|

Shirkii maanta ee Musharixiinta Mucaaridka Maxaa kasoo baxay ?

Muqdisho ( Kalshaale ) Kulan ay ku yeesheen Xubnaha Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha maanta magaalada Muqdisho ayay ugaga hadleen xaaladda dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa waxaa ay Midowga Musharixiinta diirada ku saareen culeysyada kajira dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Gabagabadii kulankan ayaa waxa ay Midowga Musharaxiinta ay ka soo saareen afar qodob oo kan ugu horeeya uu yahay dib u dhaca doorashada iyo mugdiga uu galay ayna Bulshada Soomaaliyeed ka niyad jabeen ,isla markaana uu mas’uul ka yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay u taagan yihiin in dalkaan doorashooyin xur iyo xalaal ah oo la isku haleyn karobay ka dhacaan.

Midowga ayaa xusay in ay wadahadalo la leeyihiin Golaha wadatashiga doorashooyinka sigaar ah dowlad Goboleedyada, iyaga oo u gudbiyay tabashada ay ka qabaan habraaca doorashada, wixii kasoo baxana ay Bulshada la wadaagi doonaan.

Ugu dambeyntii Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in Xukuumadda uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Rooble ay wada-hadallo la leeyihiin, isla markaana ay ka arrinsanayaan sidii dalka uga dhici laheyd doorashooyin xalaal ah oo la isku raacsan yahay.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=47632

Posted by on Aug 29 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “Shirkii maanta ee Musharixiinta Mucaaridka Maxaa kasoo baxay ?”

  1. War madaxwaynaha noga lexda jawawisyahay

    Soo idinki saacabinayay marku dhahay dorashada Pm idin kugu dhibay

    Oo garan waydeen inaad saxiix ku yeelatan markad dhiga shunted

    Maad fahmin xeellada cusun hadad fahanten 30 sano kadib baa fahmi doontan shaxda daarood iska samra wilsha gabdha daarood dhalaan baa idin mici doona 😂

  2. Shakers and movers of zoomalya

    Waxaa la ciyaarayaa waa semi-final

  3. mingistume soo Dag

    Aduuno Xaal Kaa BA,A?…
    ———————————–
    1)Xaq U Dirir Waxaa = Bedelay= Xukun U dirir.

    2)Siyaasi Waxaa Bedelay = QabQable dagaal.

    3)Xeelad Waxaa Bedelay= Xoog. Somalia

    4)Raadiya Codka jamuuriyada somalia waxaa bedelay=
    Raadiyaha BEESHA HUBEYSAN= SOMALIA MAANTA.

    5)Qalin Waxaa bedelay = QORI.

    6)BANK SOMALIA WAXAA Bedelay =Xawilaad?
    ————————————————————————–
    DURBAANKA”: Qabiilka = Dhagahaaga ka Dabool.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented