|

DAAWO: Boqor Buurmadow oo amaanay Axmed Godane, Kuna tilmaamay Alshabaab ‘Dowlad’

Muqdisho ( Kalshaale ) Boqor Cismaan Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Alshabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa dhacday Allah ha u naxariistee markii uu dhintay Axmed Cabdi Godane hogaamiyihii xarakada Al-Shabaab ayaa Salaadiinteeni u soo dhacday BBC-da. Nin walba in uu ka hadlo way ka carareen, waan u tacsiyadeeyay,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay.

“Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane.

“Waxaa idhaahda labo dowladood ayaa meesha ka dhisan, dowladda Shabaabka Dir ayaa madax ka ah oo weliba laguma tartamo. Waxaa rabaa Dirku inay isku soo dhawaadan.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=50834

Posted by on Nov 29 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “DAAWO: Boqor Buurmadow oo amaanay Axmed Godane, Kuna tilmaamay Alshabaab ‘Dowlad’”

  1. Waxaan maqli jirray “lax walba meesha eey is dhigto ayaa lagu qashaa”. Hadeer dadkaan Koonfurta Somaliya qaasatan Hawiye qaar madoobe waa pa dulleeyn, saa iyaga ayaa is dulleeyayre. Ninkaan Isaaq eaa u gaartay in uu sidaas u hadlo, walibba isaga oo jooga Xamar sababtoo daanyeerradda Hawiyaha sheegta lama xisaabtamaan kuwa dhibaateeyay, amabba qabiilkooda ha sheegtaan amabba qabiilo kale.

    Odaygaan Isaaq waaba alshabaab. Hadalkaanna waa farriin eey argagaxissada alshabaab u soo dhiibbeen oo tijaabbo kale oo damiirka dadkaas qaarka madow lagu sameeynayo. Arreey, aryaa beeso.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

  2. Waxan waa ku digasho,ina hodane kumankum oo somsliya buu muqdisho ku xasuuqay saaqidkan jaahilka ah ee ina godane inadeerki intu halkii la idinku xasqqay idinku yimi ayuu idinku digansysa, odaygan sida ugu dhakhso badan muqdisho halooga tarxiilo isags iyo kalaabta idoor ee sidiisa u fikiraaya waxas bay wada aaminsan yihiim ina godane iyaga soo dirsaday si ay somaliya u dhibaatrryan oo iyaga loo ictiraaf tii a way dhici wayday so imika wuxu u yimi laga yaabo inu dhibaato kale u mareegsyo war hooy iska qabta sirdoonka somaliya isha ku haya ciduu la kulmaayo lacagaha uu sido iyo wixii la mids laga yaabe in carab marawaun soo dirsatay war reer muqdishow iska jira odaygaa

  3. I mean inagodane

  4. Boqorka waxaa casuumiya hawiye irir samaale maadaama isaaq dir irir samaale ay Ka wada tashanayaan sidii caasimadaha irir samaale laysugu soo dhawayn lahaa
    Alshabaabna maadaama ay majority goodu yahay irir wadahadal loola geli lahaa

    It’s a fact inamadii talabaan in super power kii dunidu markay u taagwaayeen heshiis la galeen xukunkiina loogu wareejiyey

    For that reason dawlada dhalanaysa ayaa wadahadal la galaysa Al shabaab xamarna wayka xoroobi gumaadka dhaqaale iyo naf ee lagu hayo …

  5. Hodaneey boqorku waa inaabtigaa license baad u haysataa wax alaale iyo waxaad doonku Ku cay ama Ka sheeg

    Siyaasdaha somaliya maba aanaan Gali jirin thanks to aarmaajo we are playing our part and in order to improve our relationship with our cousin’s in somalia we need to remove the obstacles that’s hindering Our brotherly relationship… period

  6. Buur madaw waa sirdoonka SOMALILAYN waana cadahay taageeradiisa kooxda dadkii dhamaysay marka laga reebo deegaanada beesha buurmadaw…

  7. Dhaxaa dad badan hore u sheegeen in mooryaanta SNM iyo shabaab yihiin dad wada shaqeeya. Caddaynteeda waa kan uu this fake king sheegahayo isagoo jooga Muqdisho.

    Waar dadku waxay ahayd inay ku yaacaan oo hilibkiisa wadhaan waddada maka al mukarrama.

    Muqdisho dad beerkii lagala baxay baa isugu hadhay.

    Buur madow waa terrorist man xubin ka ah ururka alshabaab. Damiir haddii uu ku jiro dadkii laga xasuuqay dadkooda ninkan yuusan ka baxsan

    Irir Samaale ayaan dhisahayaa kulahaa. Dabshidna raalli buu ka yahay illayn markii uu shabaab sheegay ayuu ka dhuuntay meesha.

    Adduunnyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

  8. Waa sidaas Suldaan Zubeer,
    Dadka Xamar iyo koonfurta jooga beer ka kaliya lagallama bixinnee, caqligiina waa lagalla baxay.

    Waa u gaartay ninkaan Isaaq in uu sidaas uga hadlo dadkii eey Isaaqa, argagaxissada alshabaab iyo qabiiladda ku qaraabta alshabaab eey baabi’iyeen hortooda.
    Dalmida
    God bless Somalia 🇸🇴

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented