|

Madaxwayne Xasan sheikh oo khudbad ka jeediyey Shirka golaha Guud ee QM

New York ( Kalshaale ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud oo khudbad ka jeediyey shirkaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uga socda magaalada New York, wuxuuna uga hadlay caqabadaha haysta guud ahaan dunida,  sida isbeddelka cimilada, Covid-19 iyo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay shirka 77-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in caqabadaha dunida haysta ay isku xiran yihiin, ayna u baahan yihiin isbeddello waaweyn oo dunidu si wadajir ah ugu dhaqaaqdo iyada oo iskaashanaysa, si ay isbeddeladaasi u waaraan, waxna looga qabto isbeddelka cimilada dunida iyo caqabadaha dhaqan-dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka haday dhibaatada ururrada argagaxisada sida Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in dawladdiisu ay la dagaalamayso

“Taageerada isasoo taraysa ee shacabka awgeed, waxa aannu ku kalsoonnahay in dowladdu ay Soomaaliya ka ciribtiri doonto argagaxisnimada, maxaa yeelay ummadda Soomaaliyeed waxa ay ugu dambayn xaqiiqsatay in falalka cabburinta ah ee Al-Shabaab aanay joogsanayn ilaa aan dhammeenteen si wadajir ah tallaabo uga qaadaynno xaqiijinta himiladan.

 Marka la soo koobo, dadka Soomaaliyeed waxa ay hadda aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo, lana jebin doono.

Arrintaasina waa tan dowlad ahaan na shidaalinaysa, rajana na gelinaysa inta aannu ku guda-jirno dagaalka ka dhanka ah argagaxisnimada caalamiga ah.”  Ayuu yidhi  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=59919

Posted by on Sep 22 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Madaxwayne Xasan sheikh oo khudbad ka jeediyey Shirka golaha Guud ee QM”

  1. Ka dib shan sano ah oo aan la’ayn qodob aan dunida u sheegno, qaab aan ugu sheegno iyo qofkii noo sheegi lahaaba; ugu dambeyn waxa aan maanta dib ugu soo noqonay fagaarihii weynaa ee Qaramada Midoobay annagoo ku faanayna dawlad iyo dadweyne Soomaaliyeed oo isku duuban dagaalna kula jira argagaxisadii hore loogu taag-waayay.

    Waxa uu Madaxweynuhu khudbaddiisa si cad ugu xusay in kacdoonka Shacabka oo lagu kabay ka-go’naanta Dawladdu ay ka dhigan tahay inay Soomaalidu markaan qaadanayaan kaalinta ugu culus (HEAVY-LIFTING role) ee howsha dabarjarka argagaxisada, isaga oo Dunidana u reebay kaalinta taageerada iyo tabantaabada.

    Somali dhexdeeda heshiis ah
    Dunidana heshiis la ah.

  2. Iska hadlaw ina igare,qufku haduusan xishooneyn wuu iska hadli karaa laakiinse waa ey ciyey illeen waxaan xaqiiq aheyn ayuu sheegaye marka caruurta ha u sheekeeyo waa waxa soomaali meeshaas dhigay waa tororog cidlaa iyo waan jecelahay iga dhageysta waa maaweelada caruurta. Midda kale culusaw safar badanaa oo shir badanaa bilaa faa’iidaa xaaladiisu ila meereyso.wallee dhado roob noqon weyday.

  3. Caaqil mujaahid Garqaad,
    Waan kusalaamay.
    Yes, indeed beetaa maahan in maantay uu madaxweeyne Hassan Shiiq yahay nin Somalia u hadli karra oo aan ceeb darteed addunkabiyo dadka Somalidabba soo hor istaagi karrin sidda ninkii Farmaajo ee ka horeeyay isagga.

    Laakiin, caaqilow aduunka ma iaku baahiyaa? Maxaa naga gallay covid-19 iyo tallaalkewda, maxaa naga gallay global warming marka aanba nabadd heeyssan?

    Anniga waxeey illa tahay in madaxweeynaha uu hal farrin and hal farrin kaliya xooga saaro oo uu ka hadlo taas oo ah dagaalka argagixissada alshabaab. Sababtoo ah root cause ka, iyo waxa keenay dhibaatooyinka kalle oo dhan ee na heeysta waa argagixissada alshabaab. Siddee baa raaahin lagu geeyn karraa meel Xamar u jirta 50 mile, hadii eey jidkii ku jirraan argagixissada alshabaab? Siddee baa abaar wax looga qabban karraa amabba looga hadli karraa iyadda oo aan la address gareeyn waxa sababta u ah abaarta iyo gaajadda?

    Markii mowduucyo baddan laga dabba wadda ordo, waxaa dhacda in hal sheeyna laga qabban wax. Laakiin, marka hal mowduuc xooga lasaaro wqxaa dhici karta in la gaaro.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  4. Waxaan aad iyo aad ubogaadinayaa ciidanka fedaraalka somalia.
    somali fedaral army iyo ciidanka
    Hiiraan state oo dagaal adag kula jira mooryaanta dhiiga umadda banaystay maal mahaana duulaan ku ah moqokoray oo ah stronghole of mooryaans
    Ka sifeeya gobolka deedna gobolada kale gacan siiya..

    Kalshaale wuxuu noqday doqon fariisay
    Anigu fikirkayga siyaasada dalka ayaan cabiraa sax iyo khaladba. Say aniga ilatahay siyaasi aan dhaliilo ama midkale aan taageero waa choice.

    balse layma laylyin/ tababarin inaan hooyo caayo amase beelo soomaaliyed caayo
    Waxaan usheegayaa inta doqomadaa ee kalshaale soo gasha idinku isla shekaysta. Fools must debate other fools.
    Mideeda kale qabiil been ah oo isbahaysi lagu sameeyay oo aan dhalasho ahayn ee umad midooday ah ayuu qabiil kale oo uusan hubin xataa inuu asagu asalkiisii hore kasoo jeedo ayuu nacayb iyo cadaawad uqaadayaa.
    Waa caqli xumo iyo iimaan yari
    Kalshaaale.ca page kiisuu leeyahay yaad tahay reer kee tahay
    Mageeljiraa geeljire unbaa yiraahda yaas tahay. Reerjee tahay.
    Meeshaaan fikrad dhiibo or get out looma furin qolodee tahay.
    Kii hooyo caaya ama waalid kale caaya just uun hooyadiis ayuu caayay
    cid kale waxba umuu dhimin
    qofka aad naqdinayso fikirkiisa attack iyo aqoontiisa not his parents and his tribe.

  5. Kalshaale waa XERA DAMEERO (HUUTUU IYO DAAYERR (IIDDOOR)
    DegDeg
    Xassan Dameer oo America ka Bax ka yiri magacii Soomaaliyeed waad Ku khiudbadaysay, lacag a kusiin mayno.

    ISAGA C. Cabdishakuuna meeshii Bay isku weerareen, wuxuu rabay Soomalida America inuu Shaxaado
    DAMEER futa madoow

  6. Xasan wuxuu la wareegay dawlad la kiciyay oo u baahan oo kaliya inay socoto, iyo shacab Somaliyeed oo abaabulan. Shacab niyada loo dhisay oo laga soo kiciyay hurdo iyo daciifnimo.Shacab loo diyaariyay kacdoon wadaniyadeed.

    Wuxuu dhaxlay ciidan dhisan oo Turkigu si fiican u carbiyay oo la diyaariyay.Wuxuu dhaxlay nidaam isku dhacsan oo maaliyadeed iyo maamul isku toosay.

    Ciidanka dhisan iyo shacabkii oo abaabulan,la tusay Somalinimo iyo in wax la noqokaro oo kacdoon Somalinimo iyo dad toosay ayuu dhaxlay.

    Waxa uu u baahanyahay oo kaliya inuu ciidankii Areteeriya soo celiyo oo uu ku hawl galo.Waxa uu u baahanyahay inuu ciidanka iyo shacabka diyaarsan isku dubarido oo Tuutaha xidho sidii Formaajo.Oo uu xeryaha ciidanka tago ama uu furimaha dagaalka tago si uu dagaalka qayb uga noqdo.Maaha inuu iska meeraysto oo lacag I siiya aduunka ku wareersho.

    Dalmida

Leave a Reply to Leopon

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented