Sheikh Shariif, Xasan Sheikh iyo C.C.shakuur oo ka hadlay Doorashadii Baydhabo ee maanta
Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxwayneyaashii Hore ee Soomaaliya Sheikh Sh Axmed iyo Xasan Sheikh iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay Doorashadii maanta ka dhacday Baydhabo oo ay kusoo baxeen Senator Zamzam Ibraahim Cali, Ayaan Aadan C/laahi, Aadan C/naasir Maxamad, Maxamuud Maxamad C/nuur iyo Dr Xuseen Maxamad Daahir oo loo doortay aqalka sare ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan u rajaynayaa xildhibaanada cusub in Alle la garab galo masuuliyadooda, kana yeelo kuwii damiirkoodu uu ku hago danta qaranka.
Waxaan kaloo bogaadinayaa hoggaanka Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo xil iska saaray qoondada haweenka.” Ayuu yidhi C.raxmaan Cabdishakuur Warsame.
Sidoo kale waxaa Doorashada ka haadlay Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif.
“Waxaan ku bogaadinayaa Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay uga dhabeysey hirgalinta doorashooyinka Qaranka, anigoo hambalyo u diraya Senatarada cusub ee kamid noqonaya Barlamaanka 11aad oo lagu doortay Magaalada Baydhaba.
Waa tallaabooyin dariiqa saxan ee dowladnimada loo qaaday, anigoo Alle uga rajeynaya xildhibaanada cusub ee la doortay inuu la garab galo xilalka culus ee loo igmaday.” Ayuu yidhi Sheikh Shariif Sheikh Axmed.
Xasan Sheikh Maxamuud Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya oo Doorashada Baydhabo ka dhacday ka hadlay ayaa yidhi.
“Hambalyo dhammaan reer Koofur Galbeed shacab & mas’uuliyiinba. Waxaad muujiseen ka go’naanshaha qaadashada kaalinta idinkaga aaddan hirgelinta doorashooyinka.
Senatarrada soo baxay waxaan leeyahay hambalyo, gaar ahaan haweenka guuleystay. Alle ha idiin fududeeyo mas’uuliyadda.” Ayuu yidhi Xasan Sheikh.
Hambalyadda ay Siyaasiyiinta Mucaaridku u direen Xildhibaanada Cusub ayaa ka dhigan inay Duntu ugu Xidhan tahay Xildhibaanka soo baxa ee Codka siinaya, Balse hada aysan waqti iska gelin doonin Xildhibaan hore oo dhacay inay u doodaan.
Kalshaale.com
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=46735
Tii Kismaayo ka dhacday iyo tan Baydhabo waa baadil,ceeb ku ah garashada bi’niaadamka gabadha midda weyn waxaa la tartamay gabar ay habaryar u tahay.
Waxaan horey u haynay Fartaag Iftiin baasto,maantana waa taas.
Fawaaxishka ugu yar ee nidaamka dadban waa kaas.
Horta maxaa dib u dhigay HOOYADIIS FEDERALKA
mise way musalaftay sidii XAAJO YOOME.
Rooblow lacagta naga soo daa, waxaani waa Ceeb
Iney Maamulada ALTA & BASA JUBBO ka horeeyaan
Maamulada central iyo East South Soomaaliya
ileen Awalba HIRSHABEELE waxay iska aheyd
HAR-BANAADIR
* Maamada yaan lagu kicin MINGISKA Aw-buraale
Xaaji
Xasan shiikh ccshakuur iyo shiikh shariiif
Xildhibaanadaan kuwo cod aad kahelaysaa maaha
Waa wada nabad iyo nolol
Gabadha yar ee sodonka sodon jirka ah ee kudhalatay degmada luuq ee kasoo jeeda beesha HARIIN ee uu kadhashay madaxweyne laftagareen hambalyo waxaa loo baahan yahay da.daada oo kale maskax cusub. Bal isu fiiriya axmed madoobe iyo laftagareen kaaf iyo kala dheeri
Dad aniga ii soo baxa ayaan rabaa.Dad aniga la ii soo xulo ayaan rabaa.Waxa aniga la ii soo xulo ayaa xalaal ah.Waxa si kale loo soo xulay waa xaaraan.Saa aniga ayaa xalaal ah.Anaa sheegikara waxa xalaasha ah.
Madaxwaynaha anaa raba,dad codka i siiya ii soo xula.Hadii kale 91kii aa lagu noqohaa.
Wadankii wasnaa ee dugaag-dadoogu ku nool.
Ilaa wasakhdan dugaaga ah wadanka laga sifeeyo,guuli ka dheer shacabka Somaliyeed ee xanuunsanaya.
Dalmida
Hanbalyadan waa bil caksi…
Aad bay ugaga wada xumaadeen doorashadii K.Galbeed…
Beesha Lixaad baa laga wada baqayaa oo digniin-tii ugu danbaysay wada siisay…
Carruurtii Ginbood iyo wixii ilma Gabraad sheegta… Giddigoodba mooryaan haddaan geeska laga waayin… Guuuuuuuuuul…