Gabadh Soomaali ah oo iska Casishay Xilkii Wasiirnimo ee Xukuumadda Abiye Axmed
Jigjiga ( Kalshaale ) Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashiftay in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay.
“Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida.
“Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.”
Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara.
Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=48607