|

Axmed Madoobe oo Ka Hadlay Doorashadii 4 Senator oo Kismaayo lagu doortay

Kismaayo ( Kalshaale ) Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Senator-da ka imaanaya Jubbaland ee Aqalka Sare, oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in dalka u jiheystay doorasho.

Axmed Madoobe ayaa doorashada Afarta Senator ee ka dhacday Kismaayo ku tilmaamay “Guul weyn oo taariikhi ah”, kadib muddo badan oo khilaaf ka taagna doorashooyinka dalka.

“Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saabsanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe .

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Afarta Senator ee kusoo baxay doorashadii maanta, isagoona uga mahad-celiyay dhamaan guddiyada doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland kaalinta ay ku lahaayeen qabsoomida doorashooyinka dalka.

“Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.”

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland in doorashada maanta ka dhacday Kismaayo ay ka dhigan tahay mid xaqiijinaysa in dalka uu doorasho aaday, kadib heshiiskii ay madaxdu ku gaareen Muqdisho.

“Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=46568

Posted by on Jul 29 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

6 Comments for “Axmed Madoobe oo Ka Hadlay Doorashadii 4 Senator oo Kismaayo lagu doortay”

  1. Axmed Cadde Garmadoobe
    Wuu codeeyay

    Good job Mr Governor

    Wixii rabo xukun boob iyo GAADIID GD
    Ah iyo Guryahii IF iyo AAQIRO

    ha iska xaadiriyeen DHADHAAB

    * Doorashaan galeynaa oo DICTATOR ma ogolin
    https://youtu.be/B9ySGa1SAYI

  2. * Wuxuu doonayaa XOOG in wax loogu daro, yuu doonayaa
    ( 2 sano oo Kororsi ah)

    * Wuxuu doonayaa Maamuladoo dumo, yuu doonayaa
    ( beelaha qaar Shuuciyaday ku bad baadikaraan )

    * Wuxuu doonayaa dugsigii dhicii, yuu doonayaa
    ( XHKS iyo Guno bilaash ah)

    * WUXUU DOONATAA TII DARAATO,
    ka dagaalanoo QARANKII ” KOOFUR IYO WAQOOYI)
    ku dhumay.
    DICTATORSHIP
    TRIBALISM
    FAMILIES
    COMMUNISM

  3. Horta adeerkay axmed islaan waxbadan caayay oo aan wax kasheegay laakiin midbaan usheegayaa maanta axmadoow idhagayso reer jubaland adeer xiiso kuuma qabsan nin cusub baan rabnaa 11 sano waxaad noo qabanwayday walaahi inaadan waligaa noo qabanayn adeeroow fartaag iyo iftiin baasto hadaad tiri jubaland bay aqalka sare umatalaan waa meeshii kuugu danbaysay taariikhda soomaaliya hadaba waxaad gashay god sababtoo ah maamuladii kale waa aamuseen bal waxa ku ordi siinaya anigu waa ogahay laakiin dadbaan fahansanayn adeeroow doorasho qabo aniga absame iyo sade waa isugu kay mid ilaahoow absame madaxweyne nooga dhig jufaduu doono ha ahaado laakiin intaad joogto sidaasa lookala taagnaan

  4. @Dabshid kkkkk Wixii meeshaas ka dhacay caqli fiyow ma qaadan karo.Qoiyahaan kale marka ay sidaas la yimaadaan maxaad ku sheegi doontaa?
    ILLEEN GEELJIRI IYO NIN BOOB U BARTAY CADAALAD ISMA ARKI KARAAN.
    Sax ma ahan musuqmaasuq noocuu doonaba in la taageero,qiladaan NN iyagana waan sugaynaa.Meelaha ay maamulaan.

  5. Horta dabshid nabad iyo colaad midna mayaqaano war sade farmaajo iyo maxamed siyaad kahor bay jireen aniga awoowgay amiir nuur ilaa hararge ayuu xukumayay laakiin ina adeeroow reer sade kafuq furimo badan baa kufurane mideeda kale hadaad xukunka qabato kaama rabno reysalwasaare ee adiga iyo reer bari waxaad kala heshaan yaad leedihiin
    Dabshid kusoo laabo madbacada arintu waa bilaabatay nin rag ah iska dhig hadii karbaash aa kuu yaala hadaan soo laabto rajadaydu waa fifty fifty

  6. Asc,Maryoolay.

    Wax waliba waxay u socdaan sidii la rabay..
    Waatii dagaal lagu qaaday ee la diiday doorashadii wadanka laga qabanlahaa.
    Waatii laga orday xaqa iyo cadaaalada.
    Waatii lagu heshiiyay,’aan wax wada qalano,midiyahana aan kala qarsano’.
    4 sano ka dib,ayuu midho dhalidoonaa qudhunka maanta la abuurayaa.
    Dee wadan uu Mooryaanismku yahay dhaqanka Bulshada,naxaad ku arkilahayd,?

    Waxaad ku arkilahayd,waxa aad Somaliya ku aragtay.
    Dalmida

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented