|

Yaasiin Fareey oo booqday Furimaha dagaalka iyo waxa uu kusoo arkay

Jowhar ( Kalshaale ) Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo booqday furimaha dagaalka ka dhanka ah Al-Shababaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa soo saaray war cusub.

Xildhibaanka oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kula hadlay Nuur Dugle ayaa ayaa shaaca ka qaaday in waqti dhow uu guuleysan doono howlgallada ka socdo gobollada.

“Caawa Nuur Dugle ayaan joognaa inaan waqti dhow gaari doonoayaan rajeynayaa inta ka dhiman Shabeelaha Dhexe, gobolka Galgaduud iyo gobolka Mudug,” ayuu yiri Farey.

Yaasiin Fareey oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale xusay in dhowaan lasoo afjaro dagaalka, islamarkaana laga guuleysto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaa rajeynaa in dadaalkaas wuu socdaa meel fiican ayuuna marayaa waxay aheyd maalmo kahor xilligii aan kasoo baxaynay magaalada Muqdisho,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay ciidamada huwanta iyo saraakiishooda inay adkeeyaan difaacooda, si ay uga hortegaan weerarada Al-Shabaab, lana sii wado dagaalka.

“Waxaan ku baaqayaa in lasii adkeeyo difaaca, lana sii socdo ilaahey idamkiis,” ayuu markale yiri xildhibaan Yaasiin Farey.

Halkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay hakad galeen howlgallada ka socda deegaanada HirShabelle iyo Galmudug, sababo la xiriira xeelad milatari, sida ay shaaca ka qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka hadashay howlgallada socdo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61676

Posted by on Nov 24 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Yaasiin Fareey oo booqday Furimaha dagaalka iyo waxa uu kusoo arkay”

  1. Aawey Cayayaankii Agoontii Kacaanka

    Alla Farey muxuu ka doonay
    Dagaalka Hawiye

    Alla Farey waxaa dilidoono Hawiye

    Alla Farey waa inuu ka cararo Caasimadda Hawiye

    – Awoodii Daarood halkaas ayey
    Ku dambeysay

    u baroorasho CARUURTII USC.

  2. Imaam Dabshid si Kal iyo Laab Ah Ayaad
    Iga Qoslisey Warkaaga Waxaan Kuso
    Xasuustey Jen. Daauud Yaroow Wadanka
    Inqilaab iyo Yaasin Fareey Waa Wiilkeena
    Anigu Yaasin Fareey Aabihi Ayaan Aqaaney
    O ilma Adeer Aheeyn waxan Ogahey Wixi
    Kala Qabsadey Asaga iyo Afweeyne Walina
    Wuu Jooga Yaasin Fareey Aabihi o Mucaarad
    Weeyn Ah ilaa Waagi Inqilaabki 1969 Tira
    10 Jeer Ka Badan Waa Xirey Afweeyne Marka
    Geed Walba Dhacaankisa Ayuu Dhala

Leave a Reply to Wiil hiraab

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented