|

Kenya oo Bilowday Inay Hubayso Beelo Soomaaliyeed iyo Afhayeenka Ciidanka Xooga ee Gedo oo Soo bandhigay

Muqdisho ( Kalshaale ) Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay hubeynayso beelaha Jubaland qaarkood, si ay dhexdooda isugu dhibaateeyaan.

“Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago dal iyo dibadba Kenya inay dhibaateyntii halkeedii ka sii waddo 6-dii iyo 7-dii bisha xalay illaa habeen hore inay cimiladii hore cimilo ka fool xun ay howshaa gashay,” ayuu yidhi Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta.

Afhayeenka ayaa yiri “Degmada Afmadow iyo deegaano hoos-tagga sida Diif, Dhoobley, Cali Buleey iyo meelo kale in hub loogu qaybiyay maleeshiyo beeleed iyo in la weerarayo dadkii reer miyiga ahaa deegaanadoodii iyo xoolahoodii, kuwana la leeyahay reer hebel baan rabnaa inaan barakicno oo xoolaha ka dhacno ee fogaada, oo dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, isla dhashay, isna dhex degenaa qaarna ay Gobolka NFD, Ismaamulka Garissa illaa Libooya u guurayaan oo gudaha u qaxayaan, kuwana la boobayo xoolahoodii iyo nafsadoodii oo la weerarayo.”

Waxaa uu sheegay in goobaha dadka lagu weerarayo ay ka mid yihiin deegaanada Cali Buleey, Dhayac-garoon, Rasho, Cali Yaquub, Toosileey iyo Harro Cali, oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

“Meelaha dadka lagu weeraray waxaa ka mid ah Cali Buleey oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, una dhow deegaanka Dhoobley, Dhayac-garoon oo hoos-tagta deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ah Rasho iyo Cali Yaquub, baldoosyada la yiraahdo ee geelashu cabi jireen, waxaa kaloo ka mid ah Toosileey iyo Harro Cali.” ayuu yidhi Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yidhi “Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo dembiileyaal kale oo ay ka mid yihiin kuwii argagixisada, si ay ayaga u sii jariiqaan in ayaga qabiil qabiil leeskugu diro, la kala qaxiyo oo hub iyo qalab la’isugu dhiibo ayay mareysaa.”

Aadan Rufle ayaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Jubaland ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda uu sheegay inay ku soo korortay Jubooyinka iyo Gedo.

“Isimada Dhaqanka waxaan leeyahay wixii la idiin doortay waa maslaxad iyo nabad, dagaalkuna meel xun oo fool xun buu gelayaa, haddii geela la kala dhaco, oo dadka reer miyiga la barakiciyo, dowladana ay daba taagan yihiin oo niman dembiileyaal ah ay doonayaan magac qabiil inay ku jariiq dheeraadaan ama dadka ku barakiciyaan. Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee saddexda gobol kaca oo duubkiina iyo cimaamadiina qaata, dadka walaalaha ee cadowgu isu adeegsanayo inaad kala badbaadisaan baan idinka codsanaya,” ayuu yidhi Aadan Rufle.

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44797

Posted by on Jun 10 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

4 Comments for “Kenya oo Bilowday Inay Hubayso Beelo Soomaaliyeed iyo Afhayeenka Ciidanka Xooga ee Gedo oo Soo bandhigay”

  1. Waxaas bay war nooga dhigayaan dadkaas Kenya iyo alshabaab baa dhulkoodii kala qaybsaday
    Sodon sano ayaa jubada dhexe alshabaab haysataa
    Labaatan sano ayaa Kenya jubada hoose haysataa
    Gedo unbaa xor ah
    Hada magaalada kismaayo iskuulada waxaa lagu dhigaa zawahili lacagta laga isticmaalo waa kenyan shiling maxaa haray oo laysku haystaa

  2. Kkkk War soo daahay.Hadda ma bilaaban wax weyn ma ahan,shacabka unbaa la isku laynayaa Kenya waxsy rabtas dad badan inuu ka qaxo dhulja xuduudda 6 sanno oo dagaal ah waaba laga faaiiday.
    Waa Police Kismaayo oo kale 120 nin 95 1 beel ah Somalida kale oo dhan 25 maxay soo kordhisay?Waxba dadkiibaaba kusii batay.

  3. Farmaajo iyo reer DIINI waxay rabaan Jubbaland inay qootoqooto kula wareegeen, Gedo Farmaajo wuxuu hubeeyay jufadiisa, isaga oo adeegsanaya magac dawladeed, Jubbaland inuu raadsado garab si isku difaaco xaq buu u leeyahay.
    QANIIYO QANIIIYO baa kaa Fujisa.
    Soomaaliya qabiil bay u dirirtay welina ma heshiin. Kismaanyo waa majority-ga magaalo Kablalax ku badan yahay ee Farmaajo waa inuu dhibka ka daayo. Balanbal baa waxaa Mareexaan ku haysta Cayr.

  4. Kismaanyo waa magaalo majority-ga Kablalax leeyahay, weligiina reer DIINI iyo Barre Hiiraale dib u xukumi maayaan.
    Wadaniyad been ah socon weyday.
    JUBBALAND is for sale. not

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Warning: Use of undefined constant is_attachment - assumed 'is_attachment' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/innerWideSidebar.php on line 33

Recently Commented


    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant comments - assumed 'comments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1839

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841

    Warning: Use of undefined constant trackbacks - assumed 'trackbacks' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.kalshaale.ca/public_html/wp-content/themes/khaatumo_theme/includes/theme-plugins.php on line 1841