Madaxwayne Farmaajo oo Safar ugu Baxay Dalka Qatar
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.
Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar isaga kaashan lahaayeen dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta ciyaaraha iyo iskaashiga maalgashiga.
“Booqashada Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah furitaanka Koobka Kubadda Cagta ee Carabta oo lagu marti qaaday Madaxda dalalka Carabta, si loo xoojiyo iskaashiga dhanka horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka dhallinyarada Shucuubta Dalalka Carabta, iyadoo Madaxweynuhu uu kulan-doceedyo la qaadan doono hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb-galaya Munaasabadda.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo ka war-bixiyay safarka Madaxweynaha.
Booqashadan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdiqani Saciid Carab.
DHAMMAAD
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=50827
He is undaunted so so elegant, 👌😍✌️❤️.
X Culusow and Shariif Biijo have no civilised background family, they r from very small town near jowhar so it too harsh to be expected better in any ways.
Nabad iyo Nolol haybad baa ka muuqata….
Yaakhay ninkani waa inuu soo noqdaa…
Soomaaliya hadduu soo noqdo qabkeedii iyo sharafteedii
wuu soo noqonayaa…
Samada calankaa ku ladhan ayaa sanka taag i faray…
Raacatada dalka waa in laga xoreeyaa oo miyigoodii lagu celiyaa…
Dalkan dadkiisii xaddaariga ahaa waa in qurbaha laga soo aruuriyaa oo sidiisii lagu soo celiyaa… Raacatadu kaliya ma ayna burburin dalkii, lkn waxay xitaa burburiyeen sawirkii iyo sumcaddii iyo haybaddii Soomaalidu caanka ku ahayd…
Wadanka qatar 🇶🇦 layiraahdo degmada dayniile ayaa kawayn
Aduunka oo dhana waa kala hagayaan
Maxay tahay sababtu irsaaqadii ilaahay siiyay ayay lasoo baxeen oo barakaysteen