|

Askari ka tirsan Puntland oo dad Shacab ah ku dilay Boosaaso

Boosaaso  ( Kalshaale ) Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay rasaas uu dad shacab ah ku furay Askari katirsan Booliiska gobolk Bari.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku geeriyooday rasaasta uu furay Askariga mid kalena waa uu ku dhaawacmay aga-gaarka Aarkada Gaaca ee magaalada Boosaaso.

Taliska Booliiska gobolka Bari oo dhacdadan War kasooo saaray dhacdadan ayaa sheegey in ay xabsiga dhigeen askarigii falka gaystay.

“Booliiska gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaa ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo caawa askari ay kaga dhacday xabbad, waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar Cali Cawad oo marxuumka la socday.

Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan, wixii faahfaahin ah waxaan idiin gudbin doonaa marka baaristu dhamaato insha allah”. Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay taliska Booliska.

Dhowaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Madaxtooyadda Puntland ay garoowe ku dileen Gabadh dhalinyaro ah, oo la sheegay in gaadhi ay saarnayd uu kusoo dhowaaday Gaadhi uu la socday madaxwayne Siciid deni.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=48767

Posted by on Oct 2 2021. Filed under FLASH, VIDEO, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented