|

Madaxwayne Xasan sheikh oo Tababar usoo Xidhay Ciidamo ka tirsan Xooga dalka oo Turkigu tababaray (Sawirro)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.

Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

DHAMMAAD

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=58355

Posted by on Jul 31 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Madaxwayne Xasan sheikh oo Tababar usoo Xidhay Ciidamo ka tirsan Xooga dalka oo Turkigu tababaray (Sawirro)”

  1. Maasha Allah waxaa ii muuqda hanaan Dawladeed iyo yididiilo mustaqbal Wanaagsan.

    Madaxweyne Hassan waxaan ka dhawraynaa in uu noo soo magacaabo Taliyayaashii Ciidamada nooc walba ay yihiin haday ahaan lahaayeen Militariga, Booliiska, Asluubta, Ciidanka Bada iyo wixii la mid ah !

    Fadlan naga hor wareegi Xassan Shiekhoow Shaydaan Xijaar iyo Fircoon Odawaa iyo Dhamaan wixii lasoo shaqeeyey Dawladii hore ee Maafiyada ahayd.

  2. Maasha alaah madaxweyne
    Gedoland horuu kuugu sheegay dhinaca ciidanka yaan lagaa marin
    Wixii ay kugu dhaliili jireen 2012 -2017
    Beeni oo tus cadawga inaad ciidankaaga aabe utahay oo ay adiga iyo shacabka soomaaliyeed ilaaliyaan
    Guul iyo gobanimo madaxweyne xasan shiikh safarkii waa kasoo dagay haday bilaabatay
    Kanaxoow nafta waa

  3. Hadii dr doodishe wasaarada amniga loo dhiibo
    Waa damuljadiid oo qabsatay kismaayo iyo garoowe
    Daarood waxaa lasiiyay laba wasaaradood oo ah A waa amniga iyo dibada dhabayaco dibadaa lasiiyay
    Ilkayarna amniga gudaha
    inta kale ee daarood Somaliland bay qayb kuleeyihiin habiqlayso

  4. mingistume soo Dag

    Soomaliya la-hayste u noqon mayso xildhibaano saaqiday!
    ——————————————————————————
    CIIDANKA XOOGA SOOMAALIYEED WUXUU SOO AFJARAYAA ALSHABAAB. Waa in askariga soomaaliyeed u dhigmaa 10 askarta itoobiyaan iyo kenyanka ah.
    ————————————————————————————————————
    أنا صومالي – I am Somali
    Guul-Gobonimo- salute from a soldier- salaan askariga

  5. mingistume soo Dag

    Ciidanka Xooga- Dalka -Soomaaliyeed- Hambalyo=Hambalyo?..
    ————————————————————————————–
    “I salute our armed forces personnel..

    “Waxaan salaamayaa ciidamada qalabka sida?…

    1)This touched my heart 😃❤️
    Tani waxay taabatay qalbigayga 😃❤️

    2)Huge respect 🙏==Xushmad weyn 🙏

    iska Celiya= Hawiye= Daarood= Shabaab= isaaq= mooryaanta Guud

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented