Maxaa laga bartay Doorashadii Kismaayo iyo Sida Madoobe uga saaray Xildhibaano taageersan MD. Farmaajo
Kismaayo ( Kalshaale ) Doorashada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo oo lagu doortay afartii senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Jubaland ay noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso.
Doorashada Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto, Ilyaas Bedel Gaboose iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, ayaa wax badan ka tusmeyneysa awoodda madaxweyne goboleedyada iyo saameynta musharaxiinta madaxweyne.
Ha la dagaalin madaxweyne goboleedkaaga
Casharka ugu koowaad ee aan doorashada ka baran ayaa ah in haddii aad tahay xubin ka tirsan Aqalka Sare, oo aad dooneyso in dib laguu soo doorto, aysan kuu furneyn waddo aad kula dagaasho madaxweyne goboleedka deegaan doorashadaada.
Laba ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee waqtigoodu dhammaaday ayaa kuraastaada ku waayey dagaal ay la galeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo inay la safteen Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu 27-kii bishan soo gudbiyey Axmed Madoobe.
Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub.
Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.
Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn ay isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo.
Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.
Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo ay heshay natiijadeeda.
Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka, in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Somaliland, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka.
Sidaas darteed, senator kasta oo rajo ka leh in dib loo soo doorto, ama siyaasi kasta oo kursi Aqalka Sare ah raadinaya, ma lahan ikhtiyaar ay kaga horyimaadaan madaxweyne goboleedka deegaan doorashadooda.
Saameynta musharaxiinta madaxweyne
Casharka labaad ee aan ka baranay doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo ayaa ah, inay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda.
Inkasta oo ay tartameen xubno raadinaya inay noqdaan Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya.
Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021.
Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose, ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Sidoo kale Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan kama aragti ka foga xisbiga UPD.
Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee shalay soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh.
Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=46600
War caalamka oo dhan baa yaabay nin iyo darawalkiisii iyo nin iyo seedigiis
War cagdheer xukun iska daaye inay soomaaliya arimaheeda kahadlaan ma ahayn
Aun cabdirisaaq xaaji xuseen
Ayaa laga hayaa ogaadeen waa laagi dalkana waxba kama noqon karaan
Waa taas maanta waxa Kismayo kasocda
Waxaa laga barankaraa dawladnimo sayid Axmed madobe waa madexweynaha mustaqbalka somaliya
Waxaan hubaa in ay cid walbo dhaanto dhaadhaanka Villada dhex jiifa 🤣🤣🤣
Qaswade women Killer….Farmaajo Dictator. !!
Waa kaxumahay in beesha geri koonbe kursigoodii lasiiyo dhabayaco waxaasaa lagu leeyahay doorasho ayaa bilaabatay waxa kadanbeeyaa la arki doonaa soo dhuxulayste mabilaabin xaaraantii uu waligiis kusoo jiray adiga uun hadhow yaan qaylo lagaa maqlin
Gabay Beerka ka ogsooni:
Bawdada markii aan ka jabay iyo boqonka taagiisa
Habeenkiina way bidhan lahaa bahalkii cawlaaye
Ragii buurta dheer igala baxay beerka ka ogsooni
Ragii baarqabyada ii qalqalay beerka ka ogsooni
Bah Cilaamo goortay dhamaan igu dul booyeysay
Bah Sadhaysana bagga inay i tidhi beerka ka ogsooni
Ninkii Beled shidheeye iga jiray soona bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa beerka ka ogsooni.
Abaal badha, Abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu bedeli beerka ka ogsooni.
Waxaan kawadaa Madaxweyne Axmed Madoobe waa ogyahay raggii abaalka u galay waagii ay dagaalka qadhaadh la gashay Villa-Wardhiigley sida Jeneraal Fartaag, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiikh, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, madaxwenihii hore ee Puntland, Faroole, xildhibaan Fiqi, xildhibaan Mahad Salaad, senator Muuse Suudi, senator Baasto iyo rag iyo dumar kaloo badan oon halkan kusoo koobi karin, wayse ku mahadsanyihiin abaalkii ay ugaleen Reer Jubbaland
Waxuu kaloo ogyahay Madaxweyne Axmed Madoobe kuwii lasaftay Villa- Wardhiigley oon ka xusi karo wasiir ku xigeenkii hore arimaha gudaha ee Dawlad Goboleedka Jubbaland oo isagoo wasiir ku xigeen ah Xamarna jooga waraaqo soo qorayey uu ku taageerayo Villa-Wardhiigley, waxuuna utaageerayey qaab qabiil ah maadaama ay Farmaajo isku beel ahaayeen.
Libaax nin ganay iyo nin galladay labadaba kala og.
Warkeyga ma garan kartaa?
Si dhab ah ma u fahmi kartaa?
Maaxdiisa ma dhuran kartaa?
Maahmaahyo ma heli kartaa?
Ma sarbeebi kartaa hadal?
Oo Ma ii saafi kartaa?
Xigasho Al- Fanaan Oomaar Barbar.
Waxaase xusid mudan rag iyo dumar badan oo ku qabiil ah Farmaajo oo xildhibaano wasiiro iyo saraakiilba leh inay waagaa diideen oo kahor yimaadeen gardaradii qaawaneyd ee lagu samaeynayey Reer Jubbaland.
Waxaan si qaasa oogu mahad celinayaa wasiirkii hore amniga ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid (Janan) inkastoo uu waa dhaweyd isu dhiibey Villa-Wardhiigley, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid iyo Senator Jenaraal Fartaag.
Sorry: waxaan hilmaamay inaan xuso kabtankii dhamaa ee kooxda Isbedel doonka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qeyb libaax kasoo qaatay dagaalkii ay Jubbaland isaga dhicinaysay Villa- Wardhiigley.
Hilmaan hadal kuma jiro.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waad ku mahaddantahay taageeridaadii aad taageertay Jubbaland.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa siyaasi, aqoonyahan ah, qunyarsocod ah oo dulqaad leh intaa waxaa u dheer diinta aqoon ayuu uleeyahay.
Madaxwenaha Soomaaliya ee mustaqbalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur, anigu waan u codeeyey.
Dhuxulayste iyo Deni iwm waxba isma dhaammaan
Doorasha meesha kama dhicin ee waxaa ka dhacay khiyaana kale oo loo gaystay qaranka Soomaaliya iyo caruurta ama dadka reer Jubbaland.
\\\\
Gedoland
kkkkkkk. Taariikhda aan kuu saxo. Abdirizak wuxuu yidhi Ogadeenka NFD iyo Soomaali Galbeed waa in loo aqoonsadaa Refugees. Wuxuu rabay inay Dhabayacadu qaadato Kismaayo kuraasta ka soo baxaysa.
Wuxuu xisaabta ku darsan haddii laaji loo aqoonsado cagdheer wakhtigaasi waxaa qaadi lahaa UN……under resettlement program waxayna soo noqon lahaayeen iyagoo aqoon badan wata caruur badan ku dhumiyay dhulka gaalada.
Yaab
Ilka yar vs Cagdheer maxaa kala haysta
adduunyo
Viva Soomaaliwayn
Down all Somali traitors
Hoos u godan eedo gaagaabso oo dhidhibso dhacaan baa kaa socdee .nin kastaa ha shubee,shantu ,wey ku geydaa.,adiga hoodayaa ninkii guursadaa waa adeerkaa marka xaalkaagu waa hooyo waa dhashay,her aabbe lee ma joogoo. Mayla socotaa hoos u godan.