|

NISA iyo Ciidanka Xooga dalka oo fuliyey Howlgal iyo waxa dhacay

Muqdisho ( Kalshaale ) Ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal gorshaysan iyo dugaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarita lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka

Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah, dagaalka Khawaarijta looga xoraynayo dalka oo dhan isla markaana garab taagan ciidanka qalabka sida ee dalka.

-Dhammaad-

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61655

Posted by on Nov 23 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented