|

DAAWO: Xasan Sheikh “MD Farmaajo Waxaa u hadhay inuu is toogto”

Muqdisho ( Kalshaale ) Xasan Sheekh Maxamuud Madaxwaynihii hore ee Somalia ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey dalka Wuxuuna dhaliilo u jeediyey Madaxwayne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xasan Sheekh ayaa xusay in dulqaad badan loo sameeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaddib markii uu weeraro ku qaaday shaqsiyaad kala duwan, xayiraad safar uu kusoo rogay iyo kiisas kale.

“Maalmo badan oo 27-ka December 2021 oo kale ayaa dalka soo maray, balse maanta sida looga falcelinayo oo kale ma ahayn, wax kasta oo qof bini’aadam ah uu ka caroodo uuna qori ka qaato ayuu sameeyay Farmaajo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sababta dadka ka hor istaagtay in ay gacan qaad ku baddelaan ficilladaas waxa uu ku sheegay in ay rejo ka qabaan Dalka oo niyadda ay ku hayaan in laga gudbi karo dhibaatooyinkaas oo dulqaad iyo dhabar adeeg u baahan sida uu hadalka u dhigay.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax u haray markaan malaha oo aan ahayn in uu is toogto oo uu dagaal isku qaado mooyee ma jirto” ayuu yidhi  Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in wararka sheegaya inay kala qeybsan yihiin aysan waxba kajirin, Wuxuu hadalkiisa ku daray in inta badan Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibadiisa, halka ay kulanka Shaqo uga badan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud & Xasan Cali kheyre.

“ Majiraan inay kala qeybsan nahay, inaan Afgembi diidno waan ka mideysan nahay, inaan kaligii talisnimo diidno waan ka mideysan nahay, balse majiraan wararka dadka qaarkood ay sheegayaan ayuu yiri” Xasan Sheekh Maxamed.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=51949

Posted by on Dec 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “DAAWO: Xasan Sheikh “MD Farmaajo Waxaa u hadhay inuu is toogto””

  1. Kkkkk

    Asagoo MUSQUL ku jiro sidii Adeerkiis

  2. Hadda yaa war kahayo
    Meeshuu ku dambeeyey
    Kursi Boobe Macangag Farmaajo

    Inuu nagu dhex waasho ayaan
    ka cabsan, unstable depressed.

  3. Kkkkkkk

    Shekada ma habaar ayey mareysa yaahuu ayeydey waxay oran jirtey cuqdiin iyo

    Cowradiin war dad dowladnimo iyo kala danbayn lagu hagayo oo cabanaya ka

    Warama

  4. Aduunka haduu inqilaab dhici soo bay ka dhaco, dadkii inqilaab ka ka dambeeyey, maxkamad baa la soo taagaa ama way baxsadaan. Somalia dawladnimadeedu waa iska fawdo. Farmaajo 5 sanadood wuxuu ka shaqaynayey waxay noqotay ‘hal bacaad lagu lisay’ Ma waxaanu is toog an baa!

    Salaan Dabshid, mar mar baan dus haa idinka daawadaa, halgankaagu ma yara kkk. Horta magaciisii wuu ii gooyee meeyey ninkii aad halkan comment-ka wada dhiibay jirteen? Isagoo leh Xamar baan tegayaa baa iigu war dambeysay’e .

  5. Kani waa madaxweynihii ugu musuqmaasuq badanaa, uguna qabyaaladda badanaa uguna jilicsanaa shisheeyaha ee dalka soo mara
    Hadana ma habaar ayey ka maraysaa.
    Nin la leeyahay muxuu leeyahay

  6. Akhristoow ma iswaydiisay waa maxay sababta dalkaan 31 kowsano u burbursanyahay oo dhulka uga kici layahay oo dawlad hanaqaada iyo nidaam uga hirgali layahay.?

    Farmaajo waxaa loo ga daba yuusayaa 24/7 waxaa muuqda ifafaalo dalkaan inuu soo hagaagayo oo shacabku dawlad iyo nidaam u oomanyahay.
    Doorashada inladaahiyo oo aysan qabsoomin sirdoon shisheeye ayaa kadanbeeya si dagaal loogu qaado farmaajo iyadoo la adeegsanayo group ka jazeera. Qax iyo qalalaaso xamar uga dhaco dawladuna udunto
    Dawlado badan oo shisheeye oo siyaasiin soomali ah adeegsanaya ayaa naf iyo maalba ku bixanaya
    Waayo waxaa usoo baxday in farmaajo taageero badan bulshada kahaysto taa badalkeeda waxay qaateen xilddhibaanada hostages loo haysto oo aan lamagacaabin rooblana uu mid mid usiibo dadka ku dhaw madaxwaynaha haday usooroobi karsyso.
    Warkaas waa xaqiiq.bal ninkaan xasan sheikh fiiri wuu ogyahay in sanad kahor farmaajo ku wareejiyay doorashada rooble rooblana uusan waxba hayn iminka
    Maamulada iyo rooble ma eedaynayee farmaajuu eedaynayaa ilaa waa shaqo loodiraye
    Ugu danbayn ismaaciil cumsr geel dhibaatada uu kuhayo somalia shacabka DJIBOUTI hadaysan iska beriyeelin
    Nabsiga kudhaca wixii nool waad arki doontan
    Saw canfar iyo tigree iyo Eritrea iyo Oromo waxa ku gadaaman maahan
    What goes around will come back around.

  7. Barwaaqo

    Salaan sare Mujaahid

    Waa run nin inqilaab gaysatay
    Oo aan la maxkamadeyn Koofur Somalia yaa
    lagu arkey.

    Oo waliba in lagu amaalmariyo
    U baahan.

  8. Hasan shiilh hadalkiisu waa imaam dabshid oo siyaasadaysan

    Cayayaanka baraha bulshada aka agoontii kacaanka waxay qaawiyeen jaahwareerka aarmaajo

    Waxaan Ku qoslaa Siday isugu eg yihiin luuqada dabshid iyo xasan shiilh
    Muxuu yidhi waxa lagu masruufaa dawlada dhan ee laguu sheegayo cashuurta laga qaado abooto batuulo.
    Wuxuu kaloo yidhi waar Hana kalif in xamad lagaaga soo saaro ama adoo dhuumanaya oo leh iqariya ayaa dhici

    Dhashaaday sugtaa xaajadaad dharwsataaa Abid
    Your indecisiveness forever awaits your offspring

    Those who make peaceful election impossible will make violent revolution inevitable

  9. Jabhad aka Jugle

    Hadii maantay Farmaajo lagu dhex dilo Villa Hawiye hade waxaad oran lahayd Caku Hawiye hal wiil ah oo kaligiis ah xididna la ahaa bay qasheen Hawiye waa Dugaag saas baad u hadli lahayd.

    Laakiin mida aynu doonayno saas maaha. Waa ka duwan tahay. Sharciga ayaa Lala tiigsan.

  10. Kaahin

    Kkkk

    Salaan sare Suldaan

    Shirkii Wasiirada Rooble ayaa
    Lagu amray Ciidanka ilaalada
    inay NAFTIISA KA WAARDIYEEYAN
    MACANGAG FARMAAJO.

    . Suwisaadh kursi Boobe Macangag Farmaajo

  11. Awalba hooy mooryaaneed ahayd Muqdisho.Meel lagu bililiqaystay wixii aduun la soo tabcay,qarnigii tagay iyo kii ks horeeyay.Meel 30 sano amaan lagu sedxan waayay oo xero fugasg noqotay.

    Waxba yaan beenta lagu qarinin nacasnimada ka jira Muqdisho iyo degasnada ku xeeran.
    Waxa siyaasi u ah Mooryaan kkk
    Waxaa wadaad u ah mooryaan.
    Waxa dad u ah mooryaan.
    Horeba waa looga casl waayay dadkan nolosha ka dhigtay mid qori lala order iyo wax la dhaco.

    Dalmida.

  12. Madaxtooyadii iyo nidaamkii dawladnimo ayaa la bililiqaysanayaa kkkkk
    Inqilasb aa dhacay kkkk
    Abihiin mooryaanta ka wasa kkkk

    Waa 60 jiro caruuryii Somaliyeed mustaqbalkoodii 3 da’ood baabiiyay.

    Dalmida

  13. wan salamaya xerta
    kalshaale.com
    salan kadib
    yaa igu dhaama
    tolow
    laftagaren
    maka qeyb gelaya
    shirka Rooble
    qabanayo
    ileyn waan
    wada ogeyn
    26 December
    warqadi uu soo
    saaray ee uu
    lahaa kama
    qeyb gelayo
    shirka Rooble
    ku baaqay
    oo waxan ka qeyb gelaya
    kan farmaajo ku dhawaqay
    ceeb looma dhinto
    tolow yaa
    iga war Roon
    aaway
    imam Dabshid
    iyo caaqil
    Xaange war
    wax noo sheega

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented