|

Madaxwaynaha Puntland oo ka Hadlay Arimo Xasasi ah iyo Doorashada Soomaaliya

Garoowe ( Kalshaale ) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhigga 49-aad ee baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya Puntland, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn baarlamaanka u gudbiyey warbixin ku aadan Puntland, isaga oo si gaar ah u hadlay doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka billowday maamulkaasi, soo dhoweyntii loo sameeyey, dadkii laga soo barakiciyey Laascaanood, arrimaha dhaqaalaha, ammaanka, dib u dhiska waddooyinka iyo abaaraha ka jira Puntland, siiba Roob la’aanta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale khudbaddiisa si aad ah ugu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka, wuxuuna qiray inay jiraan dib u dhacyo ay sababeen arrimo farsamo, sidaas daraadeedna ay haatan Puntland si dhaqso ah u guda-geleyso doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in Puntland ay ahmiyad gaar ah siin doonto in la soo gabagabeeyo doorashada Soomaaliya, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro

“Waxaa naga go’an in aan si dhaqso ah u billowno doorasho oo sababo farsamo gadaal ugu dhacay waxaan ahmiyad siineynaa in lasoo gabagabeeyo firaaqa hoggaamineed ee dalka ka jira,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Deni oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Puntland ay mar-weliba u taagan tahay dowlad dhiska Soomaaliya, iyada oo loo marayo dib u heshiisiin iyo tubta amniga dalka.

“Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxay markasta u taagan tahay xoojinta dowlad dhiska Soomaaliya ee hannaanka federaalka, iyada oo loo maraayo tubta adkeynta amniga dalka iyo dib u heshiisiin bulsho,” ayuu markale yiri madaxweynaha Puntland.

Saciid Deni ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inay Puntland mar-walbo wada-shaqeyn dhow iyo iskaashi la leedahay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, wax kasta oo amniga iyo horumarka caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasiloonida iyo horumarka maamulka Puntland,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan la guda-galayo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka culus marka la eego midii Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=49770

Posted by on Oct 30 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

14 Comments for “Madaxwaynaha Puntland oo ka Hadlay Arimo Xasasi ah iyo Doorashada Soomaaliya”

  1. Qoraxda waxay kasoo baxda Somalia dhinaca Bari, reer Puntland ilaa Somalia jirtay weligood dan Somali meel uga harin, waxaan tusaale usoo qaaday in aasaaseen SYL.
    Weligoodna waxay ahaayeen ragga diida wixii xun sida dictatorship.
    Anigoo ka badbadonayn waxay ahaayeen raggii u istaagay in Somalia dhiiqada ka baxdo oo nidaamka jira Garoowe kusoo dhoodhoobay.
    Cabdilahi Yusuf Kursigii Madaxweyne Villa Somalia geeyey inta Mooryaantii kala cayriyey.
    Somali hadday reer Puntland dhegeystaan waxba kama haleebeen.
    Puntland dhisa maamul fiican oo lagu dayan karo oo u taagan democracy ans Somali Unity.🇸🇱👍
    Free, federal and democratic Somali people is the real challenge and endeavour we hope, nobody will be allowed to stop that…even if it can be bloody.
    Vivo Somalia🇸🇴✌️

  2. Dadkani masgsxda ayay ka dhinteen.Qabiil Ninku xoogsada ayaa Tulooyin ku xidhay.Wakhtiga la joogo ayay Reer hebel Tulo ugu afduubanyihiin.

    Waa dad noloshii ku qasaay.
    3 Tulo dad la soo safaykkkkk
    Kuye,doorasho ayaan qabtay.
    Waa dadkii diyasradaha samaynlahaa kk
    Waa dadkii u noolaan lahas xornimo.Heerkassi ayay joogaan.
    Maba oga inay dad yihiin,laakiin waxay ogyihiin inay Rerr heel yihiin.Halkaaasi ayay ugu xidhanyihiin mid dhaqaale ka saneeya jiritaankooda Reer hebeknimo.

    Dalmida

  3. Mr Bahal
    Puntland waxay ku bilaabeen 3 tuulo inta aan bado waaweyn la isku gelin sida million city Bossaso, qaladka saddexdaan degmo ka dhacaya ayaa la rabaa in la saxo inta magoolinka waaweyn la gaarin.
    Ha sugi waawin doorasho Puntland kulli ka dhacda.
    Somalia waa ogtahay in Puntland goosasho rabin, haddii gobolkaas doorasho macquul ah ka dhacdo waa lagu dayan.
    In gobolada shacabku doortaan madaxdooda waa sida keliya oo xalaasha ah.
    Ma garanayo sida Deni runta ah oo ku yimid.
    Hadda ka dib Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaan u arkin shacab ayagu is xukuma.
    I Love that.
    Ma maqashay Deni Emirates ayaa watay, Madoobe Kenya ayaa keentay iyo hebel dalkaas ayaa wata… shacabka taladooda gacanta u geli sida Europe joogno ama West.
    Adiga nin yahow xoogaa dictatornimo ayaa kugu jirta ma aaminsanid cod shacab,
    Qardho dadkii 15 qof degmada maamulidoono midbaa Jareer Buulo Mareer ku dhashay ahaa…great.
    Give the people beebox and they will give you honey.

  4. Mr Bahal
    Sxb mideeda okiyaale soo gado, beryahaan waxaad qorto lama akhrin karo..
    I mean it.

  5. War wuxu waa wada naago bal hadalkooda iyo suurahooda fiiriya
    Xagee lagu arkay rag suuroonaya sida
    Sida Land of punt
    Iidoor iyo dhabayaco waxaan dharbaaxo ahayn mayaqaanaan

  6. Gedo land
    Sxb ma ka masayrtay sida in naag kula qabo.
    Hadda xageed igala qaaday..daanyeer Quule cun badan.!!)
    Waxaan ku jiraa ragga aaminsan yaan Mareexaan Daroodnimo kugu sirin, waa daanyeer jaahiliin ah oo naftooda iyo naf kale midna u roonayn.
    Waxaa tusaale kuu filan Maxamed Siyaad AUN iyo Farmaajo labadaba Majeerteen kursiga keenay ama ku xoogeeyey.
    Somalia xagay uga tageen ama uga tegin.
    Safarkii Puntland ee Farmaajo aduunkii waxay yiraadeen ninkaan waa nin Somali dhan rabaan marka laga reebo Somaliland mowqif goosasho aaminsan.
    Waad aragtay in colaad Puntland ku bilaabay asagoo 1 sano gaarin..kkkkkl
    Maxamed Siyaad markii General Dauud Cabille dhintay MJeerteen ayaa keenay..
    Waa sheeko la ogyahay, waad ogeyd wixii ku sameeyey.
    Adiga Puntland wanaageeda haddaad maqasho in Quule cun noqoto ayaad ka biqin.
    Haddaba sow duur wareeg ma tihiin, Farmaajo yuu xukumaa? dhul Hawiye, ayagana ma rabaan.
    Hadalkaas waa runtay; Mareexaan Daaroodnimo igu siri mayaan aniga.
    I rather deal with Hawiye as Hawiye.
    Jeega wareega ayaa yaabay…kkkkkkk😝

  7. Lop
    Waa nasiibdaro ku habsatay Mayoolay in 21 century la yidhaa,bal Tulo ku jitaabiya inay wax doorankaraan kkk
    Oo dad la soo safo tii oo tijaabin ah inay codkooda dhiibankaraan.
    Doqmo ayaa laga dhigay.Heer aad u hooseeya ayaa ls geeysy Maryoolay.

    Heerkaasi liita ayaaba sacab loo tumayaa oo laga dhigayaa dad dawlad le oo wax loo qabtay.
    Laakiin Deni ayaa lacag ku soo qaatay in dadkan la baro demcracyga.3 Tulo ayuu dadka soo saaray,sawirna muujjyay iyaga safaf ku jiraaa kkk
    Waa dad lagu dul shaqaysanayo..

    Tulo ayaaa doorasho lagu jitaabiyaykkkk
    Waxay ahayd in Tuladaasi qardho Dawo ay soo saartay jitaabiso.kk
    Oo Borama jitaabiyo gantaal Masar dulmaya kk
    Muqdisho Train ka soo baxo oo Zeylac yimaado..
    Adna waxaad sacab u tumaysaa sheeko Deni soo dhistay.
    Doorashada lacag nagu siiya kkk
    Dalmida

  8. Kan quful Farmaajo iska dhici la dhaho baa ku jabay… Khalaas… Obsessed.com….

    Lop
    Caafimaadka maskaxda iyo jirkuba waxay ku jiraan In aadan wixii tagay ku mashquulin ama gocan ee aad mustaqbalka iyo sixiddiisa ku mashquusho…

    Haddii laga hadlo dadadka Hindiya ka dhacay xitaa waxaad dooddaada ku xoojin M.Siyad Barre AUN… Urugada iyo doogta qalbiga kaa haysa dawo uma noqonayso in aad maytida afka iyo qalinka ku hayso waligaa…

    War isla yaab oo qalbigaag xal… SSDF genocide-kii ay gaysatay cid ka hadklaysa miyaad aragtay?… Insaanka caadiga ahi waa kii waxna illooba waxna cafiya….

  9. Mr Bahal
    Sxb waa runtaa meeshii in warshado casri ah adduunka ku tartami lahayn, waxaan joognaa horta dadkaan ma isku talin karaan?
    Xitaa tuulo madaxdooda ma keensan karaan Somalida? This is extremely low level…you are right.
    Sxb laakiin runta qaayib, waa meesha aan joogno Somali maanta haddii Musaveni of Uganda askartiisa caruurta nagama kufsadaan oo dalka u joogaan, Somali baan kala celinaynaa…..!!! Yaab.

    Somalia in degto horta waa in nidaam jiro oo dadkii na hogaamin lahaa aanimo.
    Sidee ku aaminin nin la leeyahay Dal shisheeya ayaa wata oo u shaqeeyaa.!!!!
    Waa in horta kan i xukumaya aniga aan talo ku leeyahay.
    Maanta Bossaso, Garoowe, Galkacyo every degmo oo ah magaaloyin qadiim ah, nin Deni magacaabay ayaa u taliyo oo wax ka dhaxeeya shacabka ogeyn.
    That’s very bad!!
    Barbarato haba ahaatee, waa in meel uun laga bilaabo, horumar ma jiro ilaa ognahay ninka naxukuma cidda noo keentay. I beleive in shacabka keensado kay dan moodaan..run

    Horumarka aad sheegayso waxaa ka horeeya in maamul fiican iyo amni ka jiro dalka..taas kahor wax socon karaba ma jiraan. Run.
    Somalia degmooyinka ugu roon fiiri, maamul ayaa ka jira haba xumaado..run
    Laakin maaha maamul legitimate ah, waayo sida ku yimaadeen ma naqaan.
    Waan kaa rumaysan nimankaan in cidkale u shaqeeyaan.
    Codka shacabku waa furaha horumarka. Dowlad shacabka ka baqaysa waa in helno.

    Adiga sida daanyeerta u fekeraysaa!! Adduunka aan la tartano?? Sidee ula tartamin ismaba xukumi kartide!!!
    War Somalia aduunka meesha ugu hoosaysa ayey joogtaa, waxaana sabab u ah maaha dad kala dambeeya..way iswada dooxanaysaa.! Look last war Guriceel.
    Iswaydii waxaa Ethiopia 120 million ka dhigay, Kenya 54 million, Somalia 11 million qiyaasta CIA oo ugu roon xagga tirakoobka adduunka.

    Anaa kuu sheegin, wiilkii dileen wixii dhali lahaana wuu la dhintay..run
    Badankoodii Somali ayaa sida adiga u fekera, adduunka aan dhaafno oo ka fekerin adduunka tegey; maxay ku gaareen? Ka bilow in tuulo isku talin karto oo nabad helaan, markaas ayey tuuladaas horumar ka fekeri kartaa…that’s true.😮

  10. Kalsame
    Iga rumayso wixii dhacay marhore ka gudbay oo cidna uurka wax uguma hayo.
    Laakiin mid ogow, maahmaah reer Galbeedka ayaa oranaysa; those who forget their trouble history is doomed to repeat it. ( Kuwa aan taariqdooda wax kabaran, waa ku qasab in dib ugu noqdaan markale isla taariiqdaas)

    Adiga waxaad isku qaldaysaa marka ka hadlo; War jidkii ku dhunay hanagu celinina like dictatorship oo aan wax ka barano iyo in taariqdaas Somalia aniga Mareexaan wax u haysto..xitaa Hawiye ayaan u haysan 30kii sano lasoo dhaafay, after Kacaankii daanyeerka ahaa..run.
    I am talking about Somalia history…yaab😚
    Kacaankii marka ka hadlayo iyo madaxdoodii Mareexaan ka kadli maayo..remember that.😏 In u shaqeeyeen waan sheegi karaa.

  11. Kalsame
    Marabo in meeshaan ku taxo madaxdii Kacaanka laakiin waxaan sooqaadan.
    5 u saraysay
    Maxamed Siyaad, Xuseen Kulmiye Afrax, Maxamed Cali Samatar, Cabdirisaq Maxamud Abbubakar, Ahmed Saleeban Dafle.
    Mareexaan yaa ka ahaa?
    Kacaanki daanyeerka ahaa; miyaa rabtaa in Mareexaan u huwiso..yaab
    Misaakiintaan Mareexan hadday wax ku haysteen Kacaankii maanta Gedo ayaa jid lahaan lahayd..weliba dhulka Somali ugu qanisan. Google Luuq. Baardheere, Buurdhuubo etc. In Amazonas ayaad joogto moodin.
    Laakiin daanyeer dhulkiina u tashada aqoon ayaa dega..run
    Bal ii sheeg Farmaajo maanta u qabtay oo buuq iyo problem sida ciidan u diray….
    Goormaa aqli la yeelan…..?
    I promise walle Farmaajo in lugooyo mooyee wanaag usoo kordhinayn Mareexaan waayo xitaa tabartaan malaha.
    Walaahi aniga Deni oo in shaqo fiican hayo u arko in habeen taageerayn hadduu danta Somali iyo Puntland wadin..that’s the different.
    Maxaa indho la’aan nin i dabadhigay..Xitaa haddaan Farmaajo ka hadlo maanta Mareexaan kama hadlin..run

  12. Boqortooyada somaliya

    Land of punt

    Saaxiib Puntland haw biqin, waxaa lagu dhisay TALO aad loo rogrogay, waxaana loo qaabeeyey (design ) si cilmi iyo istraatiyad FOG ku dhisan.

    Mida kaleeto puntland waxaa ku bahoobay SALDANADHII somaliya xukumayey intaan Guumaystuhu qabsan geyiga somaliya

  13. Boqortooyada thanks Ina adeer.
    Puntland waa sida maahmaahdii laxda.
    Cidii oo caawa rabta in neef qalato oo shilal lagu qalo diyaarsanaysa ayey lax shilalkii geedo loo jaro mooday oo cun istiri, islaantii lugta inta qabay bay gowrac u jiiday, neef la qalo soo raadi maxaa igu wata ayey tiri..kkkkkk
    Gabar agtaagnay ayaa tiri:,lax walba shilalka isdhigto ayaa lagu qalin…
    Sheekadaas waa sida maqlay ma hubo, waxaa ka wadaa Puntland meesha isdhigto ayaa lagu qalin..run.
    Waan arki doonaa in Puntland wiilal Geesiyaal ciiltire dhali karaan.
    Thanks sxb oo Hawiye hanagu dirin, Nimanka waagii laga adkaa lama joogee, kkkkk, 😆mise waxaa rabtaa markaan Xamar tago in majaha iga xiraan oo la jeedalo….kkkkk
    Cafis kulli

  14. LOP

    Goormuu deni isa soo sharraxi doonaa. Weligeey nin ka caqli xun waxaan arkay Kaba Kuukuyu oo ay qabiil ku saaxibeen.

    Adduunyo

    Viva Soomaaliwayn
    Down all Somali traitors

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented