Kenya oo dib u fasaxday Duulimaadkii Diyaaradaha ee Soomaliya
Nairobi ( Kalshaale ) Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay dib u fasaxday duulimaadyada Soomaaliya, kadib xayiraad ay muddo saartay, taas oo uga sii dartay xiriirka ximaaday ee u dhexeeya wadamada dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in maanta wixii ka dambeeyey dib loo fasaxay duulimaadyadii ka imaan jiray Soomaaliya, kuwa ka imaanayey dhinaca dalka Kenya, gaar ahaan Nairobi.
Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay tallaabadan ay horseedeyso in dib loo soo celiyo xiriirka labada dal oo leh iskaashi ganacsi iyo mid daris wadaag ah intaba.
Warqaddan ayaa waxaa lagu sheegay in kaliya dadka safraya laga doonayo inay wataan shahaadada cadeyneysa in aysan qabin cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.
Xayiraadda ay Kenya horey usoo rogtay oo loo sababeeyey khilaafka labada dal ayaa saameyn ku yeeshay duulimaadyada labada dhinac ee Muqdisho iyo Nairobi.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka oo ku aadan go’aanka ay Kenya dib ugu fasaxday duulimaadyada Soomaaliya.
Si kastaba labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii dambe xiriirkoodu aad u hooseeyey, iyaga oo kala rartay safaaradaha, waxaana arrintu ay ka sii dartay markii uu soo shaac-baxay kiiska badda ee haatan horyaalla maxkamadda ICJ.
Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44818
“Alif wax maleh iyo waxbuu leeyahay ” kenya waxay ku wareertay Hawada waa furnay iyo waa xidhnay, isbedelkaas soo noqday waxuu daliil u yahay inaanay Somalia ka maarmin, inkastoo DAWLADA xamar aanay tamar diplomaasiyadeed oo buuran lahayn hadana kenya ma adka ee wax ka liitay heshay..
Asc. Walaalka magaca Somali galbeed wata! Waxad ka dhawaajisay hadal sax ah Oo qiimo leh! Waxan ku xasuusinayaa mahmaahdii ahayd. Gudun yahay Hadii uusan gabalkay kugu jirin ma aadan I goayseen!! 30
Sano silic iyo saxariirta Aynu soo marnay waxay dhashay. In gafanaayaal siyaasiyiin ah oo wax matarayaal ah oo ilmo gabrayaal iyo Ilmo Kenya iyo Ilmo emerate iwm! Wadankena hooyo ka samaysmaan! Oo ah kuwa axmaqyo ah oo siyaasadba Iyo mucaaradnimo ka fahmay in wadankaada hooyo cadowga lagal safto oo lidi lagu noqdo dowlada dhexe ee somaliyeed iyo shacabka! Hadana danyuusiintaan ayaa Kenya u sahlay iyo emerate inay wadankena hooyo ay sankadhuudhiga xun xun iyo emerate masa cagalooy kuwii qalan jiray ee Aynu sadaqada siin jirnay nagu falaan waxaas oo meel ka dhac ah siiba Kenya ! Dowlad buurya qab ah oo Aan qaan gaarin oo uu ingriis aas aasay 1926. Inay sidaas noola dhaqanto Walaalo kowaad anagaa is dhignay oo maamulada shit 💩 ka ah ee ah SSDF. SNM, USC ! SPM! RRC! Ee loo badalay Shaati qabiil oo laga dhigay sharci Waa Sababta ay Kenya gafuurya wayn noogu soo dhiiraynayso oo ay dadkeena u xasuuqayso maalin Waliba xadgub Waliba oo xun noogu dayayso!! Ummadaha geeska Africa cid ka fulaysan oo ka liidata oo ka dhaqan xun oo ka darisnimo liidata sankadhuudhiga xun xun ma laha ! Yes dowlada dhexe ee somaliyeed tabar ma laha buuxda balaayo siyaasiyiinta ku sheegyada iyo maamulada qabiiliga ah ee cadowga ummadena somaliyeed uu samaystay una samaystay inuu ku fushto danahiisa gumaysi ee gurucan! Intaas oo is biirsaday iyo dal burbur sanaa 30
Sano wax dowlada dhexe ee somaliyeed lagu eedo ma laha ! Teeda kale shacabka somaliyeed ee Nairobi iyo Kenya lagu naa naabay ee damiirku ka dhintay ee aanan Qadiyad lahayn soo
Ma Aad aragrid Hadii ay dad wax yar oo damiir ah leh Waa ay ka soo guuri lahaayeen oo Kenya ayagaa gaarsiiyay inay nagu kibirto oo nagu naaxdo!! Waa xaqiiqo walaale Kenya ayadaa somali u baahan iyo business inay nala samaysto Hadii Somalia dowlad adag hesho iyo in dadka somaliyeed ee qabiilka iyo kala qob qobnaanta iyo habqanka ahi meel isku raacaan! Kenya ducufo soo taan naqaanay ma ah ee Hindida iyo carabta u ahaa kuwa ay gumaystaan oo u ahaan shaqaale ay tartaan? Sidii ayayna ku noqon dhal dhalaalka iyo daaraha ku yaal Kenya ayagu ma laha ee ingriis! Hunuud! Somali iyo dadyoow kale ayaa leh 50% ganacsiyada soomali baa leh ! Ee waxa dhibkaas In Kenya nagu ciyaarto iska leh Waa siyaasiyiinta danlayda ah ee tuugada ah ee Kenya la safan ayaa inoo jabiyay iyo baraarug xumida shacabka somaliyeed!! Dowlada dhexe ee somaliyeed Walaalo Waa ay dadaalaysa Lknse lugaha aya waxa ku dhegen gafanaayasha xun xun ! Dabadhilifka u ah Kenya iyo emerate!! Insha allahu waase laga bixin dhibka Khayr iyo Farah alaah ayaa inoo
Danbayn!! Wsc
Kenya maqaaxi naga furatay kkkkk
Marna noo hanjabaysa,mar diyaarad nagu garaacaysa mar diyaaradaha naga joojinayssa kkk
Wayba nagu dadaal baratay kkk
Wayba nagu barbarteen mkk
Walee warbaa yaala.
Dalmida
GUUL AYAAN U ARKAA 2014 AYAA LACAG 200KUN DOLLAR NALOOGA DHACAY NAIROBI WAXAAN U TAGNAY SAFIIRKII MARKAAS JOOGAY MAXAMED ALI AMEERIKO.WUXUU NAGU YIRI KAMA HADLI KARNO.MAANTA WAXAY MAREYSAA IN DIYAARADO AY XIRTEEN AAN LOO JUUQIN ISKOOD U FUREEN QAADKII WUU XIRAN YAHAY BOOTADDII WAA DHAMAATAY.
FARMAAJE UGU YARAAN WUXUU KA TAGAY KENYA IYO UN EMARATE OO SOMALI KA BAQI DOONA KII DOONA HA ISKA QAYLIYO WUU KA DAACAN YAHAY XASAN SHEEKH.