|

Ciidamada oo Howlgalo Culus ka bilaabay Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyay

Kismaayo ( Kalshaale ) Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saaka, illaa xalay howl-gallo ka wada magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubaland, waxaana howl-galka uu daba socdaa qaraxii ka dhacay magaaladaas.

Afhayeenka Booliska Jubbaland oo Wariyeyaasha kula hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee Kismaayo lagula beegsaday kooxda ciyaartoyda JCCI ee ka dhisan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka ay soo gabagabeeyaan howl-gallada haatan socda ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ee baaristooda.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay cadaaladda horkeeni doonaan raggii soo abaabulay qaraxaasi iyo kuwa fuliyey intaba.

“Laamaha ammaanka ayaa ku howlan ka gungaarista qaraxa cadawgu uu la eegtay Dhalinyaro Ciyaartoy ah, waxaa naga go’an in aan cadaaladda la tiigsano” ayuu yiri.

Qaraxani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar ciyaartoy ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, xilli ay la socdeen gaari ku sii jeeday garoonka Waamo.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xalay isbitaalka ku booqday dhalinyarada kale ee ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxaasi, waxaana ay shaaciyeen in kuwa qaba dhaawacyada halista maanta loo soo qaadi doono gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba weerarkan qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli Jubaland ay ka bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=46618

Posted by on Jul 31 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

8 Comments for “Ciidamada oo Howlgalo Culus ka bilaabay Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyay”

  1. Kalsame

    July 30, 2021 – 9:47 pm

    Meeshan 2 nin oo Magaca Mrexaan ku qaraabta 2duba ma ahan, yaan lagu dagmin…

    Gedo-sheegad iyo Somalijecel aka Soomajeeste…

    Waaryaara yaad tihiin, kollay belo na sheegataad tihiine…

    War yaa Ilaahay yaqaan oo dadkan magaca nooga dhiga?…

    Ma Tigree baa. Ma jeegaan Baa, Ma ha biqlayso Group baa?…

    Kollayto wacay yihiin ba Kalshaale kuwa leh ayaa ka masuul ah… Anagu wixii magac xumo Kalshaale.ca beesha loogu gaysto waxaan u haysannaa, qolyaha Kalshaale oo hadda Tigree-yoobay… Waayo iyagaa garanaya dadkan iyo IP address-kooda, kana raalli ah beenta iyo belada meeshan taal.

  2. Kalsame

    July 30, 2021 – 9:52 pm

    Gedo-sheegad

    War magacayaga noo dhig Dulliyohow aad ummadda ku af-lagaaddaynayso…

    Sick twisted Idiot…

    Waryaara ninkan na sheeganaya ha noo qabannina idiina qolyaha na caayayoow… Waar naga xishooda…

    Meeshan bilaa filter-kaa yaa horta iska leh?

  3. Ogeysiin:

    Halaga digtoonaado dadka caadeystay inay qabiilo Soomaaliyeed ku caayaan halkan habeen iyo maalin, ayagoo raba in ay madaxa isu galiyaan qabiilada.

    Midna ogaada dadka qaarkii ma aha qabiilada ay sheegtaan.

    Halkan waa looga hadli karaa siyaasada Soomaaliya, laakiinse in lagu caayo habeen iyo maalin qabiilo Soomaaliyeed waa sheeko kale.

  4. Kalsame
    Qof walba wuxuu yahay ayuu yahay magac qabiil oo aan ahayn intaan soo qaato oo aan qabiil kale kucaayo ilaahay ha icadaabo waana dhaartay walaahi inaanan qabiil aanan ahayn magaciisa isticmaalin
    Mideeda kale qabiilo waan soo hadal qaadaa ama siyaasiyiin laakiin anigu ma caayin cidna

  5. Baafin: baafin: baafin: waxaan halkaan ka baafinayaa kii fataalka ahaa ee dameer cadaado ee la xanuunsanaa cuqdada iyo isticmaalka maandooriyaha hadava asxaabta cidii aragta ama war ka heysa ha ku soo hagaajiyeen hospitals dr cavern ama kala soo xiiira tel:no: 252615509876 ama 252613751098 magaciisu waa dameer cadaado daba modoobe . Mahadsanidin.

  6. Dr cavern = dr xabeeb

  7. Sargaalka iyo kalsame

    Taladiinaa waanu qaadanay inaanaan faraqan mareexaan u caayin

  8. @Sarkaal waqtigii waalida ayaa la gaaray.Adiga maxaa zaqiijinaya in aad tahay Og?Anigu waan is sheegay,qabiil meesha aan ku caayay adigaa lagaa rabaa.Anigu waan sheegay reerka aan ahay hadduu qabiil adiga wax weyn kula tahay.Kalsame xaq uma lahan in uu qofna yiraahdo darbaa kugu taagan ama reer hebel ma ahan waa dhaqan qalad ah,qofku muxuu ka helayaa?2da reer ay ka suurowdo in magacyo kale isticmaalaan waa Majeerteen iyo Isaaq.Waan ka afeeftay in aan qabaail qof ku taageero ama ku mucaarido,kaliya sida ay ila tahay ka hadlo.
    BAL I XASUUSI MEEL AAN MUJTAMAC SOMALIYEED KU CAAYAY SI AAN U RAALI GALIYO.

Leave a Reply to Sargaalka

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented