|

Musharixiinta Mucaaridka, Xukuumadda iyo Madaxda Maamulada oo Caawa kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Muqdisho ( Kalshaale ) Ra’iisal Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye u sameeyay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran iyo qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta, ka dib markii la soo gebogabeeyay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Musharixiinta Mucaaridka oo ay kamid yihiin Madaxwaynihii hore Xasan Sheikh, iyo Raysal wasaarihii hore  Xasan Cali Khayre  ayaa siwayn uga dhexmuuqday Kulanka , iyadoona taasi ay ka dhigan tahay in Mucaaridku ay siwayn usoo dhoweeyeen Heshiiska laga gaadhay Arimaha Doorashada Soomaaliya oo Muddo soo jiitamay.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayey Heshiiska laga gaadhay Arinta Doorashada ayaa yidhi.

“Waxaa guul noogu soo idlaaday Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka soo bexeen qodobbo muhiim u ah doorashooyinka dalka.Waan u mahadcelinayaa Madaxda Golaha Golaha Wadatashiga Qaran ,anigoo rajeynaya in ay noo qabsoonto doorasho daahfuran oo nabdoon,si waafaqsan jadwalka & habraacyada lagu heshiiyay.”

Kalshaale.com

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=45502

Posted by on Jun 29 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

5 Comments for “Musharixiinta Mucaaridka, Xukuumadda iyo Madaxda Maamulada oo Caawa kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)”

  1. Hawiye reerka sacad layiraahdo ayaa wax maamuli yaqaan inta kale wax jira maaha
    Bal fiiriya xasan culusoow ninka irsaaqad karaadiyay dumar soomaaliyeed inuu iibiyo
    Raga meeshaan isugu yimid labo nin oo kabaqaad ayaa kujira
    Waa culusoow iyo dhuxulayste

  2. Madaxweyne dhuxuloow iyo madaxweyne culusoow kkkkkkk war magacyadaan iska badala magac madaxweyne loogu yeeri karo maahane

  3. Shirka Hiraab iyo Kablalax looma Dhama,
    In Arimaha Soomaaliya oo dhan talo laga weydiiyo ONLY
    Labo Jufo waa Xadgudub Weyn,
    Oo lagu tuntay BEELAHA YAR YAR.

    1. Rasalwasaaraha Maamulka Banaadir State of USC
    ( Madarkicis Hiraab)

    2. Governor Galmudug
    ( Madarkicis Hiraab)

    3. Governorka HIRSHABEELE
    ( Mudulood Hiraab)

    4. Governorka Banaadir Administration
    ( Mudulood Hiraab)

    Vs

    1. Governorka Jubboland
    ( Absame Kablalax)

    2. Governorka Puntland
    ( Harti Kablalax)

    – GOOB-JOOGE
    1. Governorka K.Galbeed
    Raxanweyn

  4. Haddana intey Jadwal sameystaan
    Oo go’aamo iska garan.

    Iney kali isu casuumaan, oo kali u sheekaystaan
    Oo kali u showraan waa

    Xadgudub ka daran kii hore

    ALMIINO SHAAHA, SHEEKADA IYO SABTA
    waa loogu yeerijiray masaakiinta iyo dariskaba.

  5. Rag waxaa ugu liita calooshiis la cayaar iyo ciil kama baxe. Meesha kama tage,waxna kama tare. Iminka oo aad bastaa tahay,baroor miyaa wax kuu qaban.

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented