Rooble oo war kasoo saaray Geerida Madaxwaynihii Imaaraadka Carabta
Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”
“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=56174
Rooble baahane asagoo nool baan duugi lahaa
Daciif Daciif dhalay
Xitaa tacsida qof kuxumee buu isleeyahay
Labo sadar oo carabi ah oo qaldan siiba sadarka ugu dambeeya, shaqadiiba waa ka dhamaatay haduuba shaqo siin lahaa qof ka saxa spellingka carabiga..
It’s all about Dawarsi..
Carab Palestine iyo Yemen kaga quuso, waabase nin madaw oo dawarsanaya , kooxda FEDERALka GALMUDUG hadaad wax taraysaan ordoo kala celiya tuulooyinkaad ka timaadeen ee isdilaya, waa faramaajo, rooble, qoor qoor iyo kuwa kaleba…