|

Xaalad Naxdin badan oo ka taagan Gobolka Bakool iyo Waxa dhacay

Xudur ( Kalshaale ) Gobolka Bakool oo ka kooban shan degmo ayaa laga soo werinayaa in seddax ka mid ah ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo aad u daran, taasi oo ay ugu horeyso degmada Xudur.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in xaaladdu ay mareyso meel adag oo u baahan gurmad deg-deg ah, xili ay degmooyinkaas go’doon ugu jiraan Alshabaab.

Cumar Daa’uud Khaliif, Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Bakool ee arrimaha Gargaarka iyo Samafalka oo la hadlay idaacada Mustaqbal ayaa sheegay in sidoo kale uu shuban biyood uu ka dilaacay degmada Xuddur, xili ay ka jirto xaalad biyo la’aan ah.

Cumar ayaa sheegay in culeyska ugu weyn uu saaran yahay degmooyinka Xuddur iyo Waajid oo martigeliyay qoysas isaga soo baxay deegaannada go’doonsan. Waxaa gebi ahaana xiran isku socodka degmooyinka.

“Xaalad aad u adag ayaa ka taagan Degmada Xuddur, meelaha qaar biyo la’aan ayaa ka jirto, carruurta yar waxaa haleelay shuban biyood, Magaalada Yeed waa sidaas oo kale, ma jirto degmo u gudbeysa degmo kale,” ayuu yiri Cumar Daauud Khaliif.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in laga hortago dhibaatooyinka inta aanay guud ahaan usii gudbin bulshada, isagoona ka dalbaday xukuumadda iyo hay’addaha samafalka inay kaalin weyn ka qaatan sama-tabixinta qoysaskaas.

Si kastaba, xaalada go’daanka ah ee uu ku jiro gobolka Bakool ayaa toban jirsatay, ayada oo marar badan ay Koonfur Galbeed ballan-qaaday wax ka qabashada xaaladaas, waxaana sare usii kacaya dadka kusii qulqulaya Xudur oo xiligan uu ka jiro dhaq-dhaqaaqa ugu badan.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=47658

Posted by on Aug 30 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Xaalad Naxdin badan oo ka taagan Gobolka Bakool iyo Waxa dhacay”

  1. Alshabaab hala iska celiyo ama diqda qaayiba oo awrta la daaqa.
    Eelayda shacabkoodii ayey Alshabaab sidaas gaajo ugu dileen haddana inta ilaa Galmudug qabsadeen ayey in gacmaha laga dhunkado rabaan.
    Walle haddaan diin la baran oo ninimo daabka la adkaysan duli baa lagu socdaa labada daarood (adduun iyo aakhiro)
    Cabaad iyo gaaloow kiish galay cagaartoow nala soo gaara laga dhammaan maayo.
    Daanyeer.

  2. Land of punt,
    Waan kusalaamay saaxiib. Makulla tahay in anniga iyo qof caqli leh uu ka naxayyo amabba u danqannayo eelaaydaan nijaasta ah ee hadeer iyo waligoodba tuugsan jirray “magan Alaay”, iyaga oo hadeerna wadda noqday askarta argagaxissada alshabaab? Maya, Maya.

    Kuwa xeryaha barakacayaasha Xamar, iyo Boosaaso raashiinka lagu siiyo xattaa waa in la laayo, sababtoo ah waa caruurti iyo xaasaaskii kuea argagaxissada ah ee dagaalka u aaday Xarardheere iyo Boosaaso agteeda.

    Waxaa daanyeero ah dadka raashiin siinaya, oo u sii haya caruurta iyo naagaha kan cadowga ah ee la dagaalamaya. Bal kawarran daanyeernimadaas!
    Dalmida.
    God bless Somalia 🇸🇴

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented