XOG HORDHAC AH: Golaha wasiirada Somalia Iyo beelaha ay kasoo jeedaan !
Muqdisho ( Kalshaale ) Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa laga sugayaa Golaha wasiirada, waxaana banaanba usoo baxday SAADAADHA HORDHACA AH EE GOLAHA WASIIRADDA Balse wey isbedeli karaan magacyada iyo wasaaraddaha loo magacaabi doono.
KURAASTA BEELAHA HAWIYE.
1- Ahmed Macalin Fiqi- Wasiirka arrimaha gudaha
2- Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar- Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
3- Xildhibaan Maxamuud Beene-Beene- Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah.
4- Xildhibaan Dr Cali Xaaji Adam- Wasiirka Caafimaadka
5- Xasan Macalin- Wasiirka Dastuurka+
WASIIRADDA BEELAHA DIRTA.
6- R/wasaare kuxigeenka isku haysi ayaa kataagan wali.
7- Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur- Wasiirka Maaliyada
8- Ahmed Xasan- Wasaarada lama hubo
WASIIRADDA BEELAHA DAAROOD-KA.
9- Max’ed Sh Doodishe- Wasiirka Amniga
10- Abshir Cumar Huruuse- Wasiirka arrimaha dibada
11- Xildhibaan Siciid Daahir-
12- Xildhibaan Fardowsa/Xildhiban Axmed Taajir
13- Jamac Xasan Khaliif /
WASIIRADDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE.
14- Cabdulqaadir Max’ed (Madaxa nafuran) Wasiirka Difaaca
15- Mukhtaar Roobow Cali- Wasiirka Awqaafta arrimaha diinta iyo Ladagaalanka xagjirka.
16- Ahmed Madobe Nunow
17- Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid
18- Xasan Eelaay- Wasiirka Xanaanada Xoolaha
KURAASTA BEELAHA SHANAAD.
19- Faarax Abdulkadir Max’ed: Wasiirka Waxbarashada
20- Khadija Makhsuumi- Haweenka iyo Arrimaha Qoyska
21- Daud Aweys-
FIIRO GAAR AH: Isbedel waa ku imaan karaa xogtan, shaqsiyaadka aan magacyadooda kaliya qoran tahay wali wasaaraddaha doodo ayaa kafuran, Sidoo kale Beelaha aan tiraddu buuxin- wali dood ayaa ka taagan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=58372
Sida ugu dhaqsaha badan haloo soo dhiso Wasiirada Qilaafaadkana waa in la yareeyaa Si hawlaha faraha badan ee yaala loo socon siin lahaa.
Raysal Wasaare Xamza iyo Madaxweynaha waan ogahay in ay doonayaan in ay Qanciyaan Qabiilada iyo awood qaybsiga laakiin mid ha ogaadeen in aan cid walba La qancin karin marka sidaa awgeed ha dadajiyaan magacaabida Golaha Wasiirada Sida ugu dhaqsaha badan.
Guulaysta horay haloo socdo.
91kii Cali Mahd, Aun. Waxan oo kale wuu soo qorqoray,Maryoolayna waa ku faraxsanasyeen kkk, Laakiin dawladnimo looma socdo.
List iska eega I aad ku jiraan kkkkk
Dalmida
Waxaa liiska iiga muuqda shaqsi Aan galaas wada ahayn dugsigii sare waayo waayo waa aqoon yahan jamacadiisu sargasso usa 🇺🇸 buu ku diyaariyey aqoon sare maansha alaah Well come Mr Khalif
Macquul maaha in rooboow wasiir noqdo waaba nin xabsi kujiree see camal kalshaale
Arimaha dibada khaliif jaamac majeerteen
Reer xirsi oo waliba cabdirisaaq xaaji xuseen ayaa adeer u ah waa nin kuwanaagsan sacuudi caraabiya ayuu dagan yahay
Wasiirka amniga waa doodishe mareexaan cali dheere
Waa damuljadiid
Laakiin wasiirka gaashaandhiga digil iyo mirifle ayaa leh
inkastoo tiktok uusan kuhaboonayn
Laakiin rooble ayaa ku baroortay
oo yiri hal wasiir asxaabtayda iigu xushmeeya
is ok any way dawladu ha shaqo bilowdo
Nin shaqo la siiyey oo caruurtisa ku korsanaya iyo qabiilka yahay awalba macne kuma fadhiyey.
waxaa muhiim ah waxa qabanayaan dowladaan Xamse iyo Xasan sheik-
Honey moon ha isaga jireen.
Wasiirka arimaha gudaha “1- Ahmed Macalin Fiqi-” aad u taageersanahay, waxaa dhici karta in soo afjaro Ashabaabka baadda ku haysta Galmudug.
Waa nin daacad ka tahay in Galmudug ka xoreeyo Alshabaab, wuxuu haystaa full support of puntland.
Roobow iyo Fiqi oo isla shaqaynaya Alshabaab in godkooda biyo ugu soo galeen ayaan u malayn..
Honey moon hala siiyo maamulka Xasan Sheik sidii Farmaajo ilaa Puntland niiko ka dhamaatay..Ar Farmaajo ii geeya..kkkkkkkk
Waxaa ku xigtay; ar Farmaajo iga fogeeya..kkkkkkkkkkk
Dowladda Culusow aka Qoslaaye qayr u rajayn, waana daawanaynaa.
Somalia ha noolaato😎
Gedo land
Mukhtaar rooboow miyaanuu ahayn ninkii xidhnaa former Al shabaab
I will be surprise hadii ninkaa wasiir laga dhigo
President HASAN umalayn maayo a mass murderer inuu golihii wasiirada ka mid noqdo
Kaahin
Waa isagii hadii wasiir laga dhigo dee xasan daahir aweys wasiir halaga dhigo
Umalaynmaayo kalshaale ayaa arintan la ordaya meel ay ka keeneen bal hanoo sheegaan
Waaba nin sadex dawladood uxiran
Maraykanka soomaaliya iyo eithopia oo baidhoa kasoo qabatay
Laakiin kalshaale madaxweyne xasan shiikh bay kudhagan yihiin waa abtiyaasha dhulbahante wasiirkooda cabdi xaashi cabdilaahi ayaa lagala tashanayaa maadaama ay Somaliland cad kuleeyihiin
Waa iska soo qoreen.
Roobow iyo Xasan Daahir cid sii deynaysaa ama xil u dhuubaysaa in ay jirto ma filaayo.
Wasiirada waa iska qiyaas un wax facts ah lama hayo.N8nba wax buu kuu sheegayaa sida saxda ah Xasan Sheekh iyo Xamza kaliya ayaa og.
Warkani haduu run yahay
Waxan hambalyo u diraya axmed Macalin fiqi oo aan ka filayo shaqo wanagsan iyo
Inuu iska celin karo ugus