|

DF Soomaaliya oo markale lagu qasbay in ay raaligalin siiso Masar Iyo arin yaab leh

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa markale sheegtay in “Cabdifitaah Sisi uusan been-sheegin”  kadib markii dhowaan ay madaxtooyaddu waxba kama jiraan ku sheegtay warkii madaxwaynaha masar ee ahaa in Soomaaliya ay taageertay Qorshaha Masar ee Webiga NIIL.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa bixiyey qoraal-raaligalin ah (Faafin Rasmi ah) oo kusocda Masar, waa 7 maalin gudahood iyo markii 3-aad oo ay Madaxtooyada Soomaaliya tabinayso warar is burinaya.

Arintan ayaa sidoo kale waxaa wax lala yaabo ku tilmaamay Aqoonyahano iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada

Soomaaliya sumcadeeddii la dhoodhoobayey dhulkay gashay markale. Tani hadeysan ceeb ahayn ma aqaan waxkale oo loogu yeedhi lahaa, dhiiqadii la isku habaraayey ayaa qaranka lugaha loo gashay, wax laga aamusi karo mahaa in dalkeenii loo bahdillo wadan shisheeye, oo danahiisa gaarka ah raadsanaya. “ Ayuu yidhi Wariye Suleiman Xaashi oo ka falceliyey warka kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale Cabdinaasir Ismaaciil (Sola) oo kamid ah  dadka sida wayn u taageera dawladnimada Soomaaliya ayaa ku tilmaamay arintan ‘Dawlad lugta iska tooganaysa.

“Dawlad 100 Maalmood Jirta, oo lugta iska tooganaysa , lama difaaci karo “ Ayuu yidhi

Maxay kula tahay adiga ?

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=58352

Posted by on Jul 30 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

16 Comments for “DF Soomaaliya oo markale lagu qasbay in ay raaligalin siiso Masar Iyo arin yaab leh”

  1. Boqortooyada somaliya

    Ninkii meydku ka dhacay muxuu yidhi Haduu sii go,ay.

    Walaahay Hawiyaa Dowladnimo tii la odhan jirey diley. Ileen ceeb looma dhinto.

    Nin ABGAAL ah oo aanu kaftan wadaag nahay baa wuxuu dhahaa. Daarood na waa magac raadis. Hawiye na BEESO raadis. Belo ku degtey bal nimankaasaa Dowladnimo laga sugayaa

  2. mingistume soo Dag

    “Dawlad 100 Maalmood Jirta, oo lugta iska tooganaysa , lama difaaci karo?
    —————————————————————————————————
    Haddii Caqligu talin waayo oo ay Caadifo taliso waxaa hubaal ah haddana cad in ay Dowlada Cusub ka tabar daraan doonta tii farmaajo oo kale…
    ———————————————————————————-
    1)Warbaahinta Somalida ee Sirdoonada cadawga u shaqaysa wax badan ka ogow!2

  3. Waar daanyeerkan af hayeenka madaxtooyada sheeganhayo waa in shaqa ku sheeggan laga caydhiyaa?

    Waar damun jadiid dhegahooda iyo afkooda is maqli maayaan?

    Dowlad laba bilood iyo badh jirta oo gaafafkan gelaysaa waxay ku tusinaysaa wax badan baa khaldan.

    Bal aynu dhowrno sida ay isu saxaan.

    Anigu raja badan markii horeba kama qabin in mooryaantan soo celiso magacii Soomaaliyeed iyo midnimada qarankan iska daa la dagaallanka mooryaanta shabaabka..

    Waa wada dhuxulayste miidhan oo imminka ku hoos barooranayo Uhuru iyo kuwa la filahayo inay xukunka qabtaan dalkaasi gumeysta Jubbaland .

    Wallee Soomaali baanan qarannimo fahmin

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  4. Kkkkkk

    Awalba waan ogayn in madaxwaye dal oo hortagan ina xasankii martida ah inusan

    Shegi karin been aan lala ogayn ee yaan la isku Qaldin waqtigii geelQalowga iyo

    Qarnigii beenta war waad ku hor kufteen siyasada calamka ee is casila

  5. Bismilah, Khalkhalkaas Siyaasadeed waxaan Dusha usaarayaa Qaarkamid ah Somali oo Imaanka alaha kaqaado madhihi karee,Dowladii oon Ladhisinba Dhaleecayn iyo propagando Kufuray Madaxwaynaha.
    Hadii Xassan si aan xalaal ahayn xukunka kufuuley, Makala aarsi iyo Dhaliilbaa Lagutoosin?

  6. Cabdikariim Cali Kaar wuxuu bannaanka u soo saaray xirfadxumada saxaafadda gudaha. Weriyayaashu waxay noqdeen kuwa haddii lala
    hadlana su’aal-xumadooda kugu wareerinaya, haddii laga aamusana afxumadooda kugu weeraraya. Labada jeerna waxay aaminsan yihiin inay “XORIYATUL QAWL” wax la yiraa ku dhaqmayaan.

    Haddii aysan xarumaha warbaahintu waqti gelinin inay dhallinyarada xogaha u doonaya wacyi ahaan u soo dhisaan oo weyddiimaha wax-ku-oolka ah ay soo bari waayaan, waxay tagaysaa in XORIYATU-QAWLKOODA looga hortago XORIYATUL-QAWL kale. Intii ay adi ku wareerin lahaayeen iyaga wareeri.

    Marka ay ku weyddiiyaan arrinta Webiga Niil, ugu jawaab: “sideedaba webiga Niil wuxuu u kala baxaa Niilka Cad iyo Niil Buluug ah. Waxay ku kulmaan magaalada Khartoum. Waa meeshii uu Abwaan Xuseen Aw Faarax ka tiriyay Heestii Webiya isu ooman. Hees aad u qiima badan ayay ahayd. Magool si xarrago leh ayay ugu luuqeysay. Haddii aad weriyayaal tihiin, ma og tihiin in Magool ay ahayd Boqoraddii Codka. Waxaa loo baahan yahay inaad barataan ood baartaan taariikhda ummaddiina. Fankeennu wuxuu ka hadli jiray webiyada, badaha, taariikhaha iyo siyaasaadka dunida iyo weliba khilaafaadka dalalka ka dhexeeya. Marka, waxaan aaminsanahay inuu Fankeennu yahay aqoon dhan kasta ka dhammeystiran..”

    Inta aad hadlayso haddii ay warka kaa soo dhexgalaan, ku dheh “aan kuu dhammeeyee hayga kala goynin warka”. Marka dambe in aad waalan tahay inta kuu qaataan ayay adoo hadalka wada kaa kala tagayaan. Waa uu nala hadli waayay intii ay kugu eedeyn lahaayeen, “hadal ayuu nafta nooga qaaday” eed ha kaaga dhigaan.

    somalia waa lawada degan yahay ee lama wada lahan.

    • Warqaad

      Hadda maxaad qortay, hadal cantrabaqash ah oo meel uu u socdo aan la aqoon!
      Xasan nacas culusow lama difaaci karo! waa doqon og in uusan mar dambe madaxweyne noqonayn, marka waa inuu xaar walaaqo!

      Doqonkani markuu madaxweyne noqdo maxaa dhismaha dowladdu u daahaa!
      intii uu dibadaha meeraysanayey muxuu soo kordhiyey? waa waxba, kaliya wuxuu khasaariyey lacag ciiddaa ka badan oo ay u baahan yihiin dadka macaluusha la ildaran ee abaartu saamaysay.

      yaa u sheega in howsha ugu culus ee hortaallaa waa dalka gudihiisa ee maaha dibaddan uu wareegayo!

      War yaa Ilaahay yaqaan!

  7. Somalidu waa dad cajiib ah,wax aan waqti lagu lumin ayay waqti ku luminayaan.
    White House speakers imisa mar ayay apologies bixiyaan bishii? Ugu yaraan average 2 mar bishii.
    Dawlad kastoo timaada kuma imaaddo rabitaanka shacabka (popular vote etc)waxay ku imaadaa rabitaanka dawalado kale,dawaladdahaas ayaan xukuma yaa diidaya arrintaas?
    Ummad wada waalan, qabiil,danaysi shaqsi diin ka dhigtay hore uma soconayso.Buuqa in la yareeyo dawaladda lala shaqeeyo inta ay dawaladda iyadu is disho laga gaarayo.
    Haddii Shariif,Xasan, Farmaajo, Xasan waqti iyo wada shaqsyn heli lahaayeen dalku sidaan 100%wuu dhaami lahaa.HADDII AAN LA KALA ROONAANIN ROOB MA DA,O.

  8. somalijecel waad salaman tahay.

    anigoo waxyabaha qaar kugu raacsan
    qaarna kaa diidan hadaan iska tuuro.

    hadana hadaan kuwa qaar ka soo qaato.

    waxaad tiri dowlad kasto oo kuma imaan rabitaanka
    shacabka waan kugu raacay.

    umadda wada waalan qabiil daneysi shaqsi diin
    ka dhigtay taaasna waan kugu raacay.

    waxaa tiri dowlad kasto wexey ku timid rabitaanka
    dowlado kale dowladahaas ayaa xukumo yaa diidi karo?

    horta kelmeda- ah dowlad kasto oo timaad
    waxaa xukumo dowlado kale 5tii sano ee lasoo dhaafay
    maalin sooma aadan qorin sidaaas daradeed
    waxaan u qaadaneynaa in aad ula jeedo dowladihii
    cabdi qaasim cabdulaahi yuusuf shariif iyo xasan sheekh
    taasi waa qodob.

    1960kii kasoo bilow ilaa hadda
    ma jirto dowlad cod shacab ku timid.
    ma waxaad leedahay intaas shisheeye ayaa keensaday?

    how qaadan in aan kaa difacaayo dowladda hadda jirto
    xashaa lilaahi laakiin ogoow in aan fahmi karno
    qoraalkaagu halkuu u dhacaayo.

    somalida waxaan leeyahay wexeena aan aamino
    ma jiro wacyi cirka nooga imanaayo.

    somali dhexdeeda heshiis ah.

  9. Horta marka u horaysa yaan wakhti lagu lumin rajo aan dhacayn.Somalidu waxay tidhaa,”Ninkii rimay”.Waxay ku macneeyaan rajo la sugayo laakiin aan dhacayn.Maamul Muqdisho ka dhisma waa Ninkii rimay.Dee 21 sanu kugu maraysaa inaad Muqdisho dhalayso.

    Muqdisho ayay dawladnimo ka hana qaadaysaa,ma dhacayso.Waxa taasi ka sii daran inaad ku riyooto in dawladaasi uu hirgaliyo qof Reer Muqdisho ah.
    Mooyi inay mucjiso aduun dhacdo oo wax aan la sugayni dhaco,laakiin taasi dhicimayso.Waxaasi aad arkaysaan waa dano isdiiidan oo iska hor yimid.Waana waxa uu Odaygani meesha u joogo.Dano dhaqaale.

    Dadka qudhooda ayaa la qabsaday nacasnimada oo Mooryaan wax ka sugaya.Kan oo kale aduunka waa laga qariyaa,Maryoolayna waxbay ka sugayaaan.

    Rajo waxa ugu dhaw tii oo Muqdisho laga guuro.

    Dalmida

  10. Bahal

    Hadaad aarmaajo caashaqsanaydna aarmaajo la tuur .
    Hadaad dawlad somaliyeed caashaqsanaydna way jirtaa.

    Labadaa wax u dhexeeya ma Leh.
    Cayda reerahana iska daa ileen maalin walba yaan samaroon la caayin iyo xaal bixiya lama soo taagnaan karnee

  11. Kaaha
    Maanta maad soo dhigatay Hobyo godan?

    Cay maaha e wax ka jira Somaliya ayaan ka foolaaday.
    Maryoolay runta ayay cay ugu yeedhaa.

    Waa mid ka jirta Somaliya.
    In Muqdisho laga guuro waa xal u banaan Maryoolay.
    Muqdisho in lagu habsaday taasina waa run.
    Inaanay soorto gal ahayn in halkaasi dawlad ka dhalayo waa mid la hubo.Yaa diiidan?
    31 sano waxa diidan ayaa diidan in meeshaasi nidaam ka fulo.Taasi hadaad cay ugu yeedho ama qofka ugu yeedha maaha wax I khuseeya.Waa ii muhiim ah inaad wax qaldan sheego.

    Dalmida

  12. Kaahin

    Mr bahal run buu sheegay, hadday runtu ku dhibayso waa yeelkaa!
    waxaan kaloo iloobay, sow maydaan gu’in iidoorland! haddana dhex taagnow soomaali doodaysa! mise gu’idda waxaa lagu maaweeliyaa wax ma garatada iyo carruurta!!

    Muqdisho ilaa mooryaanta laga xoreeyo ha sugin dowladnimo. mooryaantu way ku xanuunsadaan nidaamka iyo kala dambeynta, soomaalidu waa inay ka tashataa sidii magaalo madax cusub loo samayn lahaa waa haddii la rabo in dowladnimo shaqaysa la helo!

  13. Bahal

    Nacasnimo iyo afxumo oo waalina udheertahay ayaad haysaa

    Waar caaya eyga isaga iyo tafiittiisaba Waa xaaraami aan aqoon Ninka uhiiliya
    Nacalad baa ku taal
    He is a piece of shit

  14. Haddaad aragto qof jooga oo afkiisa nin kale ku jawaabayo IN KALSHAALE waa magacya badan…

    Mr Magacya badan horta waa Imiisa qabiil/reer, ama xisbi…

    Waa xaqiiq hadalka ah in Xamar oon hagaagin ayna Soomaaliya hagaagi karayn…

    Dal waa casumadda dadna waa dadka deggan, hadday 2 daas hagaagaan dalkaasu wuu hagaagaa, hadday bololaanna dalkaasu waa ku daayay…

    80% dadka Muqdishu waa dad wanaagsan, waxaa ku rafanaysa koox yar oo mooryaan ah, oo ciddii ka aragti duwanna disha, dawald kastana banjarisa…

    Meeshaan Xamar kolka wax laga sheegayo reer looma jeedo, dadka reeraynaya waa isla mooryaanta ay tahay in laga xoreeyo…

  15. Kaaha

    Jaahil ku gaboobay Munaafaqad

    Doodaydu waa nasteexo doodaydu waa cilmi Bulsho oo anafacaya dadka.

    Anuu ma lihi dhalasho ahaan waa lagu kala fiican yahay,ma lihi Hawiye ayaa dhalasho ahaan dadka Somaliyeed ka duwan,ma lihii sidan way u dhasheen waxanse ka hadlayaa inay Bulsho noqoto qaabka loo abaabulo.Bulsho walba qaabka loo abaabulo dhaqabkeeda ayuu qayb ka noqdaaa.Aayaha Ummadu waa abaabulka oo Bulshada cagta loo saaray.

    Maanta hadii ay 500 oo Culimo sax ahi qabsadaan Hargisa oo guud ahaanba magaalada Hargisa iyo degaanada ku xeeran Culimadaasi gacanta ku dhigaan.Qaab sax ah oo Diinta Islaamka waafsqsan Bulshada u abaabulaan isbaldal ayaa Bulshada ku dhacaya,laakiin maaha mid inta badani dareemayaan waase socdaa oo nolosha oo dhan ayuu ka socda.

    30 sano ka dib waxaa muuqan doona Bulsho ka duwan midda maanta degan Hargisa.Muddada 25 ka sano ah oo kama yar 31 sano waa qiyaasta ay Bulsho isbasho.

    30 ka dib waa hubaal in Hargisa noqon meesha ay Somalidu u soo doontaan cilmiga iyo caqliga wanaagsan.Bulshadaasina noqondoonto mid wanaagsan xagga wanaaga iyo maamulka suuban u socota.

    Hadaan u soo noqdo Muqdisho 91kii ayay kooxo xayraansan ku habsadeen.Ku noqon maayo wixii dhacay.
    Ilaa maanta wax kale oo badalay ma jiro.

    Xoog loogama saarin
    Xeelad kale lama keenin
    Imagine oo isku dhaldhalay qaabkii 91kii ayaa degan Muqdisho.Bulshadaasi hadaad ka raadiso wax aanay shaqo ku lahayn,dee adaa waalan.Saa qaabkan qoriga la soo ayay Bulshadu u carbisan tahay.Hal nin ayaa u yeedhikara oo dagaal galinkara.Hal nin ayaa adeegsankara.Hal ayaa hubka u dhiibikara.Saa way u diyaarsan yihiin inay rabshadaha ka macaashaan.Qaabka ay wax u fahmaan wuu ka duwan yahay qaabka dawladnimada loo socod siiyo.

    Fahan ayaa la rabaaye,dadbaad cayday wax ay soo kordhinaysaa ma jirto.

    Dalmida

Leave a Reply to Garqaad

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented