|

Galmudug “Dhaawacyadii Ahlu Sunah ee dagaalkii Guriceel waxaa la geeyay deegaanada Puntland”

Gaalkacyo ( Kalshaale )  Wasiiru dowladaha wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug Axmed Mire Faafaale ayaa faah faahin guud ka bixiyey xaaladda dadkii ku dhaawacmay dagaalkii Guriceel ee la geeyey Gaalkacyo, kadib booqasho oo uu wasiirku ku tegay isbitaallada lagula tacaalayo xaaladda dadaasi oo askar u badan.

Faafaale ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay dhaawacyadeeda geysatay deegaanada Puntland, gaar ahaan magaalada Garoowe iyo waqooyiga Gaalkacyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta badan dhaawacyada kooxdaasi runtii waxaa la geeyay sida aan ka warhayno waqooyiga magaaladda Gaalkacyo ee Puntland iyo magaalooyinka kale ee Puntland sida Garoowe,’ ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaawacyada la geeyey dhinaca isbitaallada Galmudug, si isku mid ah loo daaweynayo, iyada oo aan loo eegeyn aragtida ay aaminsan-yihiin.

“Dhaawacyadii soo gaaray isbitaaladda Galmudug si sax ah oo siman oo cadaalad ah ayaa loogu adeegay lamana takoorin, lama dhibaatayn waana waajib wasaaradda saaran oo uu bixiyay madaxweynaha Galmudug” ayuu yiri wasiir Axmed Mire Faafaale.

Guddoomiyaheeda gobolka Mudug ee Puntland ayaa horey u beeniyay inay garab siiyeen Ahlu Sunna, kadib dagaallo ka dhacay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, muddooyinkii lasoo dhaafay mas’uuliyiinta labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa eedeyno isku marinayey warbaahinta, kuwaas oo la xiriira dagaalkii Guriceel.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=49792

Posted by on Oct 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Galmudug “Dhaawacyadii Ahlu Sunah ee dagaalkii Guriceel waxaa la geeyay deegaanada Puntland””

  1. Somali dadka aqligoodu sidaas yahay ayaa waxaa laleeyahay dowlad ha dhisteen.!!!!
    Bal daanyeerkaan waxa ku hadlay fiiri! Dad buu ka hadlayaa, xitaa Sagaaro jabtay waa in la dabiibo.
    Gobolada Puntland ayaa daanyeer Habargidir ah oo isdilay daaweysay ayuu mooday in Puntland ceebeeyey.
    Waan hubaa in Farmaajo iyo Qoorqoor oo labo doofaar ah in dadka Somaliyeed oo aqliga xun ku ciyaarayaan.
    Farmaajo tactico Kacaankii lasoo baxay; proboganda, 10 sano soosocota ka dib waxaad arkidoontaan qof Xamar jooga oo loo xiray madaxweynaha ayuu waxka sheegay. I really beleive that.

    Aniga mid ayaan idiin sheegin, walaahi Farmaajo iyo daanyeerta daba ordaya sida Qoorqoor waxay nagu wadaan godkii Somali ku dhacday oo moodayey in laga soo bixi rabo.
    Eeygaan wasiir caafimaad isku sheegay, waxa ku hadlayo fiiriya oo eed ka dhigayo, Puntland Hospitals waa wada private oo qofkii Lacag haysta meesha rabo tegin, ma maamul Puntland oo Hospital leh ayaa jirta???

    Farmaajo Hawiye waahore xoolo noqday ayuu ku ciyaarayaa. Run😮
    Wasiir caafimaad oo dacwo ka qaba dad la daaweeyey….Wasiir caafimaadow xaal qaado.

  2. Ninkaan hala waydiiyo;
    -Ahlusuna dadkii dhaawacday xagee la geeyey?
    -Ahlu sinna dadkii dhaawacday Puntland in lagu daweeyo ma loo diiday.
    -Wasiir caafimaad baa tahay ee dadka lagu daaweynayo Puntland, ma rabtaa in hospitalka laga soo buriyo, etc, etc.
    I beleive its the time in Puntland darbi ka dhisto Gaalkacyo.

  3. Land of punt sxb darbiga Naga daaya aad dhisaysaan maanta waa Sunday ka noqo go aankaas Bari oo Monday ah soo Saar goaankaas

  4. Galad
    Waan kugu raacay, I really don’t beleive Wall between Somali people, I beleive bridge between Somali people.
    Runtii ma jecli in darbi la dhexdhigo Somali, waxaan ka jeclahay in buundo isku maraan loo dhiso.
    Afkaa iga xaday eraygaas… Waxaan ka xanaaqay nin wasiir caafimaad sheeganaya oo eed ka dhigaya; Somali bilaa macne isku dishay maxaa loo daaweeyey…🖐
    Qoladii NN, Nolol iyo Nabad = (Nabar iyo Naxdin) waa soo waasheen.

  5. Galad
    Kkkkkk
    Waan ku qoslay darbi dhista nagadaa Sunday ee Monday go’aankaas nooga dhig.
    Nice.

  6. ilaahay amarkii badanaa bal sababta galmudug ay udaandaansanayaan maxay tahay tukaraq oo 40 kilometres jirtana aan lagu dhicin
    Qofka fulayga ah wax ka daandaansi badan maleh
    Marka ladharbaaxana sidaas kama wadin ayuu yiraahdaa
    Aloow yaa caga dhigta idin yiraahda soomaali waa is taqaane

  7. Land of punt sxb waxaan SaaS u dhahay Sunday go almost deg deg ah oo adag baad qaadataaye.

  8. Galad aka iftax

    Waad ka aradan tahay Af-Soomaaliga …!

    Land of Punt

    Aad baan usoo dhawaynaynaa arinkii wanaag sanaa ee aad ka dhawaajisay kaas Oo ahaa Derbi la dhex dhigo idinka reer Puntland ah iyo Soomaali inteeda kale…!!

    Waliba waxaan aad u jeclaan lahaa in ka go’daan Soomaaliya maxaa yeelay Waxaad tihiin imtixaan Ummada loosoo diray.

  9. Hobyo godan
    Sow adiga isku dhexyaacay!!!’ Yaab.
    War dadka u daa magaca wataan, why magacyo badan loo sheegan, aniga walaahi LOP ayaa waqti helin, markaa helo fikir ku dhiiban. Run
    Adiga iyo Dabshid waali…kkkkkk, caadi iska dhiga, niman gabar yar ka baqaya…kkkkk😁
    Hooskiina ayaad ka didaysaan…!! Kkkkk
    Iftax= LOP by Dabshid
    Iftax= Galad, by Hobyo godan..
    who will be the next? Iftax tiro badanaa!!!😅

    By the way; Puntland saas ayey kuu dul saarnaan weligood: Nin fadhi uga adkahay maxaan ugu sare-joogsan!!!!!
    Somalia yaan uga tagaa? Ma daanyeerta Hawiye, mise sida Isaaq ayaan Darood uga cararin Somalia…u adkayso dhalfada, taas ma dhacayso in Puntland goosato, not in your life time atleast….kkkkk

  10. Hobyo godan buufis.com

  11. Akhyaarta waan idin salaamayaa.Arrinkaan inuu jiro iyo inuusan jirin waxaa ka horeeya basic analysis ma samayn kartaan?
    1-Groupka suufiyada halkee kasoo dageen markii hore oyagoo Xamar,B.weyne,Caabudwaaqu furan tahay FG:Nairobiun bay ka yimaadeen ogow?Waxay uga soo dageen system ay ku socdeen ayaa ahaa shiddo iyo sagaal qaladii soo dirtay iyo design ayaa sidaa ahaa.
    2-Halkee joogaan Macalin maxamuud iyo Ashari?Waxay joogaan Garawe maantadan.
    3-Baabuurtii lagu qabtay Bandiiradley ee 4ta ahayd maxay ahaayeen xagee ka yimaadeen?Waxay wadeen hub iyo rasaas dhinac Puntland ayay ka yimaadeen,ma hubo in maamulka Puntland bixiyay ama aysoo iibsadeen kuma dambaabi karo.
    4-Lacagta 1.5 million Nairobi lagasoo xawilay AMAL Express lasoo marsiiyay sababta Xamar loosoo marsiin waayay maxay tahay?Waa lacagtii lagu dagaal galay.
    5-Maxay yihiin guryaha laga kireeyay waqooyiga Gaalkacyo ee suufiyada kireysteen,iyadoo Koonfurta Gaalkacyo u muuqato?Su,aashaa caqliyan dhinacaan waa ka baqeen,balse xeer u diidaya muwaadin Somaliya in uu dego dhinaca Waqooyiga ma hayo debate furan weeye.
    Daanyeertaan Puntland inta aysan dhihin ma samayn iyo waa samaynay intaas jawaab ma u hayaan?
    Dhibka dhabayacada haystaa dadkaan Somalida in aan wax lagu kala qarin karin may oga.
    WAA JIRTAA IYO MA JIRTO SUAALAHAAS AYAA KA HOREEYA.
    Ma ku danbaabi karo jiritaan iyo jiritaan la,aan waxaanse hubaa.
    A-In Puntland siyaasad u taqaan,xin iyo xaadnimo awood aysan u lahayn.
    B-In Puntland aanay jeclay maamul la daris ah stable ah.
    C-Beelaha qaar dhib bayba u arkaan HG/MR Waxay u arkaan dad wqxay cunu lahaayeen qatar ku ah,waan wax aan sal lahayn labadaan beeleed in ay u fakaraan sida bini,aadamka uma samayna badow dagaalka ku faana qofka dhaqankaas lehna horumar ma gaaro qof kalena qatar kuma noqon karo Dhabayaco iska daaya xisaabta qaldan eed isku dartaan intiinna xun.WAAN HBAA DAD FIICAN IN AY IDINKU JIRAA.

  12. Iftax
    Salaan sare guddoon..
    In Shaydaamad yar tahay ma is ogaatay, kkkkk😍
    Odayaashii reer adeerkaa waad ka qaylisiisay, si degen ugu sheeg qofka tahay, haddii kale cuqdad in LOP tahay aaminayaan oo hadalkaaga ayey hadal LOP ku cabirin.
    Af English soo qor xitaa way yaqaanaan.
    Fikirkaaga in qolka ku joogto oo qof kale ahayn waa la aamino markaas ayaa lala doodi karaa qof..🖐
    I hate troll.👊

  13. Somalijecel
    Horta qabiil Majeerteen ma difaaco ee waxaan difaaca qadiyad.
    Majeerteen waa jilib Harti ka tirsan adiga oo Sade-Darood jooga oo dalka xumuma oo xukumi jiray maxaa jiko- Hiraab kugu mashquuliyey, kama wado xukunka Madaxweyne oo Somali ka dhaxeeya ee waxaan ka hadlay Xamar oo jiko Hiraab ah… mee Dhulkaagii?
    Maanta ii sheeg degmo Mareexaan oo loo hoyan karo.
    Inaad Puntland ka oyso waxaa keenay nidaam dowladnimo oo haystaan…
    Organisation leh oo caawa ciidan ku dumi kara meesha rabaan oo dhaqaale haysta..markaad rag, Lacag iyo hub haysato, who can fucking stop you?
    Intaas in Walaalaha Galguduud helaan ku dadaal, markaas ayaad wax iska celin kartaan.
    Nin baangad wata miyaa dhangad u qaadan…kkkkkk🤒

  14. Kkkk LOP Horta meesha aad u taqaan jiko hiraab waa caasimaddii dalka,adiga waxaad uga maqan tahay waa laba arrimood.
    1-Lagaama jecla oo ummadda dhaqan iyo dabeecad ma lihid.
    2-Caasimaddii ayaad u aragtaa jiko hiraab,qabiil bay kaaga dhegan tahay.Mana kala garan kartid 3da astaamood ee beel,xisbi gooni u sheegan karin(Calanka,Madaxweynaha iyo Caasimadda)dunidoo dhan baa ka siman.
    Kkkk Degmo Mareexaan oo lagu hoyan karo maxaa ka waddaa?dadka hadda ku nool ee ku hoyada maxay yihiin?su,aashaas miyay kaasoo fakaray?C.waaq,Balanbale, G.haarey, B.dheere ,Luuq, B.xaawi, Doolow, B.dhuubo,Ceelwaaq+ Kismaayo?kkk
    Puntland ka dabo oyso astaan xanaaq ah ayaan u arkaa,oo maxay ii hayaan?
    Waxa aad akhrinayso waa kugu kaligaa inta aad sheegtay ma haysatid(lacag iyo hubba)40Km looma jirsadeen caasimadda Puntland iyado Puntland territory tahay Tukoraq.
    Xarunta ganacsiga Puntland lama dul fadhiyeen hadaad hayso wax dhaama qoladaan waalan HG/MR Inta maamul aad haysatay haday heli lahaayeen dalkaaba u baxsan lahaa adigu iska lugooyo un baad tahay 23 sanno ankee aan dhisan karin waddo yar oo shacabka loo qayliyo,anaga waanba xusay tuugo in aan nahay badow ah.
    Madaxda Mareexaan waxaa la isku raacay wax ma xadaan dadkana waa u siman yahay,waase xukun jecel yihiin(Prof:Buubaa,Pro Samatar,Pro Galaydh Au,Pro Gaandi AU.Pro Ali.MGeedi)Arrintaa shaqsiyan ayaan isugu xil qaamay iyagana ku raacay.
    Maxaa ka qaldan Sade Daarood haddaan joogo ma fahmin,Majeerteen waan ogahay inuu harti yahay wax weyna uma dhaxeeyaan Majeerteen waa laba daro ha hooseeya Sade hadaanan qaldanayn (Kablalax iyo Koombe)Harti ayaa ku xiga ma ahan waqti aad u kala fog.Waa adigoi awoowgaa soo gaaray un.Majeerteenku waa ka dadaal badan yihiin Mareexaan inta hadda aan aragno taana waa wax iska caadi in saaqidiintu na hogaamiyaan askar juhulaa ah.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented