Maraykanka: Soomaali badan oo Fadeexad dhexda ka fadhiistay iyo waxa dhacay
Minneapolis ( Kalshaale ) Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday dacwado ka dhan ah 47 qof oo badankood Soomaali ah oo lagu eedeeyey inay ku lug yeesheen xatooyadii ugu weyneyd Mareykanka ee lagu sameeyey lacago looga talo-galay gargaarka COVID-19.
Magacyada dadkan oo la shaaciyey ayaa ku jira lix liis dacwadeed oo kala duwan, waxaana loo haystaa kaalinta ay ku lahaayeen $250 milyan oo laga xaday barnaamij ay dowladda federaalka Mareykanka ugu talo-gashay nafaqeynta caruurta.
Dhammaan dadkan kuma jiraan kuwa lagu caddeeey dambiga loo haysto, waxayna sugayaan maxkamadeyn. Kuwa badan oo ka mid ah ayaa si toos ah ama ayaga marinaya qareenadooda sheegay inaysan wax dambi ah gelin.
Xeer-ilaaliyaha qaranka Mareykanka ee gobolka Minnesota, Andy Luger ayaa Talaadadii sheegay in qaar ka mid ah dadkaas lasoo xiray.
Dacwadaha illaa hadda lagu soo oogay dadkan waxaa ka mid ah shirqool, khiyaano lacag diris, been xalaaleyn lacag, iyo laaluush.
Dacwad oogayaasha federaalku waxay sheegeen in eedaysanayaasha ay heleen, lunsadeen, oo ay lacag been xalaaleeyeen malaayiin dollar ah oo ay dowladda ka dalbadeen ayaga oo sheegaya inay tahay cunno ay ku quudiyeen caruurta qoysaska saboolka ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=59879
Tanna maad boobayseen?.
Ma Somalia ayaad moodeen?
Lacagtii caruurta loogu deeqay ee Gaalku ugu deeqay ayaad xadeen idinka oo Muslim sheeganaya?
Hawiye iyo Daarood u tartamay xatooyo xoolo loogu dhiibay caruur fakhri ah oo Somaliyeed.
Eddo Batuulo ayaa ku jirta.
Waa dadka noocaasi ah dadka la rabo inay maanulaan meel ay iyagu leeyihiin kkkkkkkk
Markay wax walba dhaceen, xaraash even waxay ka dhigteen wadankii meel ay ku dawarsadaan.
Areey orord aduunka lacag ka soo qaaad, ergay aad tahay..
Dalmida
Dalnida