|

MUUQAAL: DF Somalia  oo ka hortimid heshiiska Taiwan iyo Somaliland  dhexmaray (Waraysi)

Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markale si adag uga hadashay xiriirka gaarka ah ee ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey qaaday tallaabooyin ay ku hormarinayaan xiriirka labad dhinac.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kulane oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac iyo xiriirkooda ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay cambaareyneyo sida ay Taiwan ula dhaqmeyso Somaliland & wada-hadallada u billaabmay.

Cawaale ayaa shaaca ka qaaday inay mar weliba ay u taagan yihiin ilaalinta madax banaanida qaranka Soomaaliya iyo sidoo kale midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Taiwan ay u aqoonsan yihiin gobol ka mida Shiinaha, isla-markaana  tallaabooyinka qaaday horseedeyo xasilooni darro ka dhacda gobolka.

“Habka Taiwan waa mid aad looga naxo marka laga eego macno ahaan sababtoo ah waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyada oo la samaynaysa xidhiidh diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu sii raaciyey Danjire Cawaale.

Dhinaca kale safariika ayaa ka horyimid heshiiska khayraadka ee ay wada-galeen Somaliland iyo Taniwan, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in aysan ogolaan doonin in Taiwan ama cid kasta oo isku dayda inay ay dhacdo kheyraadka Somalia, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=53802

Posted by on Feb 28 2022. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “MUUQAAL: DF Somalia  oo ka hortimid heshiiska Taiwan iyo Somaliland  dhexmaray (Waraysi)”

  1. LAUGHING STOCK OF THE WORLD

    This powerless So called ambassador kept saying,(WE WILL NOT ALLOW )
    The so called country he representing is under African soldiers protection

    Waar ileen magacxumo looma dhinto
    K

  2. Well done ambassador Kulane

    Goni gosadka waxay khatar ku yihiin nabada geeska

  3. Dameer ciyay😂😂😂😂
    China oo ka yaabay qabka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka yeedhsiiyay cabaadkan,balse maxuu u dhimi karaa Somaliland?
    Waxba

  4. Somaliland iney godo Marabtaa? Dadbaa aaminsan In umalkaas Xaqdarada ah Lagurabey Raysulwasaare, wuuna Ugooyey oo Hada R/wasaare waa loo ogalyahey.
    F/gaar ah Qarnigan Cid cid khasab kuhaysan kara Majiro.Dhowr Mudaharaad ood dhigto ayaad aduunka Citiraaf Kagaheli kartaa
    s/land Jagadaas R/wasaare Wadooyin Badan bey Umartey oo ayku jirto Abtir Badal,Abtir Sameys Iwm.
    Hadey Go itaan rabto Ma aysan dhahdeen Taleex Ingriisbaa leh

  5. Waar bal Taywaantaasi yar ha loo daayo,haku mijo baxsadaane.Marka 4 bilood joogaanba ha soo yara wareegaan.
    Meelihii kale oo dhanba waad ka soo xidheen.Maxaa dadka looga sheekayn kkkk

    Misgiin,30 sano oo qasaare ah.

    Dad rajo beelay oo Tuugi ka shaqaysatay..

    Taywaanbaa na soo dhawaysay.

    Dalmuda

  6. Kan yaree China kasoo hadlayaa wuxuu adeer uyahay kii yaraa ee argagixisada ahaa ee London ku dilay MP gii ingriiska. Waa argagiso ubaahan in lasoo qabto isaga laftiisa. Kuwan yar yar ee xasharaadka bulshada ee dhashii faqashtana waxaanu leenahay sidaasaad weligiin u barooranaysaan. Maalin dhowna waxaanu bilaabaynaa round 2 ee masaafuriska walawaynta. Halkaas ayaanu idinka taaganahay idina price minister iyo waxbaad ka hadlaysaan. Time of freeloaders’s gone… wixii sadaqadana dahabshiil ayaanu idiinku soo dhiibi in ilaahay ishiina naga duwoo aydaan noo cawryin.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented