|

Xarun uu Madaxwayne Xasan sheikh maanta Xadhiga ka jaray iyo Dood ka dhalatay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha SoomaaliyaXasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey Warbaahinta Qaranka ( SNTV DALJIR ) taas oo loogu tala-galay in shacabka Soomaaliyeed lagaga wacyi-geliyo fikirka xagjirnimada ah oo dhibaato weyn ku haya dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu istaagtay la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah, taas oo ka mid ah saddexda qorshe ee lagu cirib tirayo argagixisada Alshabaab oo kala ah dagaalka fikirka, dagaalka dhaqaalaha iyo dagaalka ka socda furimaha dagaalka wuxuuna tilmaamay sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagixisada.

Dhinaca kale Idaacadda Daljir ee fadhigeedu yahay Puntland ayaa sheegtey in dowladda Soomaaliya ay ka dhacday magaceedii, ka dib markii maanta DFS ay furtay kanaal cusub oo loo baxshay Daljir.

“Kannaalka cusub ee ka tirsan telefishinka Soomaaliya ee (SNTV) ee uu maanta xarig jaray madaxweynaha dawladda federaalka Xasan Sh Maxamuud, waxaa loo cumaamaday magac ay leedahay warbaahinta gudaha Soomaaliya ugu weyn, lehna FM-yada ugu badan ee hawada Soomaaliya ku baaha, taasoo ah warbaahinta Daljir oo ku soo bilaabatay magaca Radio Daljir sannaddii 2003-dii.

Warbaahinta Daljir Soomaaliya iyo magaceeduba waa kuwo diiwaangashan, una diiwaangashan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo wasaaradaha kale dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka, la aqoonsanyahay, sharci ah, misna canshuur bixiye ah.

Sidaas darteed, waxaan Daljir ahaan u aragnaa tallaabadaasi la bixidda magaca Daljir ee Channel-ka Telefishinka Qaranka ee SNTV mid xadgudub sharci ah oo aan laga baaraandegin.

Waxaan qoraal rasmi ah u gudbinnay hay’adaha dawladeed ee ay qusayso arrintaan ee labada heer dawladeed, annagoo dhanka kalana qabsanay qareen sharci” – War ka soo baxay Daljir ayaa lagu yidhi sidaasi.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61658

Posted by on Nov 23 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

17 Comments for “Xarun uu Madaxwayne Xasan sheikh maanta Xadhiga ka jaray iyo Dood ka dhalatay”

  1. Aniga waxaan u arkaa in SNTV-DALJIR lala bixi karo, waa haddii SNTV markasta la socdo..
    Waxaa international law la diidan yahay in shacabka ku wareeraan warka dhagaysanayaan oo marna ku qaldamin shacabka warkaan Mediada qortay.
    Daljir waa warbaahin weyn oo private ah oo ilaa 2003 jirtay.
    SNTV (Somali national television) waa hay’ad qaran.
    Ma magac kale ayey wayday dowladda federalka?
    Aniga idin la hadlaya hadaan maqlo Daljir Media waxaan u fahmin war shirkad private ah qortay oo ma aamino.
    Laakiin SNTV maaha private waa dowladda Somalia codkeeda oo u arkin warkii dowladda Somalia.
    Shacabka yaan la wareerin!
    DALJIR Puntland laga leeyahay, xitaa Dowladda dhexe maaha danteeda in warkeeda loo Fahmo warkii shirkadda Daljir.

  2. Xagjirmida waxaa la mid ah qabiilka, musuqmaasuqa, mashaqaystanimada, faanka xanaaqa badan.

  3. Waagii yaraa waxaa jiray wargays la oran juray ” Waaga Cusub” oo daanyeer Daahir Calasow bililiqaystay.
    Haddii dowladda lasoo noqoto wargayskaas aniga waxaan moodi lahaa warkii Daahir Calasow!
    Afsomaliga waa af qani ah, magac shacabka cid kale ku qaldin kan dowladda waa in la helo….!
    Waxaan ogahay xitaa national telefon country cod 252.. in la bililiqaystay oo shirkadda Hormuud mamulato.
    Xitaa “World Wide Webb” (www.blahaa blahaa.som) la bililiqaystay oo maamulin dowladda dhexe…!
    Dalku chaos ayuu ku jiraa.
    Hadana Daljir ma private news ayaan aqrinaynaa mise waa warkii dowladda Somalia. Haddii Daljir kawada yiraado? Seen ku ogaan..Yaab.

  4. Wadanka intii burbursanayaa ayaa shaqsiyaad bililiqaysteen wixii dadka ka dhaxeeyey.
    Waxaad arkin!!
    Magadishu online.com
    Hargeysa online.com
    Garoowe online.com
    Hiiraan online.com etc.etc, oo daanyeer bas wada leeyahay!
    Adduunka waxaas waa ka mamnuuc in la baxo: www. Stockholm.com, waayo qofka wax ogeyn moodin war Stockholm qortay, marka horeba waa lagu tuurin haddaad furo damacdo….waa patent Stockholm. Cidna lama bixi karto.
    Somalia waa in international patent geyso sida magaca Mogadishu; patent= you can’t use this name, it owns of some one; in this case Somali people.
    Allow dowlad aqli leh nasii.

  5. Boqortooyada somaliya

    Dameer muxuu sharci iyo Dawladnimo ka kasaa, Bal fiiriya edeb darada Culusow samaynayo, absolutely unacceptable.

    Waxay ku tusaysaa Siday mooooryaantu At Soomaali ga uga arradan tahay, xitaa Barnaamijkaas magac bixin ma u samayn karaan.
    Yariisow
    Calasow
    Culusow
    Jalaqow
    Jilicow
    Dhuxulow
    Qalocow
    Gududow
    Gaaabow
    Taaakow
    Digirow
    Fiidow
    Kaafow
    Xaayow
    πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚πŸ˜‚. Yaa yaqaan cidaaan

    Adoomadiii Awoowgay Suldaan Cali yuusuf

  6. Akhyaareey telefishinada aduunka ayagoo hal magac wata ayay hadana qayb qayb ukala baxaan
    Tusaale BBC qayb wararka ah qayb sportiga ah sidoo kale
    Bal fiiriya SKY NEWS iyo SKY SPORT
    Marka maxaa ku jaban hadii SNTV qayb kamida la furo oo qaabilsan dagaalada ciidamada kujiraan iyo baahinta afgaaraha xag jirkaa oo laga wacyi galiyo dadka soomaaliyeed oo barnaamijyo tvgu sameeyo oo culumada lagu wareysto oo ciidamada furimaha kujira lagu wareysto
    oo 24hours shaqaynaya anigu Waxaan qabaa waa figrad fiican oo waliba social media dad badan oo ku xirnaa ay tvgan kuxirmi doonaan
    Soomaalidu wax kasta meesha xun ayay kafiiriyaan yaab
    Wax fiicanba uma muuqdaan kkkkk

  7. Kkkk. Land of. Punt.
    War ninyahaw. Gar xumidaa. Hadana. Comments kaagu. Waa conterversial
    Wuu Iska hor imaanayaa. Waayo. Waxaad tidhi. Cali garleh. Caydiidna garleh.
    Magaca. Daljir. Waxaa. Iska leh. Warbaahin caan. Ah. Oo. Xataa. FM keeda. North america iyo. Europe. Iyo Asia laga dhagsysto. Internetka
    Waa. Khalad. In dawlada fedaraalka. Labaxaan. Iyagoon. Ogolaansho. Kahaysan. Ama. Ka iibsan.
    Waxay lamid tahay. Adoo muqdisho. Idaacad ka furtay. Ama. Channel. Oo.u bixiyay
    BBC. Ama. Aljazerra. Ama. Garoowe online
    Waana. Inay dawladu. Ka laabataa. Ama. Ay ka. Iibsadaan One Millon. Dolor ka siistaan
    Dajjir company. Ay magac. Cusub. Raadsadaan

  8. @ Gado. Aka Qolodee tahay..
    Qoraalka. Meesha ku qoran ma aadan. Fahmin
    Waxa. ) Laysku haysto. Waa magaca. Loobixiyay. Channel ama qaybta wacyi galinta. Oo. Company. Warbaahineed. Ilaa. 2003. Jiray. Oo caan ah. Oo xataa xamar dad badan dhagaystaan. Uu leeyahay. Ee lama diidana. Qaybtaan. Waana fikrad fiican. In. Lafuro.

  9. Magacbaa laysku haystaa kulahaa
    Ma tv daljir mise radio daljir baa kuqoran
    SNTV baa raacasan SNTV daljir waa magac sax ah
    Sababtoo ah daljir kaliya lama sooqaadan
    Ayaga laftoodaa magaca soo bililiqaystay
    Axmed macalin fiqi xisbigiisa ayaa ladhahaa daljir
    Fiqi waa inuu yiraahdaa waa tuugo magacaad wadataan anaa iska leh
    Anyway magaca madaxweynaha ayaa bixiyay meel looga laabto maleh waana sax waa labo magac oo isbarkan

  10. Leopon
    Sxb saas kama wado, waxaad fahantaa
    SNTV-DALJIR iyo DALJIR..waa kala labo.
    Laakiin maba fahmin waxa ku qasbaya dowladda Somalia in warkeeda lagu qaldo war shirkad private ah qortay.
    Waxaa jira nin furtay Webbsite; Magadishu.com
    E-mail iigu soo dir Lop@mogadishu.com.
    Can you imagine that and it works..kkkkkk.
    How Mogadishu or Afgooye or what ever can be private?
    Sababtoo ah; world patent organisation in magac shaqsi sheegan karo ahayn, cidna uma sheegin.
    Ka waran haddaan gaari soo saarno Somalia oo u bixino Volvo or Margedez-Benz or Toyota ma kula tahay in okay u arkaan shirkadahaas, waayo patent magac shirkad leedahay oo cidna la bixi karin register ugu jirtaan.
    Daljir waa shirkad private ah maaha in lagu qaldo Somali government news…thats what I mean.
    Magaca Daljir cidna dhaxal uma laha.
    Laakiin shirkadayda waa u bixin karaa “Lop-Daljir news” not only Daljir news or Daljir Radio…there is a big deferent.🀌

    • Land of punt

      Leopon wuu kaa saxan yahay! in sntv la raaciyo waxba ma badalayso, war baahin war baahinkale magaceeda qaadan kartaa ma jirto iyagoon ogolaansho waydiisan! marka culusow inuu dhiiqo lugaha la galo waa u caado! ninku waa doqon faashil ah tallaabaduu qaadaba waa fashil!

      Hal abuur ma leh, markuu hadlayo waxaad mooddaa inuu ciyaalka xaafadda la sheekaysanayo! markuu shirarka caalamiga ah ka hadlayo lama dhagaysan karo wuxuu ku hadlayo, ninkani uma qalmo madaxweynenimo! maybe soomaalidaan waxba istaahilin, oon mudneyn hoggaan fiican!

      Ha wareegto giraantu!!

  11. Culusow horayna waxba uma soo kordhin haddana soo kordhin maayo!
    dad dal dhan bililiqaystay ma magac inay bililiqaystaan baa wax la ah!

    Maaha markii ugu horraysay ee uu magac bililiqaysto! waxaan xasuustaa inuu machadkii dowladdu lahayd ee ( Siidam uu ula baxay β€œsimad”) labada magac wax yar bay ku kala duwan yihiin oo waa xarfaha oo lays daba mariyay!

    Ninku hadduusan hal abuur lahayn dowladnimadana ehel u ahayn waa inuu meel walba ku raftaa! tallaabaduu qaadaba waa rafasho! nacas kuraas iibsaday madaxweyne ha kuu noqdo! waa sidan!

    Wallee inta xaal sidan yahay inaan horay loo soconayn!

  12. War Madaxweynaha ii daaya waa ducaysane masharicda ha fuliyo waxan ogaa mar

    Magaca xisbigisa lagu Qabaaday oo laga xukumay kkkk waa xariif magalo lakiin

    Hatan waa wadana madaxwayne noo soo Qaraab

  13. Haddaan Canshuurteena yareyno
    – Daaroodku wuu ooyi

    Haddaan dagaal ku qaadno
    Cadowga
    – Daaroodku wuu Qaxi

    Hadday dhintaan Askarta Hawiye
    -Daaroodku wuxuu dhihi
    Hawiye kale dilay

    -Haddaan Xarumaheena iyo dhulkeena
    Dhisano
    -Daaroodku wuu calaacali.

    * Laakiin Hadday SOMALILAND QABSATO
    Dhul DAAROOD
    – WAR DAAROOD LA MAQLI MAAH.

    * Aqristow
    Mataqaan sababta

  14. Jabhad

    Sxb xagey ku dambeysay
    Doorashadii Cismaan Max’uud ee
    JEEBSIIB HAGGAB CIISE MAX’UUD

    – Warka laga soo sheegi maamulkii yaraa,.
    ee Jufadii Yareyd ee Max’uud Saleemaan
    ma fiicna.

    Dastuurka Puntland oo uusan ku jirin
    Xoreynta Laascaanood ” hala i laaliyo “.

  15. Kkkkk

    Dabshid dowlada puntland dorkan way ka gudbaysa 4,5 madama aan nahay

    Hagaha siyasada somalia waxan soo wadna Qof iyo cod ka hana qaada dhaman

    Dhulka somaliyed Federaalka aan bilownay sow kama shaqayn dhulka somaliyed

    Insha allha waxan arkidoona somali ka gudubta 4,5

    Sida kale dabshidow waxan helnay baari madaxwayne xasan shiiq abaar ma jirto

    Wuxuu soo jeeb siibo ayan ka jeeb sibayna

  16. Jabhad

    Kkkkk

    Saas waaye
    Baariyow Xamza waa loo bogey

    ee BAARIYOW Xassan Shiikh
    ha idin deeqo.

    Awalba waxa Daarood isku heystay
    Waxay ahaayeen
    Jeeb Hawiye iyo
    Caasimad Hawiye

    One man one vote hadday ka hirgasho
    Puntland oo ay ku DEYDAAN SOMALILAND

    iga filo inaan toggii Garowe cambuulo BEEBESHEE
    ku soo cuno.

Leave a Reply to Mo

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented