|

Yuusuf Garaad oo si adag uga Hadlay Boqor Buurmadow oo ‘Alshabaab ku sheegay Dawlad’

Muqdisho ( Kalshaale ) Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo war ka soo saaray hadalkii Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Boqorka uu u soo jeedinayo talo walaalnimo, sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa la taliyey wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu ku soo yeeray hadalkii ay dhibsadeen dadka Soomaaliyeed ee reer koonfurka ah.

Yuusuf Garaad ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ugu horeyn ku sheegay in bani’aadamku uu khaldamo, laakiin ay u furan tahay in uu iska saxo qaladkii ka dhacay. “Wax kaftan gala iyo wax kale ayaa kala jira,” ayuu yiri.

“Haddii ay xog-ogaalnimo darro u geysay iyo haddii kaleba Boqor Buur – Madow waxaa ku waajibay in uu la noqdo hadalkiisii ahaa in ay Soomaaliya ka jirto laba Dowladood oo midkood ay tahay Shabaab,” ayuu yiri Yuusuf.

Sidoo kale Yuusuf Garaad ayaa Boqorka u soo jeediyey inay u furan tahay inuu dadka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab naafeeyeen uu hadalkaas ka raali geliyo.

“Waxaa la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Yuusuf.

Dhanka kale Yuusuf Garaad ayaa wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo garab taagnaa Boqor Buurmadow markii uu hadalkaas oranaayey waxuu kula taliyey inuu iska beri yeelo wixii uu ku hadlay Boqorku.

“Afkooda kama maqal, laakiin Mas’uuliyiinta garbaha ka taagnaa, oo midkood uu xubin ka yahay labada Gole ee dalka ka arrimiya, anigu ma qabo in ay Boqorka isku fikrad ka yihiin aragtidaas. Wasiirka waxaan u soo jeedin lahaa in uu iska beri yeelo ereyada culus ee aanuu oran laakiin garab istaaggiisa loo macneyn karo ka raalli ahaashada iyo shabbadda Xukuumadda,” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Wasiirka garab taagnaa markii uu Boqor Buurmadow  Alshabaab ku tilmaamay dowladda ! Waa Eng. Cabdullaahi Carab, wasiirka waxbarashada xukuumadda Rooble, sidoo kale wasiir Carab waa saaxiib aad ugu dhow Ra’iisul wasaaraha, halka garabka kale ee Boqor Buurmadow uu ka taagnaa Xeer ilaaliyihii hore ee dowladda Axmed Cali Daahir.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=50851

Posted by on Nov 30 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Yuusuf Garaad oo si adag uga Hadlay Boqor Buurmadow oo ‘Alshabaab ku sheegay Dawlad’”

  1. Yuusuf Garaad iyo inta baddan Hawiyaha in eey daanyeero yahiin waxaa caddeeyn u ah bal arka maskaxda daanyeernimadda ee ku jirta Yuusuf Garaad iyo dadka Hawiyaha sheegta aanse nasabka aheeyn sidda jillicsan oo eey uga hadlayaan qalad si ula kac ah oo uu ku sameeyay ninkaan Isaaq, iyo dilka, burburrinta, dhaawaca uu u geeystay kan argagaxissada ee uu amaanay ee mother fucker Inna Godane?

    Waa caqli daanyeeenimo iyo maskax la’aan dadka qaarkiis matka eey dhahayaan hebel raali galling haka bixiyo waxaas amabba xaal haka bixiyo waxaas. Raali gallin iyo xaal lagamma doonta qof si ulla kac ah wax u sameeyay! Daanyeerro!

    Dadka marka aan ku tilmaamayo caqli daanyeernimo waa tan oo kale. Waxaa loo qaataa dadka hadii eeysan waxa saxda ah ka qaban karrin, amabba ka dhihi karrin arrin, in eey iska aamussaan.

    Naagta dhiladda ah ee booliska ka tirsan ee ag fadhisay Buurmadow, kan wasiirka ah ee ag fadhiyay sidoo kale, daanyeer Farmaajo, nijaas Kheeyrahii dabadda laga laaday, dhamaan dadkaan heshiis ayeey la yahiin argagaxissada alshabaab sababtoo ah waa isla qabiiladooda waxa askarta u ah argagaxissada alshabaab waana isla qabiiladooda kuwa qabiilo kalle uga aargutta iyagga oo ku gabbanaya magac argagaxissada alshabaab! Waa wax lagu qaldo dadka caqliga xun, waana shaqeeysaa, sababtoo ah illlaa hadeer qof si geesinimo ah, oo caqli leh iskugu geeyay labadaas iyo labadaas majrro.
    Dalmida.
    God bless Somalia 🇸🇴

  2. Dadka yaan lagu mashquulin hadalka Buurmadoow.
    Alshabaab waa Hawiye – waa hadii run la doonayo ama la rabo xalka alshabaab.
    Mashiinka riixaya Alshabaab waa Hawiye,cid la dagaashan ma jirto.Dadka waxaa lagu jeediyaa Formaajo iyo maamulkaasi si ay alshabaab u hesho ehel dhaqaale iyo mid shacab.
    .Dhinsca kale Alshabaab waa koox ku milantay ganacsatada Hawiye iyo siyaasiyiinta Hawiye ee Muqdisho ka biqleeya.

    Hal tusaale kugu filan.
    Ahlusuna markii ay guriceel qabsatay waxay taageero ka heshay ilaa Muqdisho,midowga mushrashaxiinta iyo dadban oo kale.
    Tani waxay ahayd mid kuu tilmaamaysa sida uu Reerku ugu milanyahay kooxaha xaaraanta ah ee nidaamdarada ku macaasha..
    Fiqi ayaa ka mid ahaaa dadka Ahlusuna soo galyay guriceel,hubeeyay ee hadana wasiirka ka ahaa Galmudug.

    Waxba yaan Buurmadoow dadka lagu jeedin.Alshabaab waa koox lagu shaqaysto si wadanku ugu jiro gacanta Mooryaanta.

    Dalmida

  3. Idoorka Habarta xamar joogta iyo ta Hargiesa joogta waa isku mowqif. Waxa kaliya ee idoorka dalkiisa ku raacayo waa Cadaadis iyo madax kaga istaag .

    Marka Burco iyo Hargiesa la qabto , xuduudka Ethiopia la xidho . Waa in sidii kubada loo laado kii somaliyadiid ah .

  4. Daawo buurmadoow oo leh somaliland inay godo oo dawlad madax banaan noqoto waan taageersanahay oo laydhii oo maxaad marka xamar ugu dhexjirtaa doorashada . Hadana jaahilnimadiisa wuxuu leeyahay waxaasaan qabandoonaa meeshaas ayaan aadi doonaa hadana insha allaah ma oranayo ama hadii ilaahay idmo ma oranyo waxaad moodaa inuu grantee. Haysto.
    https://m.youtube.com/watch?v=iNUh-ddWtlI&feature=youtu.be

  5. So-called SOMALILAYN waxay gadaan Somalia waa gubaynaysaa! Marka xoogaa lasoo kabtana waxay yidhaahdaan “hawiyoow laydiin hadh ka kaca”

    Absame JUBALAND uma dhalan waa kusoo duuleen! iiwad sheekada ina cali dhurwaayoow..

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented