|

Madaxwayne Xasan oo Amray Baadhista Weerarkii Villa Rosa Iyo Wasiirkii amniga oo dibadda loo qaaday

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh  Maxamuud ayaa amray in baadhis lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa-Rosa oo kudhaw hoygiisa Villa Soomaaliya, kaas oo ay maalin kahor weerar kuqaadeen kooxaha Argagixisada.

Madaxweynaha ayaa u xilsaaray baaritaankan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, waxaana ay isla galabta Maxkamadu bilowday baaritaanka oo ay dhammaan goobta tageen.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayay hadda xubnaha Maxmadda ciidamadu, suaalo ku weydiinayaan  xarunta NISA.

Marka ay weeraradan oo kale dhacaan, Horey NISA ayaa baarista u sameyn jirtay, balse hadda waxaa muuqata in Madaxweynuhu qaatay go’aankan cusub.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga gudaha DF Soomaaliya Dr Doodishe oo ku dhaawacmay Weerarkii Hotelka Villa Rosa  ayaa  laga qaaday caasimada Dalka ee Muqdisho, iyadoo loo duuliyey dalka Turkiga oo dhaawaciisa lagu dabiibi doono.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61868

Posted by on Nov 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Madaxwayne Xasan oo Amray Baadhista Weerarkii Villa Rosa Iyo Wasiirkii amniga oo dibadda loo qaaday”

  1. Boqortooyada somaliya

    Oo Ma Mahad CALOOLEY baa baadhitaan ku socdaa, kkkkkkkkk

    Sow isagu muu la wareegin shaqadiii Booliska iyo Amniga muqdisho ka xaaxaabi hee , Adigaa rabigaa rasaas ka baryee ku raaxayso reenka gaadiga.

  2. Iilka kii dhigay u ergootay burcad ku dil,tuugana kuu ciidamisay waa tanoo kale.dawlad ku sheegta oo horjoogaha ka yahay gurguurte iyo maaryaantiisa ayaa dadka leysay oo dishay hadana isla iyadii dadka dishay baa baareysa siday wax u dhaceen waa wax lagu qoslo,shirqoolkii ay dadka ku leysay bay rabtaa inay jiho kale saarto oo dadka xaqiiqda ka mashquuliso waa marin habaabin cad culusaw +mahad kawaanl+ mooryaan isku raran = argagixiso.

  3. Aniga waan ka helay Xasan Sheik oo qoslayn oo isxaanijinaya..kkkkk
    Caawa waa ogyagay in Mooryaanta agfadhiya in argagixiso yihiin oo gacantooda ku ugu jiro…run
    Xasan Sheik xilka ha ja qaado Muqtaar Roobow iyo Mahad Salaad, xitaa haddii ayaga ka baxeen Alshabaab saaxiibadood iyo caailadooda oo madaxtooyada soo geli kara ayaa Alshabaab ah..run

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented