|

Wararkii ugu dambeeyay Abaabulka Duulaanka Qorshaysan oo lagu qabanayo CEELBUUR

Muqdisho ( Kalshaale ) Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaabul dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socda halkaas, kaasi oo ka dhan ah xarumo waaweyn oo Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka.

Ciidmada dowladda federalka Soomaaliya oo ay wehliyaan ciidamo beeleedyo deegaanada Galgaduud kasoo jeeda ayaa dhowr jiho kaga siqaya magaalada Ceel-Buur oo la aaminsanyahay inay tahay xarunta ugu weyn ee Al-Shabaab ee gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Banaadir oo ka mid ah siyaasiyiin iyo waxgarad ciidamada ku wehliya jiidaha dagaalka oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay dhaq-dhaqaaqyada ciidan.

“Dagaalkaan waxa uu ku yimid go’aan qaadasho uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh, maadama uu dareemayo inay culeys ku hayaan shacabka uu madaxweynaha u yahay. Dowladdii hore diyaar uma aheyn inay la dagaalanto Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jiida hore u tagay si uu dadkiisa garab istaag ugu muujiyo, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu halkaas ku sugnaado illaa inta argagixisada laga xoreynayo deegaanadaasi.

“Dagaalka waxaa iska barbar dagaalamaya ciidamada dowlada iyo kuwa qabaa’iilada, qolo kasta waxa lagu aadiyay aaga ay u leedahay deegaan ahaan.”

Kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano badan oo ay sanado dhowr ah gacanta ku haysay, waxaana howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab wada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo is abaabulay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=60110

Posted by on Sep 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented