|

RW. Xamse oo soo bandhigay Waxa u Qabsoomay 100-ka Maalmood !

Muqdisho ( Kalshaale ) Xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa 100 maalmood jirsatay tan iyo markii la soo dhisay, bil kadib markii dib loo soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii bishii May.

Haddaba Maxaa u qabsoomay 100 malmood kadib Ra’iisul wasaare Xamza?

Qoraal ka soo baxay xukuumadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Ra’iisul wasaaraha iyo Golaha Wasiirada oo ku aadan muddada 100-ka maalmood ah.

DAGAALKA AL-SHABAAB

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ku guuleysatay qaadida dagaal saddex jiho ah oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab, sida ciidan ahaan, dhaqaale  iyo fikrad intaba.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in muddada uu socdo dagaalka oo dhan 3 billood Al-Shabaab laga dilay illaa 600 oo xubnood, ayada oo laga dhaawacay 1,200 oo dagaalyahaan, sidoo kalena laga qabsaday 68 deegaan

Sida ay sheegtay xukuumadda Soomaaliya waxay sidoo kale ku guuleysatay in la mideeyo aragtida Culimada Soomaaliyeed ee ku wajahan dagaalka Al-Shabaab, taas oo keentay in ay kulan isugu yimaadaan Culimada, kaas kooxdaan loogu aqoonsaday ‘Khawaarij’.

XASILINTA DEEGAANADA LA XOREEYEY

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in qiimeyn guud ay ku sameysay deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab, kuwaas oo dadka ku nool ay wajahayaan xaalado adag.

Waxay xukuumaddu sheegtay in deegaanadaas la garsiiyey adeegyada muhiimka u ah bulshada, sidoo kalena dib loo dhisay ceelashii ay burburiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Gurmadka

Dhinaca kale xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in muddada 100-ka maalmood ah ay xoogga saartay gurmadka abaaraha, islamarkaanara ay sameysay olole ballaaran oo suurta galiyey in laga hortago macluul markale ka dhacda gudaha waddanka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay in dib loo howlgaliyey hay’adda maareynta musiibooyinka oo gurmad gaarsiisay deegaanada qaar ee ay ka jiraan abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

Soomaali heshiis ah

Ra’iisul wasaaraha Xamza ayaa sheegay in xukuumaddiisa oo ka duuleyso aragtida madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan hirgelinta siyaasad ku dhisan iskaashi laga yeesho horumarinta danaha qaranka ay ku guuleysteen in la abuuri jawi wada shaqeyn oo ka dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad goleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale xukuumadda Danqaran ayaa shaacisay inay ku guuleysatay xaqiijinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya kala dhexeeya dariska iyo dalalka kale ee caalamka.

Koobka CECAFA U17

Ugu dambeyn xukuumadda Soomaaliya ayaa waxqabadkeeda kusoo dartay hanashada koobka CECAFA U17 oo ay sanadkan ku soo guuleysteen xulka 17 jirada Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ay xooga saartay xulista iyo dhiiragelinta dhalinyarada keenay koobkaas oo ay u tartamayeen dalalka Bariga iyo bartamaha Afrika.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=61649

Posted by on Nov 23 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “RW. Xamse oo soo bandhigay Waxa u Qabsoomay 100-ka Maalmood !”

  1. 100 Maalmood oo shaqo adag ah kaddib PM Hamza Abdi Barre RW Isku kalsoon, shaqadiisa ku kalsoon, Madaxwaynihiisa ku kalsoon, siyaasadana cibaado iyo Janno ugu jira!

    Xasan iyo xamze.

  2. Minigistume soo Dag

    Somalia”: Government Bring Out 100- Day- Performance- Report..
    ————————————————————————————————
    Wax Qabadka -100- Maalmood Ee Xukuumada =Xamse?

    1)LA- Dagaalanka Argaxisadda -ShABAAB–?

    2)Wadooyinkii Xirna Controolka Afgooye- ilaa- Buulo-xaawo?

    2)Wadooyinkii Xirna-(Balcad- Ilaa – Hargeysa-1.500klm..

    3)Sicirkii- Cuntada Qiimo Hoose Loo -Dhigay,,,,,
    ——————————————————————————————-
    GUUL- GOBONIMO- XAMSE
    VIVO- XUKUUMADA
    VIVA- SOOMAALIYA

    Thank You, but No thank you, Somalia..

  3. Tolow xukuumaddu ma wayday wax afsoomaaliga si wacan u qori yaqaan, mise qolyihii Bililiqo-qaran ayaa wax soo malmaluuqay. Walle daanyeer iyo dawladnimo kala fog.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented