|

Balcad: Askari oo isbaaro ku dilay Nin Darawal ah oo gacanta lagu soo dhigay

Muqdisho ( Kalshaale ) Ciidamadda amniga ayaa gacanta kusoo dhigay askari saaka degmada Balcad ku dilay nin darawal ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Saylax Gaadaay.

Gacan ku dhiiglaha ayaa la soo qabtay isagoo isku dayay inuu ka baxsado gacanta laamaha amaanka, waxaana la sheegay inuu dagaalamay, walow aan la soo warin khasaare ka dhashay.

Xogaha la helayo waxey sidoo kale tilmaamayaan in ninka dilka saaka geystay loo soo qaaday magaalada Muqdisho oo uu haatan ku xiran yahay xarunta C.I.D, iyadoo la horgeyn doono maxkamadda ciidamadda qalabka sida.

Marxuum Saylax Gaadaay oo darawal ka ahaa gawaarida ka dhex shaqeysa Banaadir iyo Sh.Dhexe waxaa loo dilay 10 Kun oo Shiling Soomaali ah, lacagtaas oo uu weydiistay askariga gacanta lagu soo dhigay oo fadhiyay Isbaaro halkaasi u taalay.

Madaxwayne Xasan sheikh oo dhowaan booqday gobolka Shabeelaha dhexe ayaa si adag uga hadlay arinta ISBAARADA Iyo Aanooyinka Qabiilka, kuwaasi oo xalay iyo saakaba gobolka dhibaatooyinkooda laga dareemay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61856

Posted by on Nov 29 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

10 Comments for “Balcad: Askari oo isbaaro ku dilay Nin Darawal ah oo gacanta lagu soo dhigay”

  1. Aad ayaan ugu Hambalyeynayaa Ciidamada Qalabka sida ee soo qabtay Gacan ku Dhiiglahan Qaadaca Dariiqa xalaalaystay Dhiiga Dadka Muslimiinta ah.

    Waxaa kaloo muhiim ah in Dawlada Xassan Shiekh ay markasta siiso Mushaarka Askarta iyo Gunadooda si markaa looga nabad galo shartooda…… Maxaa yeelay Hadii aan Ciidanka Mushaar lasiinin Dadka Shacabka ayay Isbaaro u dhiganayaan.

  2. Wiilkani wuxu dhigtay isbaaro.Waa wixii uu ku soo koray ee Muuse Suudi ku noqday Xildhibaanka,Xasan Sheekhna ku noqday Madaxwaynaha.Waa meesha laga soo fuulo siyaasada iyo salaanka Mudanta ee Beesha Hiraab -Habar bililiqo.

    Xasan Sheekh waa Nikii bililiqaytay,90skii Jaamacadii Sidam,isbaarana u dhigtay dawladii Nabad iyo nolol,haatana kursiga ku yimid isbaaro.

    Waar hooy Wiilka yaan la dilin.Isbaarada wuxuu ka bartay kuwa madaxda iyo Maal qabeen isku sheegaya ee Tolka.
    Wiilka ha la eego xaslkiisa.

    Dalmida

  3. Kan. Ii Muuqda. Uma. Eka. Ciidan. Qaran. Oo si sharci ah kumiyid. Umana Eka. Mid. Biometric system. Diiwaan galin ah. Loo sameeyay.. maxaa mushaar usoo dhacaa. Uma Eka nin. Xataa. Dhiboow. Tababar ciidan Soo maray.
    Ninkaan. Waa mooryaan. Aka badbaado.
    Isbaarada daadsan. Shabeelada dhexe ayuu qayb kayahay. Korna waa ciidanka dawlada. Hoosna. Waa. Isbaaroole. Mooryaan ah.
    Ninkaan ladilay. Waxay ubadan tahay inuu beelaha aan. Hubaysnayn. Yahay. Saasna uu udilay.
    Cadaalad. Aduun ama aakhiro. Mid uun.
    Car yaa noo. Sheegay. Oo arkay maydka. Ragii. Weeray. Hotel rays.qofkii arkay. Fadlan hanala wadaago
    Hadii aan. Qofna kadhiman. Ragaas AYANA nalawadaaga. Dee.

  4. Suldaanka Beesha Saleebaan oo goor dhaw Shir jaraaid ku qabtay Baxdo ayaa Sheegay in Dad Shacab ah oo Reer Xaaji Saleebaan ah lagu laayey Gobolka Galgaduud dhibkaasna ay gaysteen Dad kasoo jeeda Beesha Mareexaan…!

    Mareexaan waa Caddaw maxaa yeelay markii Saleebaan aaday Dagaalka looga Sifaynayo Wadanka Khawaarijta ayay Mareexaan u daba mareen Maxastii Dumarkii Iyo Ciyaalkiina ka laayeen Saleebaan.

    Dadka noocaas ah sidee Wadan loola wadaagi karaa ?

  5. Boqortooyada somaliya

    Oo maxaa loo dilayaa hadiiba muuse yalaxow iyo Xaaayowyadii faraha badnaa ee Hawiye qaarmadoobe ba isbaaro ku taajireen, maxaad ka filaysaa awlaadooda.

    Hal xaaraanihi nirig xalaala ma dhasho, anigu 100% waan ku qanacsanahay shareecada islaamka Laakiin never accept la jiifiyaana banaanta. Xasan Gurguurte ha soo qabto dad kii xasuuqay 5 qof ee isku reerka ah hadii kale Hawiye isaguunbaa is wanjalayee Soomaali yeey maxaa idinka galay hadii Hawiye doortay inuu si Cali beysteynka u noolaado, Huuuutuuu

  6. Farmaajo oo aan sannad sii maqnayn miyaa isbaarooyin la dhigtay.🤨🤨.

    Ku nasiibso baa dhimman ayana barri baan sugaynaa.

  7. Mahad Salaad oo lagu dhagan yabay oyo fashil.

    Madaxweynaha JFS Xassan Sheekh ayaa amray in baaris lagu sameeyo weerarkii lagu qaaday Hotelka Villa-Rosa oo kudhaw hoygiisa Villa Soomaaliya, kaas oo ay maalin kahor weerar kuqaadeen kooxaha Argagixisada.

    Madaxweynaha ayaa u xilsaaray baaritaankan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida, waxaana ay isla galabta Maxkamadu bilowday baaritaanka oo ay dhammaan goobta tageen.

    Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayay hadda xubnaha Maxmadda ciidamadu, suaalo ku weydiinayaan xarunta NISA.

    Marka ay weeraradan oo kale dhacaan, Horey NISA ayaa baarista u sameyn jirtay, balse hadda waxaa muuqata in Madaxweynuhu qaatay go’aankan cusub.

  8. Beentu waa xaaraam,illaa hadda ma hayno in shacab beesha Saleebaan la laayay.
    Haddii ay jirto waa qaladcwaa danbi heshiis ayaa jiray qoladii jabisaa in talaabo laga qaado waan qabaa in digaandigaha laga dhigo.
    Ta kale Mareexaan iyo Saleebaan isma gaaraan degaanka iyo dadka soo baro xumaan iyo qabyaalad ayaa ku qaaday.
    Saleebaan waxay is arki karaan oo kaliya Wagardhac iyo reer Siyaad Xuseen Mareexaan kale deris may ahan.
    Sacad waxay is arki karaan waa Wagardhac kaliya.
    Qofaan aqoon dadka iyo degaanka ayaa iska qoraaya wuxuu rabo.
    MAXAAD KA HELEYSAS SOMALI IN AY IS DISHO?BEENTA XUMAANTA JOOJI ILLAHAY KA BAQ.

  9. Oo adeer kan yar ee isbaarada dhigtay ee wax ku dilay kii madax da ugu ahaa Spaaro iimaan laawe nimada meeh ? Yalaxow horuu ulahaaye tan kale inta all shabaab dilaan in le eg baa xasan shiikh inuu dilo ay tahay hiraabka waayo hadaanu saas samayn sii qoslimaayo ogaada meesha uu ku dan beeyo mahad salaad iyo xasan shiikh isu gabashadoodu !!!!!!!!!!! Habaaraneey baa dowlad hor muud ka ah culusowna waa nabad qabaa waa habeen xaleey tegay ee iga qora taas

  10. Hoos u godan eedo cabaadka iyo calaacalka jooji ninkii soo joog laga waayo soo jiifaa laga helaa.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented