Ciidamada Tigreega oo Qabsaday Magaalo Muhiim ah oo Lama Filaan ku noqotay Itoobiya
Jigjiga ( Kalshaale ) Ciidamada fallaagada Tigreega ayaa qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee gobolka Axmaarada taasoo xuduud la leh gobolka Tigray, sida uu sheegay afhayeen u hadlay fallaagada iyo weliba dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in ciidamada dowlada ay dib u gurteen sabtidii kadib dagaalo xoogan.
“2-dii subaxnimo (23:00 GMT) Jimcihii, askarta Itoobiya ayaa billaabay inay dib uga gurtaan aagga,” ayuu yiri Amir, oo deggan Dessie oo diiday in magaciisa la sheego.
Getachew Reda, oo ah afhayeenka kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay isagoo ku sugan meel aan la shaacin in dagaalyahannada Tigrayga ay ka soo riixeen ciidammada dawladda Dessie, ayna ku wajahan yihiin magaalada Kombolcha.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen askar badan oo Itoobiyaan ah.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya oo ku aadan sheegashada Jabhadda TPLF.
Qabsashada Dessie ayaa faa’iido istiraatiji ah u noqon doonta dagaalyahanada Tigreega ee ka soo horjeeda ciidamada dawlada dhexe ee isku dayaya inay ka saaraan dhulka Axmaarada.
Magaaladan wayn ayaa 385km (240 mayl) u jirta caasimada Addis Ababa waana koonfurta ugu fog ee Axmaarada.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=49773