|

Mahad salaad oo ku dhowaaqay inuu kordhiyey Mushahaarka Ciidamada NISA

Muqdisho ( Kalshaale ) Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo kor u qaaday Mushaarka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad oo la magacaabay 26-kii May 2022, ayaa durba kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeenada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Agaasime Mahad oo goobjoog u ahaa duruufaha hareeyay Saraakiisha iyo Ciidamada NISA ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga golleeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Markii ugu horaysay ayaa Mushaarka Saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen.

Hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey Mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda NISA:

1- G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2- Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3- Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4-Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5- Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeenada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=58314

Posted by on Jul 29 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Mahad salaad oo ku dhowaaqay inuu kordhiyey Mushahaarka Ciidamada NISA”

  1. WAR HOOY MASAAJIDKA CIYAARTA NOOGA DAA AFDUUB IYO NISA LAYS KU MILAY IGA WALAAN SAAS DOWLAD LAGU NOQONAYN E NIN KOOW NINKOOW WAA KULA SOCONAA OO WAA KAA HORAY NAA NISA QOFKA MASUUL KA NOQO NAYA WAA INUU NOQDAA QOF SOOMALI OO DHAN KU KAL SOON TAHAY NOT NIN LAWADA OG YAHAY WAXAAN QAB YAALAD AHAYN AAN KUSOO CAAN BIXIN HADII KUN JEER UU WAX SOO MAL MALUUGO IGA WALAAN SOOMALI AAMI NAYN NINKAA QAB YAALADA SHAHADA UGU FOOSHA XUN KA HAYSTA ABAA

  2. Ma II dhebaa!

  3. Kalshaale ma iihebaa waxaagu. Mahad waa gaandheri la adeegsado oo loo dirin inuu dad Soo dilo mana istaahilo jagadan..EE xayaysiiska indhaha la, naga daa boowe

  4. waa la jaray lacagihii been beenta ahaa
    ee lagu bixi jiray CBB iyo arimo siyaasadeed.

    lacagii been beentaas ku bixi jiray.
    waxaa loo leexiyay ciidanka mushaarkii ayaa loo kordhiyay.

    dee dowladnimada ayaa nocaas ah.

  5. Ma Dukaanbaa mise waaa Bakhaar?

    Waa dad dawladnimada aan ehel u ahayn.

    Isdifaac iyo faanku nacasnimo ayuu kuu horseedayaa.
    Taliye sirdoon oo lacagtii sirdoonka kordhiyay kkkkkkk

    Waar anuu ma sugayo dawlad uu Mooryaan bilaa aqlihi higaaminayo ayaa Somaliya ka shaqayn.
    Xaaraanbay ka tahay.

    Wiil iyo Abihii oo ciyaala Weero ah,iyo Aabahood oo ahaa Mooryaan.kkk

    Waa meel dhimatay Muqdisho.

    30 sano ayaa xoog,masgax iyo dhaqaale aduunba latskugu geeyay.Walina xalkeeda lama hayo.

    Meesha waa in laga guuraa.Waa hadii ay Maryoolay fikirayso.

    Dalmida

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented