MD Farmaajo oo Fariin cusub u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Munaasibadda 26-ka June
Muqdisho ( Kalshaale ) Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa 62 sano guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun oo ah maalin qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo midnimada dalkeenna.
Halgankii gobannimo doonka, midnimada dalkeenna iyo isu-doonka ummadda Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Woqooyi ee dalkeenna.
Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta oo ka mid ah halgannadii ugu waawaynaa Qaaradda ee albaabada u furay in shucuubta Afrika ay cudud kala hortagaan gumaystihii soo duulay iyo doorkii halgameyaashii SNL oo iyaguna kaalin mug leh oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed ka qaatay gobannimada Goballada Woqooyi.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay weyneeyaan Toddobaadka Xorriyadda oo caawa inoo bilowday si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed ee bulshadeenna, sidoo kale na u muujinno muuhiimadda ay inoogu fadhido gobannimadu.
Hambalyo munaasabadda 26-ka Juun
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=57430
Waar kudaafkan inan gumeedka yaa naga aamusiiya. 1991 halkii adeerkii afweyne colaada reer sheekh isxaaq kaga tegey ayuu 2017 ka bilaabay isagoo weliba bilaa itaala laakiin colaadayada qarsan kari waayey. Wuxuu ku riyooday Abiye iyo Afwerki oo hargeisa xoog ugu qabtay…waa kaa isagoo kabo la’ maalinba imaqlaa waa noolahaye marba meel mudh kasoo odhanaya. Waar mar baa hawiye idiin ilduudafaye hooy jeel jilacow intaan lagugu ridin meesha maad iskaga carartid ama dhuumatid. Mahad salaad iyo habargidir saan ka warhayo qorshahooda meel buu uyaalaa, Hassan sheikhna dhoosha ayuu ka qoslayaa waayo waxa dhashii faqashta kusoo fool leh ayuu ogyahay.
Kader inan gumeed inan gumeed dhalay ayaad tahay. Marka intaa uun baa kuugu filan ciil iyo cuqdad.
Maxaan kuu qaban karnaa annagu dee!
Ma adiga oo Gun ah ayaan anigu gob kaa dhigi karaa.
Jawaabtu waa maya!