Cabdi Xaashi oo War Cusub sheegay Iyo Rooble oo Kulan degdega isagu yeedhay Gudiga Doorashada G. Waqooyi
Muqdisho ( Kalshaale ) Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa diiday soo-jeedin ka timid ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray.
Cabdi Xaashi ayaa sheegay in kulan shalay dhex maray isaga, Rooble iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed uu ra’iisul wasaaraha ku dalbaday “Inuu kusoo wareejiyo tallada iyo maamulka doorashada kuraasta xildhibaanada labada gole ee Somaliland.”
“Golaha Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi wuxuu kugu wargelinayaa in aan masiir umadeed la wareejin karin oo ay dadka reer waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iya hubinta madaxbanaanida doorashada 57-da kursi ee ay ku leeyihiin labada gale,” ayuu yiri Cabdi Xaashi.
Cabdi Xaashi ayaa qoraalka kusoo jeediyey saddex qodob oo uu sheegay in lagu xalin karo khilaafka ka taagan guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaas oo kala ah:
1- In isaga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi.
2- In dib loo mideeyo guddiyada doorashada gobollada waqooyi oo laba garab u kala jabay, loona qeybiyo hoggaanka, ayada oo dhinac la siinayo guddoomiyaha guddiga, dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guddiga.
3- In doorashada kuqabsoomto gudaha Xalane, oo ay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM.
Heshiis la’aanta guddigan ayaa hortaagan inay billaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa kulan degdeg ah waxa uu isugu yeeray xubnaha Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi.
Kulankan oo ka dhici doona xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyadoo lagu soo koobay ujeedada kulanka inuu yahay mid muhiim ah.
Hase yeeshee afhayeenka xukuumada federalka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu dhamaystirey la tashiyadii uu la lahaa Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=46743
Axmaarkan Dhakada diiran ee Mahdi
Waa inuu ka dambeeyo Eedigeen Cabdi Xaashi
Haddii kale haloo gacan geliyo
Dowladda Somaliland.
* Dubbe Dhilqaday marbuu Daqaro geystaaye
Seedigeen
Oromkan inaanu khayr soo wadin way cadeed. Waa sheekadii rufyaanada Xalane xalane xalane ayaa noo amaana. Waar waqooyi ma meteshid, dadka ka dhex bax meel xun Alle ha ku dhigee. Waa qaadacul dariiq is caddeeyey, intaa ka badan lama sugi karo, ha la xidho tuugan aan xishoonayn. WBT
Odaygaani waa hawlgab,waana haraadigii TPLF marka waa inuu shubaa,shub shub