DF Somalia oo jawaab ka bixisay Eedayntii uga timid Somaliland
Muqdisho ( Kalshaale ) Dowladda federalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedayn uga timid Somliland, taas oo ku saabsan sida loo qeybsaday xujeyda sannadkan.
Wasiirka diinta iyo awqaafta dowladda federalka Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay inaan la siyaasadayn qeybsiga xujeyda laguna salayn nidaamka 4.5 ama maamulada dalka ka jira.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaddaha ku guulaystay qaadista Xujeyda ay ku cadaadiyeen inay Somaliland ka qaadaan 800 oo xujey ah, balse wuxu sheegay in Somaliland ay ka hor yimaadeen.
“Runtii waxaan ognahay xujeydii Soomaaliyeed ee ka bixi lahayd Hargeysa waa la cadaadiyay, waa la siyaasadeeyay. Ma doonayn shacabkaas Soomaaliyeed ee halkaas ku nool in la dibaateeyo, madaxweynuhu arrintaas wuu iga hadlay,” ayuu yidhi wasiirka Diinta iyo awqaafta Soomaaliya.
Sannadkan xujeydii Somaliland ka bixi lahayd ayaa ka baxaysa Garowe iyo Jigjiga kadib markii Somaliland ay diiday inay wax xujey ah ay ka baxaan deegannadeeda, iyagoo u sababaynaya tabashadooda.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=57502
War hooy xujey ilaahay dartii ninkii raba inuu xajkaas U Aado meesha uu rabo buu u marayaa waaba loo lugayn jiray xajka somaliland waa beel soomali yeed muslinimo Aan ku ognahay inkastoo kuwa marba meesha madax ka noqdaa ay noqdaan kuwo koonfurta kaga aargooso ay yiraahdaan waxaana waxaa keenaya siyasada khaayiskaa ee laga dhax lay SNM USC SSDF IYO KUWA LAMIDKAA ALL XAQIIQA MUQDISHO LAFTEEDU HAYS OGAATO WAXA MEESHA AY MUQDISHO KUTAHAY WAA MASIIRKA UMADA SOOMALIYEED OO DHAN YAAN LAGU KAD SOOMIN SOMALIYA HA HESHIISO OO HA GUULAYSATO