|

Xiisada dagaal ee itoobiya iyo Tigreega oo ku gacan saydhay Midowga Afrika !

Jigjiga  ( Kalshaale ) Xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee uu dagaalku ka socdo ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay Midowga Afrika (AU) eex, maalmo kadib markii ururku uu u magacaabay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu dhexdhexaadiye ka noqdo colaadaha ka taagan dalka Itoobiya.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF) Getachew Reda ayaa ku eedeeyay AU in ay u eexatay dowladda Itoobiya, wuxuuna sheegay in ay “caqli -darro tahay in la filaayo in howlgalkan uu shaqeeyo”.

Waqooyiga Itoobiya ayaa waxaa hareeyey rabshado tan iyo bishii November ee sanadkii hore, markii Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu ciidamo u diray gobolka Tigray, si ay u afgembiyaan TPLF oo ah xisbiga talada gobolkaas haya.

Abiy Axmed ayaa sheegay in tallaabada uu ciidamada ugu diray gobolkaas ay jawaab u tahay weeraradii lagu qaaday xerooyinka ciidamada dowladda federaalka ku lahaayeen gobolka Tigray.

Guuleystaha abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019, wuxuu ballanqaaday guul deg deg ah, laakiin dagaalku wuxuu sii jiitamayey muddo bilooyin ah, taas oo dhalisay dhibaato bini’aadanimo oo ka dhacday gobolka Tigray, halka fallaagadu ay qabsadeyn qeybo kamid ah gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada.

Abiy Ahmed ayaa horay u diiday inuu wadahadal la yeesho hoggaamiyeyaasha Tigrayga, isaga oo ku adkeystay inuu meesha ka saari doono madaxda TPLF.

Khamiistii, ururku Midowga Afrika wuxuu ku dhawaaqay inuu Obasanjo noqdo wakiilka sare ee Geeska Afrika, isagoo sheegay inay qayb ka tahay “dadaal lagu horumarinayo nabadda, amniga, xasilloonida & wadahadalka siyaasadeed”.

Laakiin afhayeenka TPLF Getachew ayaa iska fogeeyay qorshahaan, isagoo yiri: “Aad bay noogu adag tahay inaan ogaano sida dadku ay si macquul ah uga filayaan kaalin wax dhisaya hay’ad uu musuq-maasuqa u bixiyey magaca aad u xun”.

“Xallinta xiisadda ugu yaraan waxay u baahan tahay in la qiro jiritaanka, iskaba daaye baaxadda ay le egtahay dhibaatada,” ayuu ku qoray Twitterkiisa afhayeenka TPLF.

Dagaalka Itoobiya ayaa caddeeyey inuu yahay mowduuc xaxaasi u ah Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=47655

Posted by on Aug 30 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

2 Comments for “Xiisada dagaal ee itoobiya iyo Tigreega oo ku gacan saydhay Midowga Afrika !”

  1. Ninkaan Getachew Reda waa laba xiinyood, ayoo 5 million ah Tigreyga ayuu 120 million kusoo fariista gus ku yiri…kkkkkkkk
    Tigrey waa nimankii Mingustu Haile-mariam ka bursaday Addis Abeba.
    Maanta daanyeer Abiy baryo ugu tegey African Union.
    Adduunka waa saas ninkaan wax iska celin madaxa laga tumin.

  2. Waxaa illahay mahadiis ah Tigree Somalida u isticmaali jiray IGAD IYO EU in iyagii maanta loo isticmaalayo.Cadayn waxay u tahay daanyeertan Tigre in ay foot solder reer Galbeedka muslimiinta lagu laayo ay ahaayeen.
    XASUUQOODU WAA BANAAN YAHAY WAA NIJAAS ARGAGIXISO AH.Iyagaa laga bartay.
    Waxaan saxuuxstaa waqtigii dawladdii Xasan sheekh IGAD ayay isticmaaleen,waqtigii maxaakiimtana EU kkk Maanta iyagay haystaa Abiyana wuxuu taagan yahay reer Galbeed banaanka ka jooga.

Leave a Reply to Land of Punt

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented