|

C. C.shakuur oo Fariin la yaab leh u diray Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya

Muqdisho ( Kalshaale ) Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhowaan Noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa Fariin   Su’aalo kala duwan xambaarsan la wadaagay Xildhibaanada Cusub ee Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso.

Nidaamka siyaasadeed ee dalkeenna waa Baarlamaani (Parliamentary system). Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa ah hay’adda ugu awoodda sarreysa dalka, matalaysana gobbonimada iyo madax bannaanida qaranka. Qofka ka mid noqonaya golayaashaas waa xil dhibe.

Shantii sano ee la soo dhaafay Baarlamaan waa la macno tiray. Mana ah in afarta soo socota sidii la yeelo. Waa fikrad khaldan in ujeedka Baarlamaanka lagu soo koobo shaqo hal maalin oo cod bixin oo keli ah, xildhibaankana lagu soo xusho cod siin.

Hawsha xildhibaanku ma codbixin ayey ku egtahay? Mise masuuliyad ka wayn ayaa saaran? Waxay xadgudub ku tahay xildhibaanka in loo adeegsado aalad ama ergo cod bixin oo kale, lana yiraahdo codka sii cidii farta laguugu fiiqo, maadaama lagu soo saaray oo abaal laguugu leeyahay.

Xad gudub ka weyn ma jiro in fekerkaaga, garashadaada, damiirkaada iyo waliba dantaada dhinac iska dhig lagu yiraahdo ee gud abaalkii laguu galay.

Su’aashu waxay tahay gudashada waajibaadka kale ee Baarlamaanka sida; dejinta sharciyada iyo xeerarka, la xisaabtanka iyo kor joogtaynta xukuumadda, ansixinta heshiisyada caalamiga, ka qayb galka doodaha Baarlamaannada, dhowrista dastuurka iyo ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, metelaadda dadka iyo deegaanka aad ka soo jeeddo, ma qofkii ku soo xulay ama abaalka kugu sheeganayey ayaad marti uga tahay? Mise qof madaxbannaan ayaad tahay?

Waa dood u baahan in si dhab ah loo ajandeeyo oo warbaahintu maalmaha soo socda u qabato xildhibaanada, aqoonyahanka, Indhadheergaradka, dadwaynaha intaba, si danta qaranka iyo dalka badbaadintiisa loogu istaago.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=53821

Posted by on Feb 28 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “C. C.shakuur oo Fariin la yaab leh u diray Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya”

  1. Ina Cabdishakuur is a great man.
    Walle Somalia asaga ayaan madaxweyne uga dhigi lahaa haddaan awood ku yeelan lahaa xulashada madaxweyne.
    5 sano hakor ayaan iri, inta xitaa Farmaajo isasharixin: Ina Cabdishakuur is my candidat for president of Somalia.
    Waa Habargidir ayaa ninkaas lagu ilaaway kartidiisa.
    He is real democrat…good lucky Ina Cabdishakuur.
    Time will com for Somalia to be real democratic country where the parlemant has last words.

  2. Land of punt

    Waa adiga leh “ Waa Habargidir ayaa ninkaas lagu ilaaway kartidiisa “ lehe Habargidir ma Dadka ayay cuntaa? Mise waxaad Qalad uga dhigaysaa Dad Qalatadii Daarood ee Habargidir xukunka ka tuurtay?

    Long Live Cududa Soomaaliya Habargidir….👍
    Dad lad kasta oo noqoto Dictator ama wax isbidaa anagaa xididada u siibna. Ar May maqlaydaa Jaale Daarood?

    No More Abgaal slogan kii ahaa waxaa loo badalay No More Daarood…. Dabshid Haloo sheego🤣🤣
    No more Deni Zanzibar…. No more Farmaajo Spoiler !!!

  3. Correction

    Dad lad ——— Dad Qalad ( Dad Qalato )

  4. Land of Punt

    Cabdirahmaan Cabdishakuur waa nin aftahan ah kana dhisan dhan walbo Xaga Diinta iyo aqoon aduun waana nin la socda oo yaqaan Geopolitics Aduunka arimaha Socda iyo taariiqihii lasoo maray intaba.

    Waxa kaliya ninkaan lagu nacay waa Majeerteen ayaa madaxa ka haysto taas baa Lagu nacay.
    Ma doonayno in aan aragno nin damboo Hawiye ah oo inta Majeerteen wataan ay Garoowe gaystaan kadibna ay sidii Sac irmaan iska maalaan sidii Shariif Af-gaduud oo kale….. Garoowe 1 …. Garoowe 2 ….. Garoowe 3.

    Maya Maya waa diidnay taas 🤣🤣

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented