MUUQAAL: Taliska Xooga dalka oo ka hadlay Dagaalo Qadhaadh oo ka socda Sh/Dhexe
Muqdisho ( Kalshaale ) Gaashaanle Sare Cali Xaashi Cabdi oo Afhayeenka Ciidamada Xooga dalka ayaa ka Warbixiyey Howlgalo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeelada dhexe, Iyadoona Ciidamada ay Xoreeyeen Deegaano dhowr ah.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Waxaa lasoo xoreeyay deegaano badan Balse Shalay iyo maanta wuxuu dagaalku ka socdaa Waaraxley, Cali Fooldheere iyo Qudhac Madoobe, dhulkaasi oo ah Dhul kayn ah, Waxaa lagu dilay 17 Kamid ah Maleeshiyada alshabaab, waxaana Ciidamada ka go’an inay guud ahaan dalka ka xoreeyaan.“
Dagaaladii iyo Howlgaladii hore waxaa sidoo kale lagu qabtay Hub badan, waxaana hada idiin Cadaynayaa inuu dagaalku ka socdo Waaraxley, Cali Fooldheere iyo Qudhac Madoobe, Khasaare xoogan ayaana la gaadhsiiyey Alshabaab. “ Ayuu yidhi Cali Xaashi.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=45229