|

MUUQAAL: Cali Guray “Muuse Biixi wuxuu isku dhuftay Waran iyo Waxa kulmiye ka dhacay (Daawo)

Hargeisa ( Kalshaale ) Siyaasiga Cali Guray oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo dagaal la galay Siyaasiyiintii Qaybta wayn kasoo qaatay inuu soo baxo ee Xisbiga Kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu tilmaamay go’aanka Xisbiga looga saaray Maxamuud Xaashi Cabdi inuu Waran ku Noqon doono Muuse Biixi.

Cali Guray wuxuu siwayn u Bogaadiyey Cabdiraxmaan Cirro oo u usheegay isagoo Mucaarid ah oo aan hadana soo bixin inuu Masuuliyiintii Xisbigiisa wax la raadiyey ‘Sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdirisaaq Khaliif iyo Xirsi oo hada loo wado noqdo Gudoomiyaha Xisbiga wadani”.

“Kulmiye maanta wuu Haawanayaa, Maxamuud waxaan leeyahay ha baqan, waxaad ahay ragii soo Bilaabay Xisbiga kulmiye isagoo aan Muuse Biixi ku jirin, Waynu ognahay Maxamuud kuma jirin Golaha dhexe, Hogaanka iyo Fulintaba waxa loo eryay anigu garan maayo, Weliba isagoo uga soo horeeyay Xisbiga oo Madaxwayne ka dhigay”. Ayuu yidhi Cali Guray.

“Waxay Muuse Biixi ku noqon doontaa Waran kusoo noqon doona Maxamuud Xaashi ayaan kulmiye ka eryay, Soomaalidu waxay tidhaahdaa Waran kugu soo noqon doono lama rido”. Ayuu yidhi Cali Guray.

Cali Guray ayaa sidoo kale sheegay inaanu hada jirin Xisbi la dhaho kulmiye ee Afar qof ay ku hadheen.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=49796

Posted by on Oct 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented