Daawo: Xildhibaan Jeesow “Kawaan kii dadka ayuu noqday Cisbitaalka Yardimeli ee Muqdisho”
Muqdisho ( Kalshaale ) Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Cisbitaalka Yardimeli ee Muqdisho uu noqday meel dadka Soomaaliyeed lagu qasho.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Kawaan kii dadka ayuu noqday Isbitaalka Yardimeli waa in la xidhaa Islamarkaana Hay’adda Cadaaladda iyo CID ay Baaritaan ku sameeyaan” Ayuu yidhi Jeesow.
“Meel lagu qasho hooyada iyo dhaqaanka, waxay keeneen dhaqaatiir been abuur ah, dhibaato culus ayaa bulshadii kasoo gaadhay, waa in la joojiyaa shaqadiisa, sidoo kale waa in laga badbaadiyaa dadka bukaanka ah ee hada ku jira.” Ayuu yidhi xildhibaan jeesow.
Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaadhay cisbitaalka ayuu ku baaqay inay soo baxaan oo codkooda ay muujiyaan, wuxuuna codsaday in cisbitaalka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=59889
Kan inuu qowmuluud yahay way ka muuqataa!
Madax dhaqameedka meesha keenay waa inay dadka ka hor dhqaajiyaan!
qowmuluudnimada waa in lala dagaalamo! gaalaa soo dirsatay si ay qowmuluudnimada u faafiyaan.