|

Musharax uu wato sheikh Shariif oo isku soo taagay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia

Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha baarlamaanka 11-aad, xili ay gaba-gabo mareyso doorashada Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe oo dhowaan loo doortay xildhibaan Golaha Shacabka ah ayaa damaciisa siyaasadeed ku sheegay mid uu kusoo celinayo heybadii aqalka, oo luntay sanadihii u dambeeyay.

Waxa uu sheegay in uu leeyahay khibrad iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqadaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu dhinacna u xaglin doonin marka uu xilkaas qabto, isaga oo soo xigtay qodobka 65-aad.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina sheegay in uu raacayo sida uu sharciga qabo oo ah in xisbi kasta iska casilo, uuna noqdo qof dhex-dhexaad ah.

Ku dhawaaqistan ayaa imaneysa ayada oo dhawaan ay soo baxday in Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu rabo in xilka Guddoomiyaha uu saarto Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsanaa xisbigiisa Himilo Qaran.

Shariif ayaa awoodiisa siyaasadeed iyo ballanta xildhibaanada ka hor inta aan la gaarin doorashada madaxtinimada ku tijaabinaya doorashada Sheekh Axmed Madoobe, oo haddii uu usoo baxo ay sare u qaadi karto rejadiisa doorashada.

Si kastaba, Shariif iyo kooxdiisa ayaa waxay u arkaan tartanka uu xisbigooda u galayo kursiga guddoonka Golaha Shacabka mid ah tijaabadooda doorashada madaxweynaha.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=54705

Posted by on Mar 31 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented