|

XOG HORDHAC AH: Golaha wasiirada Somalia Iyo beelaha ay kasoo jeedaan !

Muqdisho ( Kalshaale )   Raysal wasaaraha Soomaaliya   Xamse Cabdi Barre ayaa laga sugayaa Golaha wasiirada, waxaana banaanba usoo baxday SAADAADHA HORDHACA AH EE GOLAHA WASIIRADDA Balse  wey isbedeli karaan magacyada iyo wasaaraddaha loo magacaabi doono.

KURAASTA BEELAHA HAWIYE.

1- Ahmed Macalin Fiqi- Wasiirka arrimaha gudaha

2- Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar- Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka

3- Xildhibaan Maxamuud Beene-Beene- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah.

4- Xildhibaan Dr Cali Xaaji Adam- Wasiirka Caafimaadka

5- Xasan Macalin- Wasiirka Dastuurka+

WASIIRADDA BEELAHA DIRTA.

6- R/wasaare kuxigeenka isku haysi ayaa kataagan wali.

7- Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur- Wasiirka Maaliyada

8- Ahmed Xasan- Wasaarada lama hubo

WASIIRADDA BEELAHA DAAROOD-KA.

9- Max’ed Sh Doodishe- Wasiirka Amniga

10- Abshir Cumar Huruuse- Wasiirka arrimaha dibada

11- Xildhibaan Siciid Daahir-

12- Xildhibaan Fardowsa/Xildhiban Axmed Taajir

13- Jamac Xasan Khaliif /

WASIIRADDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE.

14- Cabdulqaadir Max’ed (Madaxa nafuran) Wasiirka Difaaca

15- Mukhtaar Roobow Cali- Wasiirka Awqaafta arrimaha diinta iyo Ladagaalanka xagjirka.

16- Ahmed Madobe Nunow

17- Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid

18- Xasan Eelaay- Wasiirka Xanaanada Xoolaha

KURAASTA BEELAHA SHANAAD.

19- Faarax Abdulkadir Max’ed: Wasiirka Waxbarashada

20- Khadija Makhsuumi- Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

21- Daud Aweys-

FIIRO GAAR AH: Isbedel waa ku imaan karaa xogtan, shaqsiyaadka aan magacyadooda kaliya qoran tahay wali wasaaraddaha doodo ayaa kafuran,  Sidoo kale Beelaha aan tiraddu buuxin- wali dood ayaa ka taagan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=58372

Posted by on Jul 31 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

9 Comments for “XOG HORDHAC AH: Golaha wasiirada Somalia Iyo beelaha ay kasoo jeedaan !”

  1. Sida ugu dhaqsaha badan haloo soo dhiso Wasiirada Qilaafaadkana waa in la yareeyaa Si hawlaha faraha badan ee yaala loo socon siin lahaa.

    Raysal Wasaare Xamza iyo Madaxweynaha waan ogahay in ay doonayaan in ay Qanciyaan Qabiilada iyo awood qaybsiga laakiin mid ha ogaadeen in aan cid walba La qancin karin marka sidaa awgeed ha dadajiyaan magacaabida Golaha Wasiirada Sida ugu dhaqsaha badan.

    Guulaysta horay haloo socdo.

  2. 91kii Cali Mahd, Aun. Waxan oo kale wuu soo qorqoray,Maryoolayna waa ku faraxsanasyeen kkk, Laakiin dawladnimo looma socdo.

    List iska eega I aad ku jiraan kkkkk

    Dalmida

  3. Waxaa liiska iiga muuqda shaqsi Aan galaas wada ahayn dugsigii sare waayo waayo waa aqoon yahan jamacadiisu sargasso usa 🇺🇸 buu ku diyaariyey aqoon sare maansha alaah Well come Mr Khalif

  4. Macquul maaha in rooboow wasiir noqdo waaba nin xabsi kujiree see camal kalshaale
    Arimaha dibada khaliif jaamac majeerteen
    Reer xirsi oo waliba cabdirisaaq xaaji xuseen ayaa adeer u ah waa nin kuwanaagsan sacuudi caraabiya ayuu dagan yahay
    Wasiirka amniga waa doodishe mareexaan cali dheere
    Waa damuljadiid
    Laakiin wasiirka gaashaandhiga digil iyo mirifle ayaa leh
    inkastoo tiktok uusan kuhaboonayn
    Laakiin rooble ayaa ku baroortay
    oo yiri hal wasiir asxaabtayda iigu xushmeeya
    is ok any way dawladu ha shaqo bilowdo

  5. Nin shaqo la siiyey oo caruurtisa ku korsanaya iyo qabiilka yahay awalba macne kuma fadhiyey.
    waxaa muhiim ah waxa qabanayaan dowladaan Xamse iyo Xasan sheik-
    Honey moon ha isaga jireen.

    Wasiirka arimaha gudaha “1- Ahmed Macalin Fiqi-” aad u taageersanahay, waxaa dhici karta in soo afjaro Ashabaabka baadda ku haysta Galmudug.
    Waa nin daacad ka tahay in Galmudug ka xoreeyo Alshabaab, wuxuu haystaa full support of puntland.
    Roobow iyo Fiqi oo isla shaqaynaya Alshabaab in godkooda biyo ugu soo galeen ayaan u malayn..
    Honey moon hala siiyo maamulka Xasan Sheik sidii Farmaajo ilaa Puntland niiko ka dhamaatay..Ar Farmaajo ii geeya..kkkkkkkk
    Waxaa ku xigtay; ar Farmaajo iga fogeeya..kkkkkkkkkkk
    Dowladda Culusow aka Qoslaaye qayr u rajayn, waana daawanaynaa.
    Somalia ha noolaato😎

  6. Gedo land

    Mukhtaar rooboow miyaanuu ahayn ninkii xidhnaa former Al shabaab

    I will be surprise hadii ninkaa wasiir laga dhigo
    President HASAN umalayn maayo a mass murderer inuu golihii wasiirada ka mid noqdo

  7. Kaahin
    Waa isagii hadii wasiir laga dhigo dee xasan daahir aweys wasiir halaga dhigo
    Umalaynmaayo kalshaale ayaa arintan la ordaya meel ay ka keeneen bal hanoo sheegaan
    Waaba nin sadex dawladood uxiran
    Maraykanka soomaaliya iyo eithopia oo baidhoa kasoo qabatay
    Laakiin kalshaale madaxweyne xasan shiikh bay kudhagan yihiin waa abtiyaasha dhulbahante wasiirkooda cabdi xaashi cabdilaahi ayaa lagala tashanayaa maadaama ay Somaliland cad kuleeyihiin

  8. Waa iska soo qoreen.
    Roobow iyo Xasan Daahir cid sii deynaysaa ama xil u dhuubaysaa in ay jirto ma filaayo.
    Wasiirada waa iska qiyaas un wax facts ah lama hayo.N8nba wax buu kuu sheegayaa sida saxda ah Xasan Sheekh iyo Xamza kaliya ayaa og.

  9. Warkani haduu run yahay

    Waxan hambalyo u diraya axmed Macalin fiqi oo aan ka filayo shaqo wanagsan iyo

    Inuu iska celin karo ugus

Leave a Reply to Jabhad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented