|

Maxamed C.risaaq oo Xog Cusub ka bixiyey Qoraaladii Maraykanka ee Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa cabiray qoraallada kasoo baxay Mareykanka ee ku aadan khilaafka ka dhex oogan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen rooble.

Maxamed Cabdirisaaq oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa cabiray waxa loo fasiran karo hadalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka iyo wicitaannadooda tooska ah ee madaxda Soomaaliya ee is khilaafsan.

“Dabcan arrintan waxay daba socotay markii maalin dhoweyd khilaaf khatar geliyay Soomaaliya dowladnimadeedii iyo wixii la soo dhisaayay tan 2001-dii oo ahayd in Soomaaliya laga dhiso dowlad loo dhan yahay oo uu sal u yahay dastuur, nimaad iyo kala dambeyn,” ayuu yiri.

“Khifkaasi khatarta geliyay in dhamaam ay meesha ka baxdo nidaamkii dowladnimo ka dib ayaa waxaa dhacday in diblomaasiyiinta reer galbeedka iyo Afrikaanka iyo cidkasto oo arrimaha Soomaaliya isha ku haysay laga wadahadlay oo ay is weydiyeen maxaa arrinkan nagala gudboon oo aan Soomaali la qaban karnaa marka qaar waa iyagii qaar soo saaray war qoraalka halka qaar kalana ay barta Twitter ka soo dhigeen aragtidooda.”

“Waxaa taas ka sii dambeysay in taloofan lagula soo hadlay madaxweynaha iyo ra”iisul wasaaraha oo loo sheegay cidwalba waxii ay sameyn lahayd.”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa la weydiiyey in isagoo arrintaasi ka eegaya dhanka diblomaasiyadda dhadhan noocee ah ayay leedahay miyaa loo fasiran karaa in Mareykanka uu u janjeesamay xagga Rooble?

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ku jawaabay “Maya, Mareykanku sidaan muddaba ka wada shaqeyneynay oo aan ka wada hadleynay sidii Soomaaliya ay doorasho u aadi lahayd, muddo hal sano ahna arrintaas ayaa ka wada hadleynay, hadana weli waxay u janjeerta in weli la yirahdo xalka keliya waxa uu ku jira in doorasho la aadaa ee ma aragtay afgambi iyo nidaam kale oo sharci darro ah oo madaxweyne iyo ra’iisal wasaare shaqada looga joojiyo.”

Waxa uu intaas ku daray “Sida keliya ee wax lagu hagaajin karo, Soomaaliyana horay ugu socon karto waa in nidaamka sharciga ah la raacaa doorashana la aadaa marka hadalka Mareykankana sidaas ayuu u socdaa, dadkana waxay cabirayaan labada mas’uul keebaa raba inay socota doorashada keeba se raba inay si kale wax u socdaan marka waxay ila tahay dadku ay sidaasi wax ku cabirayaan.”

“Haddii Mareykanka dan uu ka leeyahay Soomaaliya darteed uu rabo inuu u farogeliyo iyagana ma sameynayaan hadey dhacdadana cidna ma yeeleyso laakiin marka lagu leeyahay dadkaagi iyo dalkaagi u tur, xuquuq-doodana ilaali marka in hadalkooda uu meel dheer ku dhaci doono oo dad badan oo Soomaali ahna ay ku raaci doonaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=51965

Posted by on Dec 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Maxamed C.risaaq oo Xog Cusub ka bixiyey Qoraaladii Maraykanka ee Farmaajo iyo Rooble”

  1. kalshaale.com
    salan kadib
    yaa igu dhaama
    tolow
    laftagaren
    maka qeyb gelaya
    shirka Rooble
    qabanayo
    ileyn waan
    wada ogeyn
    26 December
    warqadi uu soo
    saaray ee uu
    lahaa kama
    qeyb gelayo
    shirka Rooble
    ku baaqay
    oo waxan ka qeyb gelaya
    kan farmaajo ku dhawaqay
    ceeb looma dhinto
    tolow yaa
    iga war Roon
    aaway
    imam Dabshid
    iyo caaqil
    Xaange war
    wax noo sheega

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented