|

Farmaajo oo war kasoo saaray Geerida Farxaan Qaroole iyo Qaraxii uu ku shahiiday

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Gen Farxaan Qaroole oo lagu dilay  Qarax miino saaka gelinkii hore.

“ Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo shahiiday isaga oo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha arxanlaaweyaasha argagixisada ah.

Janaraal Farxaan Qaroole waxa uu ahaa sarkaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo aanay ahayn markii koowaad ee uu kooxaha argagixisada ah kula dagaallamo deegaanka Basra iyo deegaannada kale ee ku teedsan xuduudda Gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada Dhexe iyo Gobolka Banaadir.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiday, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaa.”

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=60134

Posted by on Sep 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented