|

Madaxwayne Xasan Sheikh oo Fariin kale soo diray iyo Cali yare oo si cajiib ah uga hadlay

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay baaqiisii xalay ee ku aaddanaa in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyada argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale bogaadiyey sida qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed ay dhiigga ugu deeqeen dadkooda, biyaha iyo cuntada, dharka iyo agabyada kale ee muhiimka ah ay u la gaareen dhaawacyada, isaga oo dhankiisa ku deeqay dhiig si uu u dhiirri geliyo olalahan gurmadka qaran.

Dhinaca kale  gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali yare Cali , oo  Walaalkii ku waayey Qaraxa,  islamarkaana gurmadka dadka kale door wanaagsan ka ciyaaray ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay Midoobaan.

Maadaama aan ku jirno dagaal, cidda aan dagaalka kula jirnana ay tahay hal koox oo mideeysan, muxaafad iyo mucaaradna aan hal ugu nahay iyaga oo si siman noo dilayaan innaguna waa inaan adeecno warka Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo aan sida cadowgeennu mid u yahay aan innaguna mid u noqonaa.

 Soomaaliyeey waxa aan Caawa kor taaganahay iyo hilbaha hooyooyinkeen ee geesaheyga daadsan wallaahi wax aan midnimo aheyn ineeynaan uga gudbi karin ee siyaasadda inta meel iska dhigno aan dowladda hiil u noqono, oo aan cadowga midnimo ku wajahno, dowladana waxaa laga doonayaa ineey dadka si siman u dareensiiso ineey dowladoodii oo ay u simanyihiin ay tahay.

Mudane Madaxweyne, Fadlan Dagaalka nagu hoggaami waxyaabaha kale oo dhan dib noogu dhig innaguna waxaan kaa ballanqaadeynaa inaan nafteenna kuu bixinno.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=60960

Posted by on Oct 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Madaxwayne Xasan Sheikh oo Fariin kale soo diray iyo Cali yare oo si cajiib ah uga hadlay”

  1. Hobyo Godan.
    Hadal u qoray ayaan ku celin…waxaa rabaa in baro beel Majeerteen ka mid ah awood ku leh oo aqoon.
    Libaax qoyey oo roob ku da’ay doqonta dhurwaa u moodaa….

    “Hobyo godan
    Horta Ahmed Najaad si kale isaga celi laakiin adiga Majeerteen in ka hadasho waa kuu doqonimo, waa aniga oo Sacad Reer Hilowle iyo Reer Jalaf ku mashqquula.
    Ahmed Najaad beesha ;Majeerteen ka yahay waa ragga awoodooda ah ama Killilka Shanaad joog, Galkacyo ama Boosaaso joog.
    Waa rag Cali Ibrahim la yiraado aka Reer Bicidyahay oo la dhashay Maxamud Saleban Maxamed Ibrahim..Ayagana Cali Ibrahim..xitaa Majeerteen kale waan iska xignaa.
    Waa ragga Ilma Diyaano abti u ah oo Boosaaso madaxa loo galin karin, Ethiopia killila shanaad waa Majeerteenka ugu cudud badan.
    Marka Ahmed Najaad ha Facaysan waa Ragga Majeerteen laga rabo run..
    Xitaa Galkacyo ciidanka Baraxley Sacadka marka iswaalaan madaxa ka tuma waa Reer Biciidyahay..kkkkkkkk…run
    Kuye laangab ayaa tahay Warayso,😜 Deni cidda ugu gali waayeey Ilma Diyaano Boosaso ama Sacad Baraxley ugu gudbi karin, soo ogow..
    Allow yaa rag ukala warama wax ismayeeleene.!!!

    • Land of Punt. Dad dhiigoodii la wadhay meel walba caruur, ciroole, dumar, arday iyo wayeel, maalin kasta la iska xasuuqayo, waxa kaaga sii daran , inta gacmuhu go’an yihiin oo luguhu go’an yihiin oo indha beelaysa, markaasaad adiguna nooga sheekeenaysaa Reer Biciid yahan ayaa ah Majeerteen iyo cirkay galaan! Yaa yidhi dadkan waxbaynu isu nahay! Soomaalinimo, xitaa inyar kuuguma jirto miyaa! Islaanimana!

  2. Dhaliyaroy u kaca badabadinta dalkiina iskana daya golaftanka Qabilaysan adunkii

    oo dhan wuxuu la yaban yahay sida doqonimada ah ee loo xasuqayo dadka

    Somaliyed manta oo kale nooma furna kaftan waa in furimaha la taga wa difaac

    Somaliyed sharaftayadii ayaa dhulka taala

  3. Jabhad

    Sxb waa sidaas
    Insha Allaah bishaan bisheeda kale
    Somalia waxay lahaan doontaa
    Waji kale

    • Land of punt
      Sxb mooryaan in la karbaasho mooyee jawaab fiican ma leh. Inaad isku daalisaba maahayn. Xabbadda reer bicidyahan kulaylkeeda waa yaqaanaan hawiye oo dhan. Ka soo biloow markaan ceelcad ka soo saarnay 1989 Higlaale war, dagaaladii Gaalkacyo jabkii USC, dagaaladii kismaayo oo moorgan hogaaminayey, dagaalki cabdullaahi Yuusuf iyo bakaaraha kkkkkk. Kuwaa hadda markay general Darwiish mataga sida dabshid.
      Darwiish wuxuu ahaa ninka inta godka jinicoow ku xaraysta mid mid u iibsan jiray, kii lacag bixin waayana madaxa ka toogan jiray. Waa taagnaa xaadir baan ahaa

  4. Jabhad
    Soomaalidee ka hadlaysaa?
    Ma haddaa Soomaalidu dhalatay?
    Shantii sano oo la soo dhaafay miyaan Soomaalinimo jirin?
    Qaraxyadaan waa dhici jireen waxaana eeda la saari jiray madaxda dawladda.
    Hadda ma waxaa dhalatay dawlad soomaaliyeesan oo muxsin ah?

  5. Faanka naga dhaafa,oo bal isku daya inaad runta aqbashaan.

    Waanaga ay leeyihiin Hawiye iyo Daarood Somaliya ayuu ka muuqan lahaa.2dooda marka laysku daro waa majority buuxa ee Somaliya.Kuwa wadanka u jaheeya ee taladooda wadanka ka fusho.
    Sida ay Somaliya tahay ee fuusha xun,waa sida ay yihiin dadka u badan Somaliya ee dhaqankoodu saamaynta ku yeeshay Bulshada inteeda kale.

    Tuugnimo,been,musuq,dabadhilifnimo,jaahilmimo,xaasidnimo,dil,boob iyo dhac,kufsi caruureed iyo wadareed,heshiila’aan iyo dad xumo ayaa ku dhan Somaliya..

    Wanaaga aad raadinaysaan waa mid la shaqaysto e maaha wax la sheegto oo Bulshada iyo degaankeeda lagu arko.

    Buskudka iyo timirta ay Emaaraatku keenaan waxaa isku laaya Hawiye Daarood kkkkkk

    Raxanwayn maba gaadho e dhexda ayaa loo joogaa.kkkk

    Adeer bal soo barta Bulshooyinka fiican iyo dhulkooda.
    Xataa Kenya soo eega.

    Teeda kale

    Dadka 32 sano maamulikari waayay Muqdisho ee kolba shaati xudhanaya,waxba soo kordhinmaayaan maanta.Waa sida aan ku qancay,tii Ilaahay waa halkeeda – isaga ayaa xaaladaha kala badala.

    Ilaahow sidii khayr ku jiro na waafaji.

    Dalmida

  6. Khawaarijta in si dhab ah loola dagaalamo yaa hortaagan?
    culusow dagaalka daacad ma ka yahay?

    Wixii dowladdu hub haysatay reerkiisuu u raray, markaasuu yidhi dadka u been guura! waana kuwaas dhaafi la’ deegaanka yar ee masjidka cali gaduud!

    Culusow isagoon 5 maalmood madaxweyne ahayn buu dagaal uusan isu diyaarin
    iclaamiyey! Khaawaarijtu iyagu markiiba way ka jawaabeen oo waa kuwii hoteelka dadka ku xasuuqay! walina xasuuqii bay wadaan!

    Aan aragno meesha xaal ku dambeeyo!!

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented