Abwaan Geesi oo ku geeriyooday Nairobi iyo Bulshada oo siwayn uga naxday
Nairobi ( Kalshaale ) Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday abwaan Cumar Cabdiwaaxid Aadan (abwaan Geesi).
Abwaan Geesi ayaa muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, isagoo u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in muddo ah la xanuunsanaa, sida uu xaqiijiyay abwaan Cabdishukri Maxamed oo ay marxuumka qaraabo ahaayeen isla markaana ay isla shaqeyn jireen.
Abwaan Geesi ayaa ahaa abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayadaha. Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qeybo ka mid ah Soomaaliya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa, Wuxuu marxuumka dunida uga tegay afar carruur ah.
Qaybaha kala duwan ee Bulshada Iyo masuuliyiin ayaa Tacsi ka diray Geerida Abwaan Geesi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61859