|

Muqdisho: Wiil lagu diley Howl-wadaag oo la sheegay in kabaha lagu Aasay !

Muqdisho ( Kalshaale ) Ehellada Marxuum Cabdishakuur Muxiyadiin Iimaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilkooda lagu dhex dilay saldhiga Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, kadibna laga qaatay hantidiisi gaarka aheyd.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay in markii hore uu Taliyaha saldhiga Howl-wadaag uu xabsiga dhigay Cabdishakuur Iimaan, markii dambena uu ku dhex dilay, ayada oo macal kabihiisi lala aasay, sida ay sheegen.

“Wiil shaqeysanaya oo Bajaaj wata inta lasoo qabto oo meel amni ah la keeno oo ku dhinto, anaga oo Xamar buuxna haddana la qaado oo duugo wax la aqbali karo maaha. Hay’addaha uu khuseeyo waxaa ka codsaneyna in arrinkaas gacan bir ah ku qabtaan,” ayuu yiri mid kamid ah Ehellada marxuumka ee la hadlay warbaahinta.

“Waxaa codsaneyna in cadaalad uu helo (Cabdishakuur), waxaa ka rabaa dhamaan hay’addaha ay khuseyso oo uu ugu sareeyo Taliye Xijaar in cadaalad la imarsiiyo, waan idinka sugaa, waxaan idinka rabnaa in cadaalada iisoo de-dejisaan ama dhahdaan wax cadaalad ah idinma hayno.”

Sidoo kale waxay sheegen in Cabdishakuur si sharci daro ah ay usoo qabteen ciidan ka tirsan saldhiga Howl-wadaag, xili uu ku shaqeysanayay Bajaajtiisa, islamarkaana lagu dhex dilay saldhigaas, ayada oo mas’uuliyada dilkaas dusha u saaray saraakiisha sare ee saldhiga Howl-wadaag.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=46544

Posted by on Jul 28 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Muqdisho: Wiil lagu diley Howl-wadaag oo la sheegay in kabaha lagu Aasay !”

  1. Maxay tahay sheekadaan cusub ee kabaha laysku aasayo
    Ccshakuur baa yaabay sas buu kaqabaa kabaha laysku aaso kkkkkkk

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented