|

Xasan Shiekh oo si yaab leh uga hadlay Ciidankii loo qaaday Dalka Ertirea (Dhegayso)

Muqdisho ( Kalshaale ) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta dhalinyaradii ay dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Ertirea ee la waayey, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dhalinyaradaas la iibsaday.

HALKAN DHEGAYSO

Xasan Sheekh ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ka dalbaday in nolol iyo geeri uu meel ku soo sheego dhalinyaradaas maalin kasta waalidiintii dhashay ay wal-walka iyo cabashada banaanka la taagan yihiin.

“Dhalinyaradaas waxaan ku tilmaami karaa kuwo la iibsaday, dowladii dhalinyaradaas qaaday waxaa laga la’yahay inay dadka soo hor istaagto oo tiraa war dhalinyaradii wacaalkoodu waa sidaan. War sidaasi mas’uuliyad maaha, hal nin oo dowladaan ka tirsan kuma dhaco inta warbaahinta soo istaago inuu yiraahdo dhalinyaradii aan iibsanay halkaas ayey ku dambeeyeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ragii xilalka hayey xiligii dhalinyaradaas la qaaday ee aan hadda xilalka heyn waxa uu xasuusiyey inay heystaan fursad ay dadka ugu sheegi karaan inta ay ka ogyihiin hanaankii lagu dhoofiyey dhalinyaradaas iyo xogta ay ka hayaan halka ay ku dambeeyaan.

“Hooyinka maalin kasta ooynaya ee jidadka taagan xaqey leeyihiin, in caruurtoodii loo sheego halka ay ku dambeeyeen xaqey u leeyihiin, madaxweynihii hore, xukuumadda iyo ragii berigaas joogay ee aan hada joogin waa inay u sheegaan hooyooyinka halka la geeyey caruurtoodii, war dowladeena maxaa ku dhacay? Arrintaan in laga aamuso ma mudna,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN KA DHEGAYSO XASAN SHEIKH MAXAMUUD

Isagoo sii hadlayey ayuu yidhi “In Qaramada Midoobey ay maalin noo sheegto in dhalinyaradeenii dal kale ay dagaal ku gashay, maalina madaxda dalal kale ay noo sheegaan in dekedaheenii loo saxiixay dal kale, nagama qabato madaxda aan mas’uuliyadda u dhiibanay, madaxdu waa kuwa dadka soo hor istaaga oo u sheegay runta, xattaa hadii ay qaraartahay, wax aad qari kartaan malaha ee sheega, inta aysan gaarin meel halkaan ka sii qaraar.”

Short URL: https://kalshaale.ca/?p=44786

Posted by on Jun 9 2021. Filed under FLASH, MAQAL IYO MUUQAAL, WARARKA, XULKA KALSHAALE. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

18 Comments for “Xasan Shiekh oo si yaab leh uga hadlay Ciidankii loo qaaday Dalka Ertirea (Dhegayso)”

  1. Tuug intaadan tuug odhan buu kugu yidhaahdaa/meel bukta iyo far baa is og!! Dawladu ciidanka tababarka loogu geeyey Ereteria ee Qadar ka wakiil ka ahayd waxay ku og tahay bed qab: Haddii ay muaamarad loo dhigay Somaliya ay wax ka og yihiin kooxdan beenta afuufaysa, waa laga sugayaa caddaynta ay la yimaadaan.
    Guurguiurte isagaa iibsaday dhiigii dhalinyaradii uu m/weynaha u ahaa ee uu xukumayey; wiilashii uu Yemen u geeyey inay ka difaacaan Sacuudga iyo Emirates danahoodaa ee kaga lacag qaatay laguna xasuuqay Yemen waalidkood muxuu ugu abaal guday? Waliba Allaah baa dadka ka qabtaye waxa u diyaarsanayd ciidamo la rabey in la geeyo Libya. Dawladan ciidamada loogu soo tababa barayo wadamada kale waxay ugu talo gashay inay noqdaan dal jireyaal ilaashada dalkooda, maya inay u shaqeeystaan calooshood u shaqaystayaal.. Calaa kulli xaal Xasan meel ku sheeg wiilashii aad iibsatay ee xoogga dalka ka tirsanaa iyo gabdhihii aad istaraashada ahaanta uga iibsatay Sacuudiga?????????

  2. XASSANOW eedoo dhan adigaa dusha Saaran
    Maxaa yeelay nin aan xoolo iyo Xaniiyo ku laheyn
    Maamulka Banaadir State of USC
    ayaad dhahdey HOO MAAMUL
    Caasimadeyda
    Canshuyrteyda
    Ciidankayga

    Maxaad ku diideysaa inuu
    Mr Macangag Child KILLER
    Burburiyo Democracy loo soo hurey
    Hantidii iyo Dhiigii reer USC

    Maxaad ku diideysaa in Caruurtii USC
    Laga iibiyo
    ERITREA si loogu qabsado Jabuuti
    Ethiopia si loogu adeegsado magaalada Sokeeye ee Ethiopia

    Maxaad ku diideysaa in sharaftii laga qaadey
    Ciidankii Qarankii Qabiiloobey kuwaas
    Oo lagu dhahey XASUUQA SHACABKA Soomaaliyeed

    Taas oo keentay in laga aamin baxo
    Ciidan Qaran, kadibna ilaa Dowladdii
    Shiikh Shariif iyo middaad adigu hogaaminaysay
    isku dayaa dib u aaminid Ciidan Qaran

    In lagu celiyo SIDII DARIIQII KUWII
    HANGASHTA ee shacabka xasuuqi jiray.

    -XAGLATOOSIYE MA MAAMULIKARO
    CIIDANKA, CANSHUURTA IYO CAASIMADDA
    SOMALILAND

    SO Mr Child KILLER Kursi boobe Farmaajo

  3. Ciidamadani ma hawiye iyo racanwayn lasoo soocay bay ahaayeen cida daba socotaa waa labadaase

    Guulwadayntii xadhkahay goosatay in laysku wiirsado waar walaan saa layskaga hadhayne inta aanay qadhaadhaan aarmaajo ha sheego inamadii halkay ku danbeeyeen

  4. Hawiyow

    Farmaajo oo Daarood ugu liito
    Dhankasto

    Oo idinka idinka tirsanaa dhankasto

    Oo idinku ka dhiibteen Kharash iyo Codka

    Ayaa isku dayey inuu xooga wiilashiina
    iyo hantida Xoolihiina ” si xoog ah ugu maamulo
    ONLY DHULKIINA

    Maxaad u maleyn mid maamulo
    Dhul Daarood, oo waliba wato Ciidan Daarood

    – Wlh ilaa aad xisaabisaan xoolihiina
    iyo xoogiina in WAXKASTO la idinku dayi.

    C/ llaahi Yuusuf ayaa ba qiil lahaa
    Oo Ethiopia ku dhahey Kabo qaad aan idinkaga
    Noqdo Only dhulka Soomaaliya laga MAALO

    Laakiin Child KILLER waaba kasii
    Indho adagyahey C/llaahi Yuusuf

    * XAGLATOOSIYE ma maamulikaraa
    Caasimadda, Ciidanka iyo Canshuurta
    Somaliland ???

    • dee dabshidow xaalkaagu waa caqli raqiis aan anoo idoora ku maamulo adiguna ha i maamulin reer ka iyo caruurtaada cuqdada iyo caadifad ha ku ababin

  5. Kaahin

    KKK

    Hoos ayaan kuugu reebay jawaabtii

    Reer Abtigaa $10,000 kun ayay
    Halkii wiilba ka qaateen

    Nin Abaar hayso 10kun ayaa uga qiimo badan
    Wiil suuqa taagan

  6. Munaafaqnimadu waa marka aad tidhaahdid maxaa laysu waydiinayaa animadu halkay ku danbeeyeen

  7. Somalia waxay horay ciidamo ugu dirtay dalalka kala ah sauthaftica. Zambia. Mozambique Burindi uganda Djibout. Iyo dalal kale oo ay ka dagalameen cid kadaba yuusaysa yaa arkay oo leh maxaaa loogu diray. Mida kale ciidankaan 18 gabol ee somalia ayay kasoo wada jeedaan waxaa lagu qoray equel communnity ama 5 ta xaafadood waa su aale soomaalida kale maxaa looga maqliwaayay wiilashadii waa la iibsaday ama waa la xasuuqay.??
    Kaahin
    Kolay xaafadaada dhalinyaro way kaga jirtaaye bal warayso xaafada in wiilashii warka hayaan.

  8. Dabshid
    Sxb mar labad ragu waa istabcaa.eebow farmaajo meela uma socdo magaratay caadi noh, reer qurac waa saarsaar saw maha cadale ceelmacaan bal kawaran roob muu ka dayay

  9. Ani xasan xasan sheekh waantaageer sanahay.barigii hadii ladooranlahaa walaahi somaliya alshabaab Laguna arkeen

  10. Correction # south Africa

  11. Gaafaw

    Kkkkk

    * Geed ma diido Saar-saar ku tiirsan,
    haddowse saarsaarkii iswaalo
    ” Lugahaada ku istaag soo Gar maahan”.

  12. Culusoow nacalaa tii kudhashay kuyaal gabdho soomaaliyeed buu dhoofiyay markaasuu ciidan kahadlaayaa
    Xasan culusoow ha isdaalin orodoo dameerkaagii dhaqo madaxweyne wallee inaadan noqonayn

  13. Leopon

    AAMUSKU marbuu xigmo yahey

    GUULWADE GARU kama go’ado,
    Guno MOOYAANE

  14. Ciidankaasi waxa laga qarinayo ee u horeeyaa waa Mooryaankan meeshacka qaylinaya ee uraya.
    Wuu ogyayahay inuuu kow ka yahay oo Cadowga dibadu 2 ka yahay waxa ciidanka loo qarainayo.

    Languageks uu ku hadlay Mooryasnta yarar ee sacabka u tumaysa kkkk

    Aa la iibsaday.

    Areteriya ma Ciidamo ama dadbay iibsataa?
    Waar waxan yaa ka dila ummadda.
    Waaba hadii ay dad yihiin waxa dhegaysanaya waxan hadlaya. saa isaga ayaabay wax ka dhegaysanayaan.
    Waxbaa la iibsaday iyo waxbaa la dilay.

    Dalmida

  15. qaainul wadan farmaajo
    cidii mooged
    inuu qiyaano qaran
    la aamusna
    bey u taal
    imiasan idin lahaa waar daanyer kani waa qaainul wadan iibsanaya dal iyo dadba ila maxa wax qarson soo bixi doona
    oo qaainul wadan farmaajo qaribay hadana qarinaya
    caruurtan uu iibsadey wax kabadan baa soo bixi doona ee iska suga
    SEDE ISRAEL
    baa yaabay

  16. @Gedoland waad qaldan tahay sx hooyadii maxaa kuu geeyay?Isaga waa masuul la caayi karo.Isaga hooyadii ama reer in la caayo waa qalad akhlaakhda NN ma sidaan baa ?
    Gar waa loogu leeyahay in ay yiraahdaan ciidankani waa sirdoon ma ahan kumanaan mana ahan boqolaal 120 nin qiyaastii(Illahay ayaa iga og)Waxaa diiday sirdoon in ay taba baraan dalal badan Eriteria ayaa yeeshay.Balse suaashu waxaa waaye 2 sanno waa waqti badan.Sidee wax u jiraan.Ma filaayo ciidan Tigre ka dagaal galay oo intaa la eg inuu jiro aragtidayda.

    Xasan sheekh isagu waligii maka jawaabay tii gabdhaha?MAYA MAYA ma ahayno taa micnaheedu ma ahan HURDAAYE in qiil loosiinayo aamusnaan.
    XAQIIQATAN SIYAASIYIINTA SOMALIGA WAA DAALIMIIN MEELKASTAABA HA JOOGANE.
    DIIDNAY IN WAALID LA CAAYO.

  17. Inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
    Xassan gurguurte waa nin dhintay ma garanayo siduu madaxweyne inoogu ahaa.
    Bal ninkan dhegeysta leh dawladii ayaa askar gadatay.
    Nacaalaa kugu taal hadalkaas waa meelkadhac aad u weyn waana in lagu yiraahdaa soo cadee,
    Taas waxuu calaamad u tahay sida aadan masuuliyad u qaadi karin weli lama maqal dawlad la leeyahay dadkeedii bay gadatey oo weliba nin maqaamkaas soo maray uu leeyahay.
    Shame on you mr culusow. Kun jeer ceebi kugu dhacday.
    Xitaa haday jirto afkaaga ma ahayn. Doqonyahow

Leave a Reply to leopon

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented