey kulanka wadajirka ah ee xildhibaanada Gole ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah xeerka Jnisiga, wuxuuna tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

“Xildhibaanada sharafta leh maanta labada Aqal waan fadhinaa midbaan idin caddeyneynaa oo idin ballan-qaadeynaaa wax Diinta Islaamka waafaqsaneyn,Dastuurkeena iyo shuruucda dalkana aan waafaqsaneyn inta aan qabano ma idin horkeeneyno” ayuu yidhi

Dooda la xiriirta xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib markii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin ay wacad ku martay in la meel marin doono sharcigan ama ay isaga tegi doonto magaalada Muqdisho.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61871

Posted by on Nov 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Daawo: Aadan Madoobe oo go’aan Lama filaan ah ka qaatay  xeerka JINSIGA ee Xiisada dhaliyey”

  1. Waad ku mahadsan tihiin dhamaan inta ka hortimi sharci ku sheegan. Laakiin suaasha is weydiinta leh waxaa weeye sideyba gabadhaasi ugu dhiiran kartaa iney meesha keentaba arintan oo kale. In dhegaha dadka dhicibku maqlaanba ma aha. Waa in lagu maxakamadeeyaa arintan. Waxaan maqli jiray “riyo hadey daba lee yihiin ceebtooday ku qarsan lahaayeen” Arintan waa fikir reer galbeed. Laakiin hala fiiriyo hadey ku faaiideen ama ku qasaareen intaaney gabadhaasi la boodin.

    Halaga qaato wixii reer galbeedku inagaga fiican yihiin sida waxbarashada, tiknoolojiyada, sida loo maamulo bulsho, cadaalada iyo garsoorka oo inta badan loo siman yahay. Waxaan kaga fiican naheyna aan heysano sida diinta, dhalida caruurta, wadajirka qoyska iyadoo la xaqdhowrayo xaqa islaamiga ah ee haweenkeena qaaliga ah leeyihiin.

    Wabillaahi towfiiq

  2. Hassan

    Sida uu Gudoomiye Aaden Madoobe sheegay waxaa jira Dad war xumo tashiil ah oo Gudoomiyaha ka been sheegay markii uu safar ku marayey dhowr Dawladood oo Yurub ku yaal.

    Hadaba, meelaha ugu badan oo wararka Beenta ah laga faafinayey waxay Ahaayeen Deegaanada Puntland. Arinka Gabadha Sacdiyo ee ku saabsan Xeerka Jinsiga waxaan la qabaa sida Gudoomiyuhu sheegay waana uu ku mahadsan yahay in la joojiyo Xildhibaan Sacdiyo iyo waxa ay wadato laakiin waxaa aad u Buunbuuniyey Sheekadaan Reer Puntland oo lahaa dano kale …. Taas oo ah sidii Sacdiyo Mooshin looga keeni lahaa xilkana looga qaadi lahaa.

    Qof kasta oo qaldama si loo saxo ayaa jirta laakiin waxaa qalad ah in dano gaar ah Laga dhex arko.

  3. Aadan madoobe waxaa ka muuqda isku dhex yaac!
    waarna calaamad muujinaysa inuu arrinka wax ka ogyahay isaga iyo dad kaloo badan! waxaan saa u leeyahay, gabadhu kaligeed kuma dhiirrateen
    inay arrinkan miiska soo saarto!

    Hadda iyo dan, maaha in laysku mashquuliyo wax aan ummadda soomaaliyeed ee muslimka ah khusayn! waxa khuseeya waa la dagaalamka khawaarijta, inay amni helaan, in loo gurmado dadka abaarta iyo macaluusha la ildaran!

    Waa caddaan in arrinkan ay gaaladu dabada ka riixayso, waana in loo sheega in ay joojiyaan! hadday na caawinayaan way ogyihiin baahidayada!

    Wixii macquul ah een diinta ka hor imaanayn waa sax sida gudniinka oo aan qabo in aan gabdhaha jirkooda far la saarin( fircoowni ama sune midna ) waxaan arkayey
    ka boqorka sheegta ee puntland oo ka qaylinaya in gabdhaha jirkooda aan far la saarin! oo loo daayo siduu ilaahay ku abuuray! ninkan iyo kuwa la midka ah ee caadeystay in ay gabdhaha ka daba qayliyaan waxaan leeyahay, ka hadla arrimaha muhiimka ah ee u baahan in laga hadlo! sida in khawaarijta lala dagaalamo, waan wada ognahay inaysan ku dhicin oo naftooda u baqayaan, marka waxaa u fudud inay gabdhaha soomaaliyeed ee sharafta leh ka daba yuusan!

    Hadda haday khawaarijtu tiraa ninkii la arko isagoo gudniinka gabdhaha ka hadlaya
    qoortaan ka jaraynaa. mar dambe la arki maayo wadaad ku sheeg hadla!! waa caadaqaatayaal!!

    Horrey waan u ogeyn in carabtu qeyrkood kaga hadheen say u ilaalinayeen
    siilka dumarkooda, hadda kuwan jaamacadda wahaabiyada ka soo baxay ee ay soo direen baa raba in ragga soomaaliyeed sida carabta ay ilaaliyaan siilka dumarkooda

    nin siil waardiye ka haya siduu u shaqaysan oo horumar ku gaadhi..,,kkk

    war illeen tanoo kale, habarta odayga wax loo saar!

  4. Nasiib darada Somalia 🇸🇴 ku dhacday ayaa ah in Maantay Wahaabiyada ay Sheegtaan in ay yihiin Culimadii Wadanka !

    Khawaarijta Shabaab ee maarada loo la’yahay ragii wax soo baray oo ahaa Macalimiintooda waxay ahaayeen Wahaabi.

    Waa in Dagaal toos ah lala galaa Wahaabiga Khawaarijta Tagfiiriga Wadankana Laga suuriyaa Shayaadiinta.

  5. Gudoomiyaha warkiisa ima qancin,xeerkaan lamaba keeni karo madhihin,wuxuu soo wadaa xeerkii wixii xun waa lagasaaray waana la’ansixiyey,isuhoosgalin soo socota.

  6. Maxamuud
    Hadiiba la ansixiyo xakuu kashaqayndoonaa
    Adeer eelaaygu afar million ayuu Luxembourg 🇱🇺 kasoo qaatay
    Ninka Luxembourg xukuma ninbaa qaba
    Waa first European gay prime minister
    Hadaba islaamaha beesha 5naad ee frinbi iyo khadiijo dhurwaa iyo eelaaygan xudur hadame wallee malagoodii baa galay shib iska dheh
    Xeer waa kii ilaahay wax kaduwana majiraan bilaashbaa dumarka soomaaliyeed marmarsiiyo looga dhiganayaa

  7. Hadiiba Golahii shacabka lagaga hadlayo afkii Reer Galbeedka,Madaxwaynihii Abu Mooryaanna ka aamusanyahay,wasiirka Afqaaftuna ka aamusan yahay warku waa dhanyahay.Waxay u badantahay in la socodsiindoono.Ha raagto,ha raagtee maalin ayaa la ansixindoonaa,saa dadkuba lacagbay rabaan.
    Hargisa iyo Garoowe way soo ansixiyeen lol
    Wax Garoowe samayso Muqdisho waaba u diyaar kkkk
    Tartan,yaan lagaaga horayn camal.

    Somaligu waa qof diyaar u ah inuu wax walba dhaqaale ku badasho.

    Diintiisa
    Sharaftiisa
    Wadankiisa
    Dadkiisa

    Somaligu maantu waa u diyaar in la yeesho.Marmarka qaarkooda Somaligu isagaaba u shaqo taga meelaha ay joogaan dad wax guumaysta.

    Nairobi ayay meeraystaan si u helaan cid wax uga dirata Somaliya.

    Dalmida

  8. Mr bahal
    Soomaaliya qabiilka kaliya ee diinta iyo calanka difaaca waa hawiye inta kale rajo maleh
    Muqdishona waa hawiye waa jooga bal aan aragno in hawiye lagu hor ansixiyo xeerkaan jinsiga
    Wallee waxbaan ogahay
    Waa maalintii eelaay iyo daarood iyo beesha shanaad ay hawiye ku kicidoonaan oo muqdisho lagawada carari doono
    Beesha hawiye diinta iyo dhaqanka lagama maro waa taariikh
    Waa la ogyahay cida wadata Waxaan ee dhaqanka uleh nacalad ilaahay idinku wax xunoo dhan dad aan ogahay ayaa Soomaaliya keena
    War wuxuu maxay ahaayeen

  9. Horta aniga waxa gabdha lagu haysto ma fahmin.
    Daanyeer weligooda ku shaqysan jiray Diinta oo wadaado sheegta Wahaabiyiin u badan ayaa marka gabar hadlayso arkaan microphone soo fariista..yaab

    Weligay ma arag daanyeetaas wadaada sheegta oo ka hadlaya dhibaatada diin loo isticmaalayo oo shacabkii oo wada Sunni Muslim ah diin la iskugu dirayo, midba midkale gaal ku sheegayo, qofka aqli leh waa arkin kulli in yihiin Mooryaan diimeed,
    Weligay ma maqal wadaado isku sheegaya sidii Somalia ayagoo diintooda haysta adduunka ula socon lahaayeen oo dalkooda nolol uga samaysan lahaayeen.
    Daanyeerta Wahaabiga Umal ayaa kow ka ah….
    Sacdiyo Salaad maxay keligeed qaban kartaa??
    Xitaa Daanyeer Madoobe Nuunow oo ahaa codka shacabka ayaa isku dhiibay caawa Daanyeer Wahabiyiin ah…
    Ma dalkaas ayaa rajo leh??
    Sacdiyo naa yeysan ku dubane iskaga soo tag Mooryaan Diimeed iyo Mooryaan Hawiye iyo Mooryaan Alshabaab iyo mooryaan Ahlu Sunna iyo Mooryaanta dalka xukunta iyo Gaalo Somali aqli leh rabin, kulli rabaan inku dilaan..naa baxso oo diyaarad ka raac..waa iga talo😮‍💨

  10. Walle haddii kale sidii Saaco Cali Warsame, Hodan Naaleeye, Hindi Xaaji, Ilmaan Elman iyo qaar kaloo badan ayaa alle ha u naxariisto la oran…# Sacdiyo naa baxso inta goori goor tagay.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented